Search This Blog

Friday, July 25, 2008

Oday 70-jir ah oo qiso la yaab leh ku qabsatay Muqdisho


(QISO DHAB AH) Oday Soomaaliyeed oo ay da'diisu kor u sii dhaafeysay 70-sano,markaasna si ku-meel gaar ah u degganaa Gobollada Jubbooyinka,ayaa ku fekeray: in uu soo xajiyo,soona booqdo dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Odaygii ayaa shiriyay Caruurtiisii iyo labadiisii Haween; wuxuuna ku yiri:- "Anigu waxaan u socdaalayaa Beytkii Allah, oo waan soo xajiyayaa,waxaana aan sii socodkayga marayaa Muqdisha. Waxaan eegayaa xaaladda Aqalkeennii aannu dagaallada sokeeye awgood uga soo cararnay.Nabadey,Garabkiinnana Allaha galo".

Aroortii dambe ayuu Odaygii soo galay Safar,habeen uu soo dhaxay ka-dibna wuxuu soo gaaray Muqdisha. Toos ayuu u soo abbaaray Aqalkiisii uu 9-sano ka-hor ka qaxay,wuxuuna soo ag-istaagay Albaabka Guriga,isaga oo Caruur meesha ku hor-ciyaareysay ka codsaday in ay ugu yeeraan waayeelka Guriga.

Caruurtii ayaa dib u gashay guriga,waxayna u yeereen oo dibadda u soo baxday hooyadood oo markaas ahayd reerkii degganaa aqalka; ninkeeduna wuxuu isaga maqnaa hawlihiisa gaarka u ahaa.

Haweeneydii ayaa ku tiri Odaygii:-"Adeer,yaad rabtay,maxaadse doonaysay oo uu muraadkaagu ahaa"?!!. Odaygii ayaa wuxuu ku jawaabay,oo yiri:-"Maandhaay,waxaan ahaa Odaygii lahaa Gurigan,haddase taas umaba socdee,waxaan rabay oo kaliya, in aan ogaado cidda deggan aqalka,la sii dardaarmo,oo weliba ugu duceeyo sii ilaalinta aqalka".

Gabadhii oo horena isku sii lahaysiisay Aqalka,kana sii carootay hadalka Odayga,ayaa inta ay faruurya-qaniinsatay,go'aansatay in ay khaarajiso Odayga,si ay u soo af-jarto inuu dib dambaba u sheegto aqalka.

Haweeneydii ayaa Gambar dibadda u soo dhigtay Odayga,waxayna ku tiri:-"Adeer arrimaha Aqalka waannu ka sheekaysanaynaaye, Gambarkan ku fariiso, oo igu sii sug Geedkan hoostiisa, inta aan ka soo laabanayo Xaafad halkan ah,oo aan muraad u leeyahay".

Odayga oo run mooday hadalka Haweeneyda ayaa iska hoos-fariistay Geedkii weynaa ee ku hor-yiil aqalka.

Haweeneydiina, inta ay degdeg u qaadatay Garbasaarkeedii(Hagoog) ayay Xaafadda sii gashay.Waxay Haweeneydii u tagtay koox Mooryaan ah oo ay isku-heyb ahaayeen,Xaafaddana ka ag-dhowaa. Waxay ugu habar-wacatay oo ka codsatay in ay dhaqaaqaan oo toogasho ku dilaan Ninka Aqalkeeda hor-fadhiya.

Daqiiqado gudahood ayuu Odaygii galay Musqusha(Suuliga) Aqalka,si uu u soo muraad-qunsado,isla daqiiqadahaas ayaa waxaa aqalka soo gaaray ninkii qabay Haweeneyda,wuxuuna is-yiri:- "Inta aadan aqalka galin, sii naso oo ku sii fariiso gambarkan aqalka hortiisa yaalla".

Ninkii oo ku fadhiya Gambarka,hoosna u foorara,ayaa waxaa meel dhowr tallaabo u jirtay,iyagoon hubsan ka soo toogtay Mooryaantii ay Naagtiisu soo dirtay,isku heybtana wada ahayeen.Ninkii ayaan naftaba dhulka la dhicin oo geeriyooday.

