Search This Blog

Monday, January 18, 2010

Sh. Shariif: "DF waxay qarka u saaran tahay in la rido"



Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan wax taageero ah ka helin beesha caalamka, dalkiisana ay kusoo qulqulayaan unugyo xiriir la leh Al-Qaeda si ay uga dhigtaan saldhig ay uga duulaan Somalia.

Sh. Shariif wuxuu sheegay in xukuumadiisu ay gacanta ku hayso in yar oo Muqdisho ka mid ah ayna inta kale gacanta ku hayaan kooxaha DF kasoo horjeeda ee Al-shabaab iyo Xisbul Islam, sidoo kalena ay maamulaan Gobolada Koonfureed ee dalkiisa.

"Dhibaatada soo foos saartay Somalia waa in dalka ay ku sugan yihiin kooxo shisheeye ah oo doonaya inay ka hortagaan qorshe walba oo nabadeed oo uu dalkan gaari lahaa" ayuu yiri Sh. Shariif isagoo intaas ku daray:

"Waxaan u baahanahay taageero caalami ah, waayo dalku waa mid burburay ayna ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Qaeda, waxaana doonaynaa qorshe cad oo dhameystiran".

Dowlada Somalia ayaa waxay garab ka heshaa ciidamada AMISOM ee ka socda AU-da markii ay kooxaha mucaaradka ah weeraro ku qaadaan xarumaha muhimka ah sida Madaxtooyada oo uu dagan yahay Sh. Shariif.

Madaxweyne Shariif wuxuu ku eedeeyay beesha calaamka inay bilaabeen inay dib uga baxaan balamadii ay horay ula galeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay taageeraan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan xukuumadiisa oo lagu dhisay Jabuuti.

"Cadowgu wuxuu u diyaargaroobay inuu burburiyo xukuumada inta aysan gaarin hadafkii loo dhisay, run ahaantii warkaas waa mid halistiisa leh, waxaan caalamka ka doonaynaa inay naga saacidaan sidii aan isku difaaci lahayn" ayuu yiri Sh. Shariif.

Hadalka kasoo yeeray Sh. Shariif ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah, tan iyo markii loo doortay Madaxweyne inuu ka noqdo Somalia [Jan 30, 2009], markaasoo lagu soo dhisay xukuumada uu hogaaminayo dalka Jabuuti oo daris la ah Somalia.


"Burcadbadeeda oo ah caqabad kale ayaa waxaa u sahlaya inay jiraan dalka oo aanay nabadi ka jirin mudo dheer, marka ma awoodi karto xukuumadu inay ka hortagto" ayuu mar kale yiri Madaxweyne Sh. Shariif.


Dowlada Somalia ayaa waxay dhawaan shaacisay inay dagaal la geli doonto kooxaha kasoo horjeeda, si ay uga saarto Muqdisho, balse hadalkan ayaa u muuqda mid hoos u dhigaya rajada DF ee ah inay sugto amaanka.



GAROWE ONLINE