Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Sheekh Shariif oo gaashaanka u daruuray inay ka dambeeyaan dilalka samafalayaasha.

Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siweyn uga horyimid warka sheegaya in ay Mucaaradka dawladda Soomaaliya bartilmaameedkoodu yahay dagaal ay lagalaan dadka ushaqeeya dawladda Soomaaliya & dawladda Itoobiya.

Hogaamiyuhu wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ayna Ururkaasi dilin Qof Muslim ah oo Ashahaadanaya ayna falalkaasi fuliyeen kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Soomaaliya ,ayna yihiin falalkaasi kuwa ka soo horjeeda Diinta Islaamka & Xeerarka Caalamiga ah.



Sheekhan wuxuu diiday in ay falalkaasi fuliyaan ururkoodu ,wuxuuna ugu baaqay cid walboo Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan falalkaasi oo kale ,oo uu ku sheegay kuwa halis oo ay xukunkooda sheegtay Diinteena Suuban.



"Dilalka loo geysanayo Saraakiisha ciidamada ,dadka Waxgaradka ah & Cid walboo Muslim ah waa kuwa ka soo horjeeda diinta Islaamka ,ilaaheyna wuxuu noo sheegay cawaaqib xumida ka dhalan karta ,waxaana ugu baaqeynaa dadka falalkaasi geysanaya in ay ka waantoobaan" Ayuu yiri Hogaamiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta dalka Soomaaliya.



Hogaamiyahan oo siweyn looga xasuusta hadalo ka soo yeeray intii uu hayey talada hogaanka guud ee Maxkamadihii awoodooda laga faramaroojiyey sannadkii 2006-dii ,kuwasoo uhiilinayay diinta Islaamka kana soo horjeeday weeraro lugu qaado goobo ay joogaan dad Muslim ah ,inkastoo markii dambe Maxkamadihii ay wadadaasi cagta saareen ayagoo weeraro ku qaaday Magaalooyin ka fogaa Magaaladii ay heysteen Muqdisho & gobalo nabad ah oo ay ka mid yihiin gobalada Puntland.



Talaabadan ka soo yeertay Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulantey dad badan oo Soomaaliyeed ,waxa ayna sheegeen in hadalka Sheekhan muujinayo sida ay Kooxda Sheekh Shariif uga go'an tahay taageerida dadaal nabdeed...



Waxaa halkaas ka muuqana kara in arinkan la dilayo ay gaar u tahay AL shabaab iyo kuwa la midka ah.



Banaadir Post.


banaadirpost@gmail.com

Qaran-diid Yusuf Garad iyo beeshiisa oo magac dilay Warbaahinta.Tv-ga Universal arintiisu way ka daraysaa.




DHawaanahan dalka Somalia ku soo badanayay warbaahin afka Somaliga ku hadasho oo qayb wayn ka qaadanaysay dhibaatada dalka ka jirto iyagoona hurinayay rabshadaha iyo colaadaha dalka ka jira.

Warbaahintan ayaa loo aas aasay dano qabiileed waxaana iska leh oo ay u shaqeeyaan kooxaaha nabad diidka ah ee dhibaatada ka wada dalka Somalia.

Qaran-diid Yusuf Garaad iyo qolyaha ku haybta ah ayaa iyagu waxa ay yihiin Maalgaliyayaasha ugu wayn ee ka dambeeya dhisida Hay,adahan warbaahineed ee dalka ka jira.

Waxaa uu horay u dhisay Qaran-diidkan Idaacada BBC-da oo ah hay,ada ugu horayso ee kaalinta 1-aad ka gashay hurinta colaadaha dalka iyo u adeegida Danaha qabiilada aan rabin nabada dalka Somalia.

Qaran-diidkan ayaa danta kaliyah ee uu ka doonayo ka qayb qaadashada dhibaatada dalka waxa ay tahay isagoo ay qaaday Caadifad qabiil isla markaana go,aansaday in danta beeshiisa uu ka hor mariyo tan umada Somaliyeed.
Arinta ayaa waxa ay noqotay ka dar oo dib dhal waana markii iyadoo ay jireen Warbaahinta Maqalka ah (Radio) oo u adeega Nabad diidyada ayaa hadana waxaa soo baxay warbaahin Muuqaal ah oo ka qayb qaadanaya dhibaataynta umada Somaliyeed.