Odaygii Suuliga ku jiray, ee dabinta loo dhigayay,inta uu maqlay rasaasta iyo tacshiiradda ka hor-dhacaysa guriga ayuu deg-deg u soo baxay,cagahana wax uga deyay oo lafihiisa la baxsaday.

Soomaalida ayaa tiraahda:-"God sireed ha qodin,haddaad qoddidna ha dheereyn, ku-dhici doontidaa ma ogide".Islaantii ayaa dib u soo laabatay,waana ay maqlaysay Rasaasta dhacaysa,waxayna aaminsaneyd in laga takhalusay Odaygii Geedka hoos-fadhiyay.

Laakin,waxaa kedis iyo fajac ku noqday oo ay soo kor-joogsatay Meydkii Ninkeeda iyadoo ay caruurteediina ku dul-barooranayaan...!!Waxaa la yiri:-Diin (Diidiin) ayaa lagu war-geliyay in ay Habar-dugaag iyo Haad oo dhammi u showreen. Wuxuuna yiri Diinkii: "-Halkii la iigu tashanayay sow Allah ma joogin". Halkii ay Haweeneyda dhagar-qabtada ah iyo Mooryaantu ugu tashanayeen Odayga Musaafurka ah, sow Allah ma joogin..!!.

Haa waa uu joogay,wuuna ka jawaabay Allaha boqorka ah ee aan cidna dulmayn.Waxay Soomaalidu tiraahdaa:-"Sir ma qabe Allaa u sahan ah". "Nin ku siray wax kuu sheeg"."Sir ma qabe Saab baa biyo u celiya" .Waxaa kale oo ay Awoowayaasheen nooga tageen murti ah:- "Wanka macasha weyni, ilaa la bireeyo (qalo), Indhihiisu ma arkaan Xiddigaha".

Wataa Haweeneydii dabinta qooleysay Saaratay Asaayda,gacmaheedana ku agoonteysay Ubadkeeda. Rasaastii eheladeedana ku toogatay Ninkeeda iyo Caruurteeda Aabbahood..

WD/Cismaan Cumar Cabdulle (Cismaaney) osmanhilowle@hotmail.com ....

Banaadir Post

Wednesday, July 23, 2008


Oday Bililiqo Axmed Diiriye oo ah nin dilaay ah kuna caanbaxa Bililiqada ayaa dhawaanaha waxa uu bartay in uu eedeyn iyo aflagaado u jeediyo Maamulka Sharafta leh ee Puntiland isagona taas kaga doonayo in uu qilaaf uga dhex abuuro beelaha ku wada Dhaqan Galkacyo.

Waxa uu canbaareyn u jeedinayaa dambiilayal lagu dilay magalada Galkacyo oo isaga ku hayb a isagona afkiisa qurmoon ku taagayo Maamulka Puntiland.

Lakin waxaa la yaab ah in Oday Bililiqo Axmed Diiriye uusan ka warqabin in isaga uu yahay dhiig cab wayn oo dilaa ah isla markaan xasuuq ka dhan ah diinat Islaamka gaystay.

Miyuusan ogayn in Guriga uu daganyahay uu ku hoos duuganyaha ninkii iska lahaa oo ka dhashay Beesha Kablalax Daarood gaar ahaan beesha Dhulbahante oo uu dilay Axmed Diiriye si uu ugala wareego guriga .

Waxa xaqiiqo ah oo la xasuusinaaa Axmed Diiriye Markii uu lugaha ka xirayay laba gabdhood oo maskiinta reer xamarka cad cad kah islo markana uu dilayay Aabahood isagoona ku dhex xabaalay guriga kale uu hada xooga ku haysto.

Ma jirtaa xasuuq iyo dambi kaas ka wayn oo uu qof gaysto.
Illahay waxa uu Yiri “qofkii qof aan waxba galabsan o Muslim ah dila waxa uu mutaysanayaa Naarta Jahanamo isagoona ku waarayo Abid”.
Sidaa darted Axmed Diiriye ODAY Bililiqo waa nin Ahlu Naar ah oo gaystay Fal dambiyeed Sharciga Islaamka ka baxsan.

