Search This Blog

Monday, January 18, 2010

Axmed Madoobe:Ahlu Sunna waa beentood waxba kuma darsan dagaal ayaana naga dhaxeeya


Axmed Madaxed Islaan(Axmed Madoobe) oo ahaa hogaamiyihii kooxda Xisbul Islaam Garabka Jubooyinka ayaa iska fogeeyey hadal dhawaan kasoo baxay Ahlu Sunna oo sheegay in Madoobe uu ku biiray.

Axmed Madoobe oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan wali ka bixin Xisbul Islaam oo uu sheegay in uu aaminsanyahay in uu Xisbigiisa kasoo kaban doono jabka siyaasadeed ee soo gaaray.

"Aniga kamaanan bixin Xisbul Islaam warkaas ay ay Ahlu Sunna iga sheegtayna waa been,waxaana leeyahay Ahlu Sunna waa beentood,waa koox jirta oo awood muuqata ku leh dalka isla markaana aan dhihi karo waa koox ka fiican Al Shabaab'ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay Madoobe in uu soo rogaal celin doono uuna soo weerari doono magaalada Kismaayo iyo guud ahaan magaalooyinka hoos yimaada Gobollada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

"Haa waa dhab inaanan is dhiibin oo aanan ka quusan Gobolka aan u dhashay,waxaa igu balan ah in aan kooxda dhagar qabayaasha ka sifeyn doono dalkeena Soomaaliya'ayuu sii raaciyey Madoobe.

Asbuucii hore ayaa afhayeenka Ahlu Sunna Abuu Yusuf Al Qaadi waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu isu soo dhiibay kuna soo biiray Ahlu Sunna.

Axmed Madoobe oo mar ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah marna gudoomiye kasoo noqday Jubooyinka xiligii Maxkamadaha ayaa waayadan danbe ku sugnaa Kenya.

Wuxuu kusoo jabay dagaal uu la galay Al Shabaab dhamaadki sanadki hore kaasoo ka dhacay deegaano badan oo ku yaala Jubooyinka.


Banaadir Post
Xamar Cade.