Tv-ga Universal oo ay leeyihiin shaqsiyaad ku hayb ah Qaran-diid Yusuf Garaad iyo isaga laftiisaba ayaa waxaa uu ka mid noqday hay,adaha warbaahinta muuqaalka ah ee dhibaatada dalka ka qayb qaata.

Waxaa la is waydiiyay sababta keentay In TV-ga Universal uu ka qayb qaato dhibaatada dalka Somalia ka jirta hada.

Taas ayaa jawaabteedu waxa ay tahay mid iska cad waana in TV-gan uu hoos tago isla markana ay Maalgaliyaan shaqsiyaad uu Yusuf Garad ka mid yahay iyo rag kale oo isaga ku hayb ah kuwaas oo u dhisay Tv-gan in dalka dhibaatada ka jirta looga qayb qaato loogana hortago nabada dalka si aysan dowlada u dhalan oo aan loola xisaabtamin xaqa dadka masaakiinta ah ay horay uga bililiqeesteen.
Waxaa kaloo Tv-gan hada ka howlgalo oo waliba Mas,uuliyiintiisa ka mid ah rag ku hayb ah waliba si gaar ah ugu dhaw Qaran-diid Yusuf garaad kuwaas oo muuqaal ka bixinaya sida Tv-gan uu halka dhinaca ugu shaqeeynayo.

Marka la daawado warbixinada TV-ga Universal lagu soo bandhigo ayaa waxaa la dareemayaa mowjado qaldan oo dadka aan ka warqabin ay u arkayaan in dalka Somalia ay ka jirto xaalad an cidina ku noolaan Karin.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxa kaloo TV-gan lagu soo bandhigaa qoraalo iyo warbixino aan marna dan u ahayn nabada iyo hamiga ay Shacabka Somaliyeed ka leeyihiin dhameenta dhibaatooyinka dalka ka jira.
“waxaan aniga ku noolahay dibada dalka Somalia waxaana dhowr jeer fiirsaday warbixinada Universal lakin mar waliba oo aan fiirsanayo waxaan dareemaa qal qal maadama uu soo bandhigayo warar Qatar xoogan muujinayo” sidaana waxaa Yiri Axmed Sheikh Ismaacil Mabruuk oo wadanka Ingriiska gaar ahaan London ku nool.

“taas waxa ay keeneysaa in ay jiraan waxyaabo daah lagu daboolayo oo Tv-gan lagu doonayo in loogaga faa,idaysto sidoo kalena Idaacado iyaguna arimahan ka shaqeeya ayaa jira” ayuu mar kale Yiri Mr Mabruuk.

“waxaan ku baaqayaa in la iska dhaafo sheegista colaada iyo dhibaatada loona weeciyo wanaaga iyo horumarka dalka” ayuu hadalkiisa ku soo dhameeyay Mr Mabruuk.

Sidoo kale Haweeney iyaduna dalka hada ku sugan kana timid wadamada qaarada Eurobe ayaan kala sheekestay sida ay u arkayso dalka Somalia iyo waxyaabaha laga sheego marka dibadaha la joog.

“ walaahi ma is dhahayn dalka ayaa la imaan karaa maxaa yeelay waxaan ka dhageestay BBC-da iyo Universal warar aan marna wanaagsaneen oo xaalada dalka Qatar ka dhigaya hadana waxaan jooga Somalia wax dhib ahna ma arko” ayeey Tiri haweeneydan oo magaceeda ku sheegtay Maymuun Cumar.

Si kastaba ha ahaatee dadka Somaliyeed ee dibadaha ku nool iyo kuwa dalka ku sugan ayaa fikir wada jir ah ka aaminsan xaalada dalka in ay tahay mid hagaagsan oo aan wax dhibaato ah ka jirin balse ay ka bad badiyaan warbaahinta qaran-diidyada u adeega oo iyagu aan rabin in xal laga gaaro dhibaatada dalka Somalia.