Marka uu falkan gaysanayay ayaa waxa uu ku fikirayay in uu dhul ka helo Magalada Muqdisho Madama Beeshiisa ay horor ahaayeen oo ay doonayeen in ay xoog ku dagaan magalada Muqdisho.

Sidaa darteed waxaa Ceeb ku ah Oday Bililiqo Axmed Diiriye in uu Canbaareyn u jeediyo dad uu sidaas u xasuuqay dadkii ka dhashay oo uu guryahooda xoog ku daganyahay waxana loo sheegayaa in Magalada Muqdisho aysan ahayn meel uu isaga si gaar ah u leeyahay balse la imaan doono oo laga saari doono guriga uu baada iyo qasabka ku haysto wali.

Sidoo kalena waxaa loo sheegayaa in magalada Galkacyo waxa ka jira ay tahay mid uu Mas,uul ka yahay isaga iyo Dhiigyo Cabka kale ee Cismaan Caato isla markaana Maamulka Puntiland uu iska caabinayo cadawtooyada kaga imaanayso Koofurta Galkacyo.
Ninka lagu dilay Waqooyiga Galkacyo kama sharaf badna Cali Jamac Biixi oo uu dilay Dhiig Cabka Cisman Caato sidaas daraadeed Oday Bililiqo Axmed Diiriye waa in uu afka Qabsadaa oo uu iska daayaa Aflagaadada uu u jeedinayo Puntiland ileen waa ay ka sharaf badan Yihiin dadka ku dhaqan Puntiland.
Waxaana ugu dambeeyn ku soo afmeereynaa Qormadeynan Murti yar oo aan u jeedinayno Oday Bililiqo Axmed Diiriye taas oo ah:-
Dilaayoow Dilbaa kuu Dambeeyo..


Maleeshiyada Taliye xigeenka Booliiska G/Sh/Hoose oo wax la dilay iyo wax baxsaday noqday ka dib kolkii ay iska horyimaadeen Ciidamada Milateriga ee l

Ciidamada Militeriga ee dhowaan lagu soo tababarey dalka Itoobiya ayaa maanta hub ka dhigis ku sameeyey qaar ka tirsan malleeshiyaadka Booliska Gobolka Shabeellada Hoose,ka dib markii ciidamadu halkaas soo gaareen,waxana hub ka dhigista sababey ciidamada ayaa markii ay magaalada soo galeen waxay arkeen malleeshiyaad aa darees wadan misna ku sugan laamiga degmada Afgooye,waxayna ku amreen inay hubka dhigaan hase yeeshee malleeshiyaadka ayaa diiday amarka oo bilaabay inay dagaalamaan.

Tacshiiradda la isweydaarsadey ayaa waxa ku dhintey Mid ka mid ah Booliiska degmada iyo 3-ka tirsan malleeshiyaadka maaamulka Gobolka Sh/Hoose oo ay ku badan yihiin beesha Cayr ee Habargidir,iyadoo laga qaatey hubkii ay wateen,waxana baxsadey kuwo kale,warka ayaa intaas ku daraya in malleeshiyada Booliska ee la diley ay ahaayeen ilaalada Taliye ku xigeenka Booliska Nuuriye Cali Faarax,sidoo kale waraku wuxuu intaas ku darayaa in malleeshiyaadka Booliska Goblka ee ku sugan degmada Afgooye ay magalada dhinac uga baxeen iyagoo aadey dhinaca Gobolka.

Ciidamada cusub ee iskugu jira Itoobiyaanka iyo Soomaalida ayaa waxay iminka degeen Warshadii hore Yaanyada ITOP iyadoo aan la garaneynin inay sii joogayaan iyo inay ka guurayaan,dhinaca kale waxa cabsi laga dareemayaa bartamaha Gobolka Shabeellada Hoose,oo la sheegey inay ka socodaan abaabul ciidan oo ay wadaan kooxo diiddan imaanshaha ciidamada cusub.

Waxa qax iyo jahwareer ku abuurmey shacabka degan magaalooyinka Shalanbood,Buulomareer,Jannale iyo Marka,halkaas oo dadku ka cabsi qabaan saameyn ay ku yeelato diyaargorowga ciidan ee halkaas ka socda,iyagoo ka cabsi qaba inay halkaas ku soo wajahan yihiin ciidamada cusub.

