Search This Blog

Friday, July 4, 2008

Ururka Alqacidda oo Ciidan ku aruursanaya meelo ay Somalia kamid tahay.



Sida lagu soo daabacay Jariiradda "The New York Times" ee ka soo baxda dalka Maraykanka, Ururka Al-qaacida ee uu hoggaamiyo Sheekh Usaama Bin Laadin, ayaa isaga soo huleeli doona dalka Afganistan iyo qeybo ka tirsan dalka Ciraaq, kadib, markii ay heleen saddex dal oo ay kaga badbaadi karaan waxyeelladda duqeynta dalalka Reer Galbeedka ee baacsiga ku haya Al-qaacida.


Dagaalyahannadda Ururka Al-qaacida, ayaa la sheegay inay dalalka Somalia, Algeria iyo Pakistan iska soo abaabuli karaan, isla markaana tababar ciiddan ku qaadan karaan, si ay u geystaan falal ka dhan ah danaha Reer Galbeedka ku leeyihiin Mandiqadaasi.


Wargeyska, waxa uu qoray in Warbixintan laga soo xigtay Hay'adaha Difaaca iyo Mukhaabaraadka ee Reer Galbeedka lagu sheegay in xuddunta Ururka Al-qaacida ay tahay Deegaannadda ay ka taliyaan 0dayaasha Dhaqanka ee dalka Pakistan, halkaasi oo aysan joogin Xukuumadda Madaxweyne Musharaf.


Warbixinta, waxaa kaloo lagu xusay in dalalka Somalia iyo Algeria ka jiraan dagaalyahanno loogu yeero "Al-qaacidada Islaamiga ee Maqrib", taasi la unkay sannadkii 2004-tii, kuwaasi oo leh awood aad u ballaaran iyo Moraal ay ku garaacaan Danaha Reer Galbeedka.


Labo hoggaamiye oo ka tirsan Ururka Al-qaacida ayaa lagu dilay dalalka Algeria iyo Somalia horraantii sannadkan.Kooxaha Islaamiyiinta Algeria, ayaa safka hore ka dhigtay waxa loogu yeero Hawlgalka Argagixisadda oo ay ku jiraan isku-qarxinta gawaaridda iyo laynta Dalxiisayaasha Reer Galbeedka.


Warbixinta Jariiradda The New York Times, ayaa sidoo kale lagu xusay inay dagaalyahannadda Wax iska caabinta ee ka dagaalama gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Koonfurta ay yihiin kuwo ka soo kicitamay dalka Britain, isla markaana laga cabsi-qabo inay dagal Jihaad ah ku soo qaateen dalka Pakistan, kadibna u soo tallaabay dalka Somalia, waa sida lagu xusay Warbxiinta.


Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Ciiddamo ka kala socda 38-dal ayaa haatan ku sugan dalka Afganistan, kuwaasi oo saldhigyo ku leh, isla markaana Dagaalyahannadda Al-qaacidada kula dagaalamayo si aysan mar dambe abid ugu noqonin degaanno ay ku nabad-galaan.Wargeyska The New York Times, waxa uu qormadiisa ku xusay in Hoggaamiyayaasha Ururka Al-qaacida haatan deggeen dalka Pakistan, iyagoo isaga soo tegay dalka Afganistan.Al-qaacida ayaan haatan u muuqanin mid ka gaabisa khibradaha hawlgelinta ee Hoggaankooda.Mid ka mid ah Saraakiisha Ururkaasi, ayaa la sheegay inuu mas'uul ka ahaa samaynta daraasaad lagu unkayo helitaanka hubka halista ah ee Nukliyeerka iyo kuwa Bayoloojiga, si loo bar-tilmaameedsado Danaha Reer Galbeedka ah, kaasi oo loogu magac daray Himilladda Sare ee Al-qaacida.


Banaadir Post

London.