Si wada jir ah shacabka Somaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Qaran-diid Yusuf Garaad iyo Beeshiisa in aysan iska saarin umada kale ee Somaliyeed ayna ilaaliyaan sharafta Warbaahinta isla markaana ay ka haraan geed qab qabsida aan meelna gaarsiinayn oo dadkooda uun ka dhex bixinaya meel cidlo ahna hadhow soo dhigaya.

Yusuf Garaadow Umadaada dantooda haka dooran tan qabiilka.
markii hore waxaan islaheyan qabiilka reer xarmarka sharfta badan ayaa iskaleh laakiin dhabta weysoobaxaday.


Xafiiska waraka wiil waalka abaaqaroow.com
Banaadir oa

Al Fanaan Cumar Nuur Baasharax oo maanta kooxo hubeysani ku dhaaweceen magaalada Muqdisho.

Iyadoo magaaalda Muqdisho ay bilihii lasoo dhaafay ehel u noqotay weeraro bar tilmaameedsi ah oo lagu khaarijinayay,madaxda hey’adaha,aqoonyanahada iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowladda federalka ayaa hada waxaa soo kordhay dilal lala eeganayo fanaaniinta,waxaana Cumar Nuur Baasharax uu noqoday fanaankii labaad ee Muqdisho gudeheeda lagu toogto muddo bil gudeheed ah inkastoo uu dhaawac halis ahi gaaray maanta.

Iyadoo magaaalda Muqdisho ay bilihii lasoo dhaafay ehel u noqotay weeraro bar tilmaameedsi ah oo lagu khaarijinayay,madaxda hey’adaha, aqoonyanahada iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowladda federalka ayaa hada waxaa soo kordhay dilal lala eeganayo fanaaniinta,waxaana Cumar Nuur Baasharax uu nqoday fanaankii labaad ee Muqdisho gudeheeda lagu toogto muddo bil gudeheed ah inkastoo uu dhaawac halis ahi gaaray maanta.

Fanaanka ayaa waxaa soo weeraray kooxo hubeysan oo bistoolado watay xili uu ka qeyb galayay munaasabadda aaska ruux eheladiisa ah oo ka dhacaysay degmada Xamar weyne,waxaana la gaarsiiyay dhaawac halis ah.Wiil uu fanaanku dhalay fanaanku oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Baasharax ayaa saxaafada u sheegay in aabihii uu gaaray dhaawc halis ah hadana lagu daweynayo isbitaalka madiina ee gobalka Banaadir.“Aabahay niman bistoolado ku hubeysan ayaa soo weeraray,mar uu ka qeyb galayay munaasabada aaska qof eheladeena ah “ayuu yidhi Maxamned Cumar Baasharax oo ah wiil uu fanaankani dhalay oo maanta saxaafada la hadlay.

Waxaa la yaab leh halka Somali loo wado, kaaso u muuqada mugdi aan iftiin lahayn.

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com
Xamar......

Markii Sadaxaad oo baaris lagu sameeyay Hoyga C/qaasim Salaad



Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa gudaha u galay guriga Mas’uulkaasi iyadoo aysan jirin wax ay kala baxeen oo hub, waxayna ciidamadaasi ka hor inta aysan baarin u sheegay dadkii xiligaasi joogay in ay ku socdaan amar sare oo ka yimid saraakiisha ciidamada Booliska, isla markaana ay fulinayaan amarka la soo faray.

Ma jiraan wax hub ah oo laga helay guriga C/qaasim Salaad Xasan iyadoo baaritaankan uu noqonayo kii Sadaxaad oo laga fuliyo guriga Dr. C/qaasim, waxaana horay ay ciidamada Dowladda ka heleen hub fara badan iyo rasaas kala duwan.

