Search This Blog

Thursday, July 3, 2008

Dhaqdhaqaaqa dib u xureenta gobolka shabeellada hoose

Waxaan digniin buuxda u dirayaa kuwa ku takri faley dheefta xuquuqda gobolka shabeellada hoose, gaar ahaan, maamulka marba magaca la baxa, iskuna qariya magacyada kala duwan, maamulka maxaakiim iyo maamul Al-shabaab, amase magac beeleed . hadba kii la sheego, waxaan , qoraalkeyga ku caddeynayaa:-

1- Dhaqdhaqaaqa dib u xureenta gobolka shabeellada hoose marna uma dul qaadandoono, dhibaatoooyinka ay gobolka ku hayaan mooryaanta uu hoggaamiyo Indha Cadde, iyo kuwa uu ku shaqeysto.

2- Marag ma doonto waxaa ah, dhibaatada lagu gaarsiiyey umadda Soomaaliyeed , magac diimeedna loo adeegsadey, taasi waxaa tusaale u ah, dhibaatad laga dhigey Xudur todobaadkii tegey, oo ay mooryaanta Indha Cadde ay ku qaadeen, dad aan lug ku leheen Dowladda Federaalka iyo Xabashida .

3- Odey dahqameedka rag ay u xilsaarteen inay nabad gelyada Xudur Sugaan ayaa lagu xasuuqey , taasi oo laga dan lahaa keli in hubka laga soo dhaco, laguna gumaado umada Soomaaliyeed kale, taasi oo aad wada aragtaan inay dhibaatadeeda ka taagan tahay GuriCeel. iyo Matabaan.

4- waxaan digniin buuxda u direynaa kuwa takri falka maamulka gobolka isla markaana ka amar qaata maamulkii Indha Cadde , ooo nasiib darrida ay beeshiisu ku taageersantahay, waxaan u caddeyneynaa, inay dhamaatey dul qaadkii iyo walaaltinimadii iyo diintii laga keeney gobollada dhaxe eek u saleysan been af ka sheegga ah.

5- Diinta qabta in la xoogo, beer dadaad , guri dadaad, la kufsado, gabar Bikri ah, iyo isla dhaqmaad baxdey, hooyo carruurteeda dhex fadhida, iyo gabar waalidkeeda la joogto, diintaasi waa mid aan isla leheen.

6- Gadh la deysto iyo camaamad cas madaxa lagu duubto diin ma ahan, dulmiile haddii uu diinta xoos galey waxaa lagaga saarrayaa xabbad iyo xoog, manta waxii ka dambeeyana waxaa inuu bannaan inaan kula dhaqanno sida la inoo keeney, taasi oo ka dhigan fartaad dadka ku taagteen in la idin ka jaro , haddii aadan gaabsaninna in la idin gaabindoono.

7-gobolka dadka u dahshey waxay go'aansadeen in si toos ah , loogu midoobo jihaadka lala gelaayo wax allaale waxii dulmi ka woda gobolka, ha noqdaan kuwa kasoo habaabey gobllada kale, amase kuwa u dhashey gobolka oo daba dhilif u ah kuwa takri falka ka woda gobolka.
Ballankeennu waa jihaad nafta loo huro, xureenta gobolka shabeelalda hoose, loona daadiyo dhiig fara badan, ilaa laga gaaro nabadda la tiigsanaayo eek u saleysan is maamul goboleed, dadka gobolka u dhashey , inay helaan xaqa ay ku leeyihiin gobolka.


Gobolka beelaha ku nool waxay ka mideysanyihiin inuu dulmiga uu gaarey xad ay Soomaalinimada so'aal ka qabaadaan, taasina kalsoonideeda waxay keli kusoo noqonkartaa inay noftooda iyo maalkooda u huraan, sidii ay u garaan tixgelinta ay dadka iyo dalka ku leeyihiin.
Taasi oo ay ka waayeen Soomaalida oo idil, ayada oo uu gobolka yahay meesha keli ugu dheefta badan dalka oo idil isla markaana dheeftiisa ay tahay mid dalka oo dhan deeq, mar haddii taasi loogu garan waayey walaaltinimo iyo Soomaalinimo, waxaa hadda ka dib dhalindoono qoriga iyo fillarta.


Qore : Af-hayeenka Dhaqdhaqaaqa dib u xureenta Gobolka Shabeellada Hoose

Maxamed Cismaan "Yaraas"