Xafiiska daafeet.com,
Muqdisho

Mas’uuliyiinta dekeda Muqdisho oo is’hortaag ku sameeyey dejinta markab sida raashin dhacay oo ay keensadeen ganacsato Somali ah

Xiisad iyo muran ayaa ka taagan gudaha dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekedaasi iyo iyo maamulka dekeda Muqdisho kaasoo salka ku haya markab uu ku raran yahay raashiin dhacay oo dekedaasi ku soo xirtay, kaasoo ay leeyihiin ganacatadaasi.

Murankan ayaa yimid ka dib markii maamulka dekeda uu is hortaag ku sameeyey in markabkaasi laga soo dejiyo raashin kumanaan tan ah sida la sheegay ah mid dhacay, waxaana labada dhinac uga socda gudaha dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kulamo ay ganacsatadu ku doonayaan in ganacsatada uga dhaadhiciyaan maamulka dekeda iney raashinkaasi la baxaan, lamana oga in mowqifka maamulku uu isbedel ku iman doono iyo inuu ku adkeystaan go’aankaasi ahaa inaa raashinkaasi laga soo dejineynin dekeda Muqdisho.

Markabkan la sheegay inuu ku raran yahay raashinka dhacay ayaa waxaa iska leh ganacsato reer Muqdisho ah oo ku bahowday shirkad lagu magacaabo Al Mustaqiim Trading Co, waxaana wararka laga helayo dekeda ay sheegayaan in raashinkan oo ku jiro jawaano uu ku dhex qurmay oo dusha ay uga taalo (Animal Food) oo la micno ah cuntada xaywaanka, iyadoo taariikhda ku taalana ay muujineyso inuu muddo sanado ah dhacsan yahay, waxaana agaasimaha dekeda Muqdisho uu sheegay in raashinkaan haddi la fasaxo laga yaabo inuu caafimaad daro iyo cuduro hore u horseedo bulshada marka ay isticmaalaan.

Xafiiska war qabadka DayniileMuqdisho

Somaliadayniilecom@hotmail.comdeyniilenews@yahoo.com

Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha ee Dagmada Aadan Yabaal oo La Dhaawacay


Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha ee Dagmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Muxyadiin Cariish ayaa xalay la keenay Isbitaalka Jowhar, kadib markii koox ka falaagoowdey midowgii maxkamadaha ay wadada u gashay isla markaasna ay rasaas ooda uga qaaday.

Wararka intaasi waxeey ku darayaan in 13-qof oo ka mid ah dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalka Jowhar ayaa ku dhaawacmay gaari ku rogmaday deegaanka Buur-weyn ee degmada Jalalaqsi, kaasoo ku wajahnaa Degmada Jowhar.

Dhaawaca Gudoomiyaha Degamada Aadan Yabaal ayaa yimid kadib markii koox horey oga mid ahaan jirey maxkamadaha oo aad u hubeysan ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen gaarigii uu la socday, oo ku sii jeeday Aadan yabaal,waxaana la dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa, halka mid kale la sheegay inuu ku geeriyooday tacshiiradii la is dhaafsaday.

Dhanka kale, kooxo burcad ah oo aad u hubeysan ayaa dhac iyo baarasho ugu geystay duleedka waqooyi ee Dagmada Jowhar gaari ay la socdeen rakaab ku socday gobolada dhexe kana ambabaxay Muqdisho, iyadoo kooxaha falkaas geystay aan weli gacanta lagu dhigin.

Dagmada Jowhar ayaa waxay habeenadii ugu dambeysay ahayd mid uu saarnaa badow la sheegay in lagu sugayo amaanka, lagulana dagaalamayo kooxo magaalada dhexdeeda isbaarooyin dhigta.


Banaadir Post.

Afgooye(Somalia)

Odayaasha dhaqanka ee Baladweyn oo Jawaab kulul ka bixiyey Waraaqo lugu daadiyey Magaalada Gudaheeda.