Lama garanayo sababta ka danbeysa in markii Sadaxaad baaris lagu sameeyo guriga Madaxweynihii Dowladdii Carta, balse waxaa jira tuhun fara badan oo ka dhashay kulamo gurigaasi ka dhaca mar walba iyo isu socodka guriga Dr. C/qaasim oo ah mid aad u mashquulsan iyadoo dadka gelaya iyo kuwa ka soo baxaya laga yaabo in shaki geliyo ciidamada Dowladda.

Baaritaankii ugu horeeyay ee ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen guriga C/qaasim Salaad waxaa raali gelin ka bixiyay Madaxweynaha Dowladda Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hoygiisa ay ku booqdeen C/qaasim.
Banaadir Post.

Cida Diidan nabadda oo noqotay Oday Daahir Aweys iyo Ninkii ku caan baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Indhacadde

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegaya in xubno ka mid ahaa Garabka Asmara oo ay horkaceyso Xoghayaha xaquuqul insaanka ee Isbaheysiga mucaaradka garabka Casmara Marwo Foowsiya Maxamed Sheekh ay gaadheen dalka Jabuuti, iyagoo sheegay in ay badaleen afkaarohoodii hore hadana taageerayaan waxa danta umada Soomaaliyeed ay ku jirto oo ah heshiiskii Jabuuti bishii hore lagu gaadhey.

Xubnahana ayaa ka qeyb galay kulan mudanayaasha golaha dhexe ee isbahasysigu ay Jabuuti ku yeesheen iyagoo kulankaana ka hor cadeeyay in ay kasoo go’een garabka Oday daahir oo hada keligii Fadhiya Asmara.
Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa ka mid aheyd xubnihii ku xayirmay Tuulada Asmara, isla markaasna ay ku qasbeen saraakiisha sirdoonka Eritrea iney warbaahinta ka hadasho oo ay dhaliil u jeediso Sheekh Shariif intii ay ku sugneyd Tuulada Asmara.Guud ahaan xubnihii ku midoobay isbahaysiga Tuulada Asmara marka la eego waxaa mucaaradnimo kusoo haray oo keliya Oday Daahir Aweys oo ku jira liiska argagixisada Caalamiga ah ee la doon doonayo iyo Jaale Indhacadde oo horay ugu caan baxay iibsashda biyaha wabiga walina ay ka hor muuqaneyso lacagtii faraha badnayd ee uu ka heli jiray iibsiga biyaha wabiga iyo beeraha gobalka Shabeelaha hoose.Dhanka kale waxaa xumkuumada Asmara meel mar u noqon waayay barnaamij ay dhawaanahan waday oo ku aadanaa in la qabto kulan xilalka looga xayuubbinayo labada shariif.
waxaase Alle mahadii ay taasi noqotay DHAAN DABAGAALLE GUNTIIS LA GAARI WAAYAY.
Banaadir Post,
Xamar cade.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu Liiska Argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Xasan Turki iyo Shii


Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, isla markaana wariyayaal kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu liiska argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mowliid Macaani waxaa uu sheegay in raggaas ay yihiin dad Soomaali ah oo haddii lala hadlo la qancin karo, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in liiska ay ku jiraan laga saaro, si buu yiri ay uga qeyb qaataan nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Haddii la doonayo in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay najaxdo dib u heshiisiinta socota waa in Raggaas laga saaro Liiska uu Mareykanka ku daray ee Argagixisada, isla markaana laga qeybgeliyaa wada hadallada”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in haddii arrintaas la isku dayo laga dhaadhicin karo Mareykanka in raggaas ay muhiim u yihiin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ka taagan mudada 18 sano gaareysa.

Xildhibaan Mowliid ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqa in liiska argagixisada laga saaro seddexdaas hoggaamiye oo haatan si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, hadalka Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay heshiis ay Dalka Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ku saabsan yihiin sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa, isla markaana looga saari Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.
Waxaa warkaas la yaabey dadka la socda xaalada Soomaaliya, mana ahan war laga sugayay Mowliid macaane oo kale, oo dhamaan ragaas oo sheegay ay dhamaantood dhib ku hayaan beesha oo ka soo jeedo ee Jareerweyne oo beel laf dhabar ummada Soomaaliyeed.
Banaadir Post.
Xamar Cade.