Search This Blog

Monday, May 11, 2009

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inuusan joogsanayn dagaalka ka socda Muqdisho, islamarkaana taageersan yahay in la rido Dowladda KMG ah


Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyaha garab ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ka hadlaayay dagaaladii afarta maalmood ka socday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo dhibaato ku haya Shacabka.

Waxa uu sheegay Xasan Daahir in dagaalkaasi uu yahay mid ay ujeedadiisu tahay shacabka oo diidan wax aysan iyagu dooran, wuxuuna sheegay inay dagaalka sii wadayaan dhinacooda.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir waxa uu shaaca ka qaaday inuu isagu tageerayo in la rido gebi ahaanba Dowladda KMG ah, wuxuuna mar uu ka hadlaayay tikniko la sheegay inuu lahaa Yusuf Indhacadde oo isu soo dhiibtay isaga, ayuu sheegay in dadka oo dhan ay yihiin walaalo Muslimiin ah.
“Dadka Islaamka ah waa midaysan yihiin, waxeyna ilaaliyaan Hal u jeedo oo ah xornimadooda, diintooda iyo sharafkooda’”
ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalamaan Dowladda Soomaaliya, wuxuuna u soo jeediyay beesha caalamka in arrimaha Soomaaliya ay faraha kala baxaan.
Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu daboolka ka qaaday in gaarigii uu C/laahi Yuusuf kala yimid Itoobiya ee uu ka daalay hadda loo dhiibay niman ka leexday sida uu hadalka u dhigay dariiqii jihaadka, wuxuuna sheegay inay isku mid yihiin iyaga iyo kuwa ilaalinaya oo uu ula jeedo Ciidamada AMISOM.
Banaadir Post
Xamar..
Somalia.