Search This Blog

Friday, July 4, 2008

Dowladda Itobia oo guulo ka sheegatay dagaaladii G/dhexe

Xukuumadda Addis-Ababa ee wadanka Ethiopia, ayaa markii ugu horeysay ka hadashayDagaaladii ugu dambeeyey ee ay Gobalada Bartamaha Somalia kula gashay xoogaga hubaysan ee kula dagaalamaya gudaha dalka Somalia.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in 71- Dagaalyahan ay ka dileen Todobaadkan xoogaga hubaysan ee Somalia, ka dib dagaalo fool ka fool ah.
Bayaankan Wasaaradda Difaaca Ethiopia oo ah kii ugu horeeyey ee ay kasoo saarto hawlgalada ay fuliso sidoo kale lagu xusay in kooxaha ay dishay ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa garabka hubaysan ee Midowga Maxaakimta iyo xoogaga Al-Shabaab ee sida daran ula dagaalama ciidamada Ethiopia.

Hase ahaatee bayaankaan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ethiopia laguma xusin tirada ciidamada Ethiopian-ka ee looga dilay dagaaladii ay xoogaga Soomaalida kula galeen deegaana hoos yimaada gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Ethiopia, ayaa Kumanaan askarteeda ah ku daadgureysay Somalia dabayaaqadii sanadkii 2006-da, iyadoo taageereysa Dowladda KMG Somalia oo xilligaas dagaalo qarara kula jirtay Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia ee laga awood roonaaday.
Bayaanka Wasaaradda, ayaa imaanaya xilli Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamiga uu sheegay inay goolo wax ku ool ah ka gaareen islamarkaana ay khasaaro xooggan dhabarka u saariyeen Ciidamada Ethiopia dagaaladii ugu dambeeyey ee ay Gobalka Hiiraan.
Banaadir Post.
Somalia.