Search This Blog

Monday, January 18, 2010

FAALLO: General Maxamad Nuur Galaal wuxuu Danbiile dagaal ku sheegay General Maxamad Cali Samatar, yaase Danbiile Dagaal ah??


Waqtigii dagaaladii sokeeye ka bilowdeen caasimada Somaliya ee Muqdisho saraakiishii iyo ciidamadii qalabka sidey ee Soomaaliyeed qaar waddanka ayey iskaga baxeen, qaarna balaayada ayey horboodee

Hadaba General Maxamad Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee waddanka iskaga baxay, halka uu General Galaal hoggaaminayey waxaa loogu yeeray waqtigaas kacdoonka dadweynaha beeshiisa, taasi oo bilow u aheyd fowda guud(anarchy), taas oo lagu yaqaano qofka dowladnimada wax ka yaqaanin.


Waraysi uu siiyey General Galaal BBC Laanta Afka Somaliga ayaa waxa naqdintiisa ka mid aheyd in General Samatar yahay dhagar qabe, balse su'aasha aanu iswaydiinay ayaa ah dhagarta uu galay General Samatar ma guul darradii uu cadowga baday baa, ee maanta lagu barto (War College Strategy) ee taariikhda gashay miyaa dhagar ah? Hadduuba dhagar qabe ahaaba sow adiga ku xigeenkiisii ma´aheyn goormaad amar diido sameysey?, haddii dowladdii kacaanka aad ka midka aheyd wax ka xumaadeen, eedeeda waxbaad ku leedahay ee u diyaargarow, weliba waxaa lagu dhihi karaa inaad ahayd Raggii uu sida hoose u naasnuujin jiray Marxuum Maxamed siyaad Barre alaha u naxariisto.


Maalin kaddib markuu Maxamad Siyaad xamar ka baxay waxaa la soo qabtay oo loo keenay General Galaal Rag aqoonyahanno u badan oo wax eed ah aan ka gelin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa Prof. Ibraahiim Maxamuud Abyaan cimrigiisa wuxuu ku dhammeystey inuu bulshada baro waxaa la yiraahdo maamul wanaag, run sheeg ah, ka fog fikirka qabiil iyo qabyaalad, xaggeed dhigtay?, aaway raggii birmageydada ahaa ee lala soo qabtay? ay ka midka ahaayeen : Prof. Cabdi Tuuhe,Dr. Xasan Xaashi Fiqi, Sheekh Muuse Yuusuf, Eng. Cawil Saleebaan Mursal waa iiga su´aalee xaggeey mareen? bal meel ku sheeg? Generaal Galaalow Raggaas?.


Bulshada Soomaaliyeed xeer bey ka laheyd colaadaha oo wax jirey wax la yiraahdo Birmageydo,Sow adiga bulshada uma aadan furin bog cusub oo ah in la ugaarsado Birmageydada oo uu aqoonyahanku ugu horreeyo, xeerkii adaa beddeley, qofkii xeerkaaga raacana dembigiisa wax baad ku leedahay.


Waxaad tiri General Samatar amarkii Hargeysa lagu xasuuqay isagaa bixiyey, sow adiguna saraakiishii fulisay kow kamaadan aheyn sow ma ogid taas, ma Hargeysa keliya ayey dhibaato soo gaartay? Sow Mudug iyo Nugaal ma aheyn meeshii ugu horreysey ee tallaabo milateri lagu fuliyey,waxaa ku xigtey gobollada Dhexe, waxaa ku xigtey W/Galbeed iyo Togdheer, waxaa ugu dambeeysey Jubbooyinka, yaa masiibada dhacday ka masuul ahaa? ma shaqsi mise xukuumaddii aad ka midka aheyd ee weliba aad Generaalka ka aheyd sow maaha, maxaa adiga kaa saaray?.

Dagaalkii sokeeye waxaad hoggaamisay maleeshiyaadkii USC ee duulaanka ku ahaa Kismaayo, waxaad xabbadda ka bilowday Afgooye ilaa Yoontoy, halkaas oo lagaa soo jebiyey waxaana lagu keenay Carbiska, adoo carar ahna Xamar ayaad gashay, markaas ayuu xilka kaala wareegay General Caydiid.

Haddii aad damiir Soomaalinimo leedahay markaad dagaalka Kismaayo aad ku qaadeysey, sow kama fiicnaateen inaad ummaddii guryahooda ka qaxay aad nabad kusoo celiso, Soomaali oo idil aad ugu baaqdo nabad iyo shir dib u heshiisin, subaxaasi awood baad u laheyd.

Dhaqarqabe qaran iyo mid Caalami ahba waad tahay, waxaana daliil u ah Lafahii quburaha Talyaaniga mooryaanta ka soo fageen, waxaa marqaati ma doonto ah inaad adiga dillaal ka ahayd oo mooryaantaadii iyo Dowladda Talyaaniga u kala dab qaaday waana arrin aadan dafiri karin.

Marka maxa ka biyo diidsantahay General Galaal: waxaa jirtey in tobankii sano ee ugu dambeeyey in aad u buunbuuniyey wiilka aad adeerka utahay ee ah madaxa laanta afka soomaalig ee BBC, iyo labada idaacad-beeleed ee Shabeelle iyo Horn Afrik online ee ka howlgala Muqdishu kuwaasoo u caleema saaray ninka keliya ee wax laga weydiin karo arrimaha strategic ee milateriga geeska Afrika, Khabiir aan laga daba hadli karin, Proboganda-daas-na run ayaad u qaadatay Gen. Galaal, marka waxaa kuu cuntami weydey in miis aad la fariisto raggii aad isku xilliga ahaydeen qaarna madaxdaadii ahaayeen sida S/guud Maxamed Cali Samatar, qaarna adiga aad madax u aheed, Marka ma aadan fileyn in sidaasi wax u dhici karaan xilligaan dhow oo cid kale aaney shir guddoon ka noqon karin arrimaha lagu gorfeynayo qaabka ciidan Soomaaliyeed loo soo agaasimi lahaa.



Waxaad qaadan la´dahay in dalka ay kusoo noqdaan rag aad is-laheed wey u dhammaatay, oo god baad ka tuurtay, kuwaas oo hadda u muuqda kuwo lagala tashtay talada dalka oo ay qaramada middoobay ay ku casuntay inay Soomaaliya arrinteeda wax ka xalliyaan.



Ugu danbayn, qaranimadii Soomaaliya way soo noqonaysaa, Soomaaliyana dhibka way ka bixi-doontaa, adigana waxaad tahay nin aqoonyahankii iyo maatadii Xasuuqay, Soomaali dhexdeena aan ku lahayn magac iyo sharaf toona.