Search This Blog

Monday, January 18, 2010

Ibbi "Kaalmada aad na siinaysaan Bangiga dhexe noogu soo shuba

Wasiirka Kaluumaysiga ahna Raisa Wasaare ku xigeenka Dawlada KMG Cabdiraxman Ibbi ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya Soomaalida Lacagta ay siiyaan Aduunweynuhu ay si toos ah ugu soo dhici doonto Bangiga Dhexe,Bangigan oo ah mid aan shaqayn Ninka hada Maamulaana uu yahay Nin uu dhowaan u magcaabay Shariif Xasan si uu ugu noqdo Maqaar saar.
Bahiir Cali Ciise oo ah Gudoomiyaha Bangiga dhexe ahna Nin Khibrad u leh Maamulka iyo Maaraynata Bangiyada ayaa waraysi uu dhowaan ku sheegay , inaanay ahayn ama haboonayn in Xiligan loo soo daabaco Lacag Soomaaliya ,arintan ayaa Shariif Xasan waxay ku kaliftay inuu sii kaxaysto Gudoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe uu isago magcawday.
Waa Gudoomiye ku xigeenka iyo Asxaabtiisa oo Lacagta cusub kaga cashaynaya SuudaanMaalmo ka hor ayaa waxa heshiis ku kala saxiixday Suudaan Maareyaha Guud ee lacag samaynta Suudaan, Maxamed Al-Xasan Al-Bahi iyo Wasiirka Maaliyada Dawlada KMG Shariif Xasan.

Lacagtan la samaynayo ayaa waxay tahy mid sharci daro ah, danta laga leeyahana ay tahay maal urursi.

IMF,World Bank aya ah kuwa aan waxba ka ogayn lacagtan.
Dalka Soomaaliya ma laha Kaabiyaasha Dhaqaalah A- Xisaabiye guud B-Hanti Dhowrka Qaranka C-Bangi dhexe oo shaqaynaya.D- Bangiga dhexe kuma laha laamo Gobolada Soomaaliya.

Soomaaliya kama jirto nabad sidaas awgeed ma dhici karto Canshuur la qaadi karaa ha noqoto mid dadban iyo mid toos ah iyo lacagtii hore oo la soo ururin karin.
Lacagta loo samaynayo Dal loo samaynayaa waa in uu leeyahay Dakhli kaa la mid ah, oo Haduu Doolarku kor u kaco,la maamuli karo hase ahaatee tani waxay keenaysaa Sicir barar.
Bashiir Cali Ciise oo ahaa Gudoomiha Bangiga, kana soo jeeda Degaan ahan Gobolada Puntland ayaa si awoodiisa loo dhimo, danta la leeyahana loo fushado ayaa waxa la samaystay Gudoomiye ku xigeen la yiraahdo Maxamed Xaaji Cali oo noqon doona Ninka Lacagta Shariif Xasan ku saxiisan.

Lacagtan Sharci darada oo soo wada Sicir bararka ayaa waxa ka qayliyey Dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.
Shariif Xasan iyo Ibbi oo sheegay inay ka mid yihiin Gudiga dhaqaale toosinta ayaa ah ilaa hada labada Wasiir, oo si tooska ah u sheegay inay ku faraxsan yihiin Lacagtan ay ku rajo weyn yihiin inay noqon doonto tii diifta iyo Cuqdada ka reebi lahayd.
khaalid1970@hotmail.com