Search This Blog

Sunday, May 10, 2009

Madaxweyne Yusuf waa Halyeygii Qarniga Qarada Africa







Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa bilaabay Tariikh cusub oo aa hore looga baran guud ahaan Africa gaar ahaan Soomaaliya,ka dib markii uu maanta si xornimo leh oo geesino ku dhan tahay isu casilay ka dib markii uu arkay in la baalmaray Sharcigii.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxuu lee yahay Taariikh dheer oo Siyaasadeed wuxuuna ka mid yahay siyaasiyiinta ugu khibrada dheer Africa Halka ka dhegeyso warbixin ay diyaariyeen bahda VOA waxaana ka hadlaya madaxweynayaal hore sida C/qaasim Salaad,Mahamed Cabdi xaashi.

Is-casilaaddiisa ka dib ayuu madaxwayne Yuusuf maanta barqadii ku noqday Garowe oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu madaxwayne ka ahaa ka hor intii uunan noqon madaxwaynaha ku-meel-gaarka ah ee federaalka.
Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta duhurkii soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda DGPl.Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa Garoonka konoko ee Caasimada Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Maxamuud iyo golaha xukuumadda,qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynanimo ee DGPL,dadweynaha ku dhaqan Magaalada Garowe oo iyagu taagnaa laamiga dheer ee isku xira madaxtooyada garoonka.
halkaasi oo ay dadweynuhu ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan imaanshaha Cabdillaahi Yuusuf Axmed eek u soo noqday Gurigiisii hooyo waxayna aad dadweynuhu u soo dhoweeyeen iscasilaadiisii maadaama Soomaaliya loo diiday in ay yeelato Dawlad.Hadaba madaxweynaha ayaa mar uu hadal kooban siiyey saxaafadda iyo dadweynihii soo dhoweeyey waxa uu u sheegay inuu lix sanno ka hor in uu halka ka aaday Dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Nayroobi waxaa sharaf ii ah in aan idinku soo noqday aniga oo ah shaqsi ahna oday Soomaaliyeed.
Intaasi ka dibna ayaa madaxweynaha waxa loo gelbiyey xarunta Madaxtooyada DGPL.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudana Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu saaka waraaqdii is casilaada ku wareejiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadn Madoobe,una sheegay xubnihii ku sugnaa Baarlamaanka uu u sheegay in xilkii ay u doorteen taariikhdu markii ahayd 2004.10.10,ayaa manta dib idinku soo celiyey anigoo idiinka mahadcelinaya arrintaasi,waxaana idin kula dardaarmayaa in aad dalka ku soo dabaashaan nabad idinkuna aad midoodaan hadaan tihiin mudanayaasha Baarlamaanka.

Siciid C/laahi