Search This Blog

Monday, May 11, 2009

Dagaalkii Muqdisho oo khasaare badan geystay











Dagaal culus ayaa waxa uu maalinkii 4-aad ka soconayaa qeybo ka mid ah caasimadda Somaliya, kaasoo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta iyadoo uu iminkana safkiisa sii balaartay oo ey kusoo biireen kooxo kale oo ka duwan kuwii maalmihi u dambeeyay dagalamayay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay bilowday uu socdo ilaa xalay iyo maanta, waxaana kooxaha dagaalamaya ey kala qabsadeen goobo ey horay ugu kala sugnaayeen.

Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa maleteriga dowladda ayaa qabsaday goobo dhowr ah oo ey horay u joogeen Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, sida ey wararku nagu soo gaarayaan, waxaana ka mid ah goobahaasi lala wareegay xaafadda Towfiiq, Saldhigga Wardhiigley iyo wadada Soddonka ee degmada Hodan.
Dhanka kale warar kale ayaa iyana sheegaya in maleeshiyaadka Maxkamadaha laga soo saaray goobo ey horay u joogeen sida Stadio Muqdisho, isgoyska Florenza iyo Maxkamadda Xararyaale. Dagaalkan ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada xoogga maleteriga dowladda kuwaasoo suuro galiyay in ey qabsadaan goobaha eynu kor kusoo xusnay.
Iyana waxaa dagaalka kusoo biiray Xisbul Islaam (garabka Xasan Daahir), waxaana ey dagaalka ka wadaan aaga Wardhiigley oo horay looga soo saaray. Dhinaca kal Sh Xasan Daahir oo ka hadlay dagaalada socda ayaa sheegay in uusan dhex-dhexaad ka noqon karin islamarkaana uu la safan yahay Al-Shabaab iyo Xisbul ISlaam.
"Al-shabaab iyo anaga waan isleenahay, waxaana dagaal kula jirnaa cadowga nasoo daan-daansady", sidaas ayuu yiri Sh. Uweys mar uu la hadlayay idaacadaha Muqdisho.
Waxaa isan ka hadlay dagaalka galay maalinkii 4-aad wasiirka Amniga Cumar Xaashi oo sheegay in dagaalkan lagu soo qaaday dowladda lana doonayay in lagu afgambiyo.
"Al-Qaacida oo ey Somali la socdaan ayaa dagaal ey mudooyinkan ka shaqeynayeen nagu soo qaaday, dowladana waa ey isdaafaceysaa", ayuu yiri Cumar Xaashi.
Dhinaca Al-Shabaab oo iyana maanta hadlay ayaa sheegay in dagaalka ey kula jiraan cadowga Ilaahay oo noocyo badan isugu jira.Sawirada idiin muuqda ayaa laga soo qaaday goobaha ey dirirtu ka socoto, waana maleeshiyaadkii dirirayay qaar ka mid.Dagaalkan ayaa geystay qasaare badan oo noocwalba leh, waxaana uu dhaawucu buux dhaafiyay cusbitaalada isagoo gaaray in ka badan 100 halka dhimashadana ey caga-cageyneyso ku dhawaad 50.
banaadir Post
Xamar