Golaha Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baladweyn ayaa jawaab kulul ka bixiyey Waraaqo lugu daadiyey gudaha Magaalada Baladweyn ,kuwasoo loogu digayey Odayaashaasi.

Golahan waxa ay ku sheegeen talaabada Waraaqaha lugu daadiyey kuwa looga soo horjeedo Horumarka gobalkaasi & Dadka ku dhaqan ,waxa ayna sheegeen in looga baahan yahay kooxihii ka dambeeyey in ay warkaasi ka laabtaan.

Sheekh Yuusuf Sheekh Max’uud oo ka mid ah Odayaashaasi ayaa sheegay in talaabada u arkaan mid lugu cabsigalinayo dadaalada ay wadaan ,isagoo sheegay in aysan marnaba howlahooda joojin doonin.
Wuxuu sheegay in aysan marnaba habooneyn in ay sidan oo kale ay yeelaan kooxo doonaya in ay Soomaaliya xukumaan ,waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in ay Waraaqahan qoreen dad ka soo horjeeda Horumarka gobalkaasi Hiiraan.Yuusuf mar la weydiiyey joojinta Howlihii ay wadeen & in kale ayuu sheegay in ay dhawaan la kulmayaan ciidamada dawladda Itoobiya ayna kala hadlayaan xaaladaha gobalka Hiiraan & ka shaqeynta howlo nabadgalyo oo Magaalada wax looga qabanayo.

Waraaqihii habeenkii xalay ahaa lugu daadiyey Magaalada Baladweyn waxa ay noqdeen kuwa siweyn maanta looga hadal hayey Magaaladaasi ,ayadoo ay dad badan walaac ka muujiyeen Digniinaha loo jeediyey odayaasha ka shaqeynaya nabadgalyada..



Odayaasha Dhaqanka gobalka Hiiraan oo jawaab kulul maanta ka bixiyay waraaqo xambaarsanaa digniino iyaga ka dhan ah oo xalay lagu daadiyay magaalada Beled weyn.

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Beled-weyn ee xarunta u ah gobalkaasi waxaa ay kaga hadleen waraaqo digniino iyaga lidi ku ah xambaarsanaa oo xalay lagu daadiyay magaalada,waraaqahaas oo Odayaasha uga digayay kulamada xal doonka ah oo ay la yeeshaan saraakiisha Itoobiyaanka oo ay ku qanciyaan magaalooyinka in aanay soo gelin si shacabka loo bad baadiyo.

Odayaashu waxaa ay sheegeen in aanay dhag jalaq u siineynin waraaqahan oo uga digaya in ay kulamo la yeeshaan saraakiisha Itoobiyaanka,iyadoo la ogaa in kulankii dhex maray odayaasha iyo saraakiisha Itoobiyaanka ay odayaashu kaga dalbanayeen in ciidamdooda aanay magaalada soo gelin si looga bad baado dagaal magaaladaa ka dhaca.

Waxaa hadaba cad In kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed ayan kala jecleyn in magaalooyinka lagu duldagaalamo oo la laayo shacabka dagan iyo in kale,maadaama ay hada si cad u sheegeen in ay dilayaan Odayaasha hadii ay mar kale la kulmaan madaxda ciidamada Itoobiyaanka.

“Digniintani waxba uma dhibi doonto sii socoshada shaqada aan u heyno shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Reer Hiiraan,waxaana ognahay in digniintani ay ka timid kuwii horay ulaayay:aqoon yahanada, saraakiisha, culumaa’ udiinka iyo madaxda hey’adaha gargaarka”ayuu si kulul u yidhi sheekh Yuusuf Sheekh Maamuud xiirane oo kulankoodii kadib ay odayaashu u xilsaareen safaafada inuu codkooda kula hadlo.

“Diginiintan waxaan u aragnaa khasaare ay qas wadayaashu la damacsanyihiin odayaasha dhaqanka,laakin taasi nagama hor joogsan doonto in aan shacabkeena usii wadno adeega muhiimka ah ee aan u heyno”ayuu mar kale yidhi Sheekh yuusuf oo ka mida xubnaha golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan.

Banaadir Post
Afgooye
banaadirpost@gmail.com