Search This Blog

Sunday, May 10, 2009

Al-Shabaab oo xoog ku qabsadeen Stadium Muqdisho & Xarunta Xisbiga.

Ciidamada Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga oo iskaashanaya ayaa xoog barqanimadaan ku qabsadeen xarumo ay hore u joogeen ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee taageersan Dowlada KMG ah ee Somalia.

Afhayeenka u hadlay Xisbul Islaam Sheekh Muuse Caraale oo xiriir la sameysay Idaacada Xogta ayaa sheegay inay gacanta xiligaan ugu jirto Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay Stadium Muqdisho iyo xarunta Xisbiga.

Ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugnaa halkaasi ayaa sheegaya inay isku soo dhiibeen Xisbul Islaam, balse ay diideen in loo gacan galiyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, Maxkamadaha Islaamiga waxaa laga qabsaday gawaari 5-gaaraya oo Tikniko ah kuwaasoo qoryo waa weynaa saarnaa waxaana gawaaridaas la sheegay in 3-kamid ahaa uu lahaa Goobaale oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in wali la maqlayo rasaas ka dhaceysa gudaha degmada Wardhiigleey oo isku hayaan Maxkamadaha Islaamiga iyo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo garab ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Yuusuf Indhacade ku dhaawacmay dagaal saaka ka dhacay degmada Wardhiigleey iyadoo xiriir dhinaca Telefoonka aan la sameynay inoo bixi waayay Telefoonkiisa oo xirnaa awgeed.

Saraakiisha dowladu wali kama aysan hadlin qabsashada Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga, waxaana gacanta ay xiligaan ugu jirtaa Saldhiga degmada Wardhiiglee ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee DF taageersan waloow wali halkaasi lagu dirirayo.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo ka dagaalamay duleedka Stadium Muqdisho.

Dagaalka Muqdisho oo galay maalintiisii afaraad ayaa u muuqda mid ku sii fidaya goobo horleh, iyadoo xarumaha caafimaadka ay buux dhaafinayaan dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Balse, ma muuqato cid ka tirsan dhinacyada dagaalamaya oo u diyaar ah in ay u diir naxdo shacabka daalan ee mar hore ku soo baaba'ay dagaalada ka holcaya dalka Soomaaliya ku dhowaad 20-ka sano ee u dambeeyay.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu sii kordho marka loo eego dagaalada ka socda qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyada oo aan dhag jalaq u siinaynin baaqyada loo jeedinayo in ay soo afjaraan.

"Waxaan arkay rag cadaan ah oo isugu jiray Carab, Mareykan, Afghanistan iyo Pakistaniyiin kuwaasoo ku sugnaa goobihii maalmahaan lagu dagaalamayay, waxay na weydiiyeen su'aalo ay ka mid ahaayeen halka aan ka nimid iyo halka aan ku socono" ayuu yiri ruux diiday in magaciisa la sheego.

Ciidamada Al-Shabaab oo kusii jeeda Stadium Muqdisho
Warar aan la xaqiijin balse sheegayeen dadka deegaanka ayaa tibaaxayay in ragaasi Ajaanibta ahaa ee dagaalka ku wehlinaya Al-Shabaab qeybinayeen cajalado Aflaan ah oo howlaha Jihaadka ku duuban yihiin kuwaasoo gudaha Somalia iyo wadamo dibada ah lagu soo duubay.

Mas'uul 08-bisha u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay Muqdisho kula dagaalamayaan waxa uu ku tilmaamay "Ashahaado la dirir", waxuuna sheegay inaysan dagaalada joojin doonon

Dagaalada socda ayaa la codsanayaa in la joojiyo iyadoo wasiiro u hadlay xukumada ay sheegeen in dowladu aysan dagaal doonayn, sidaa daraadeedna ay kooxaha kale ka dalbanayaan inay xabada joojiyaan.

Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan soo saaray amar ku aadan in la toogto cid walba oo ka tirsan dowlada ama xiriir la leh, iyagoo ku sheegay talaabadaas mid looga go'doominayo goobaha ay ku sugan yihiin Maxkamadaha Islaamiga ee gacan saarka la leh Dowlada uu horboodo Shariif Sheekh Axmed.

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka taagan dagaalada u dhexeeya labada dhinac oo galaaftay tiro dad ah, kuwaasoo isugu jira kuwii dagaalamayay iyo rayidka lagu kor diriray.

Shacabka Muqdisho ayaa aad walaac ugu muujinaya dagaalada ka dhex bilowday ragii 2-sanno isku dhinaca xabada u ridi jireen kuwaasoo iminka ka dhex abuurnay khilaaf salka ku haya taageerida Shariif iyo Dowlada uu horboodo.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com