Search This Blog

Monday, May 11, 2009

Maxamed Qanyare "Dowladda waa is difaacee, qoladaan Alshabaab la yiraa Argagixiso ajaaniib ah ayay hoos ku wataan"


Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isagoona dagaaladaas ku tilmaamay mid la doonayo in Dowladda lagu bur buriyo, waxaana uu Mas'uuliyada dagaalka dusha uu ka saaray Kooxda Alshabaab oo uu sheegay inay hoos ku wataan Argagixiso Ajaaniib ah.

Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ay awoodii ka tureen Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in Dowladda ay is difaaceyso, isagoona cadeeyay in dagaal aan lagu kala adkaaneyn.

"Dagaalkan waxaa wada Alshabaab oo Niman Argagixiso Afganistaan hoos ku wata, Dowladdana wey is-difaaceysaa"

ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaa ku daray in Dagaalka aanu aheyn dagaal diimeed.

"Anaga markii aan aheyn Isbaheysigii Argagixiso la dirirka waxay dhihi jireen waa Ashahaado la dirir, maantana waxay leeyihiin Shariifkii oo shalay iyaga ku saf ahaa waa Ashahaado la dirir, anaga hadii aan tanaasulnay oo Sheekh Shariif Madaxweyne noqday ma Ashahaado la dirir baa"

ayuu si kulul u yiri Maxamed Qanyare.Sidoo kale Maxamed Qanyare ayaa ku eedeeyay Kooxda Alshabaab inay wado dilalka qorsheysan, isagoona sheegay in si sharci daro ay dadka ku dilaan, isla markaana dadka shacabka hortood ay ka ridaan Madaafiicda, isagoona dusha ugu tuuray dhibaatooyinka shacabka soo gaaray inay Alshabaab ka mas'uul tahay.

"Nimankaan meeshey danahooda ka waayaan waxay yiraahdaan waa ashahaado la dirir, balse waxaan idin cadeyhaa in aanay diin ku dhaqmeyn"

ayuu mar kale ku celiyay Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Ragii Hogaamiye Kooxeedyada ee Muqdisho ku aas aasay sanadkii 2006-dii Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada.

Waa hadalkii u horeeyay ee Maxamed Qanyare uu si toos ah u weeraray siyaasada Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, gaar ahaan Kooxda Alshabaab, tan iyo markii Qanyare awoodiisa ay kala jejebiyeen Maxkamadihii islaamiga ee hada kala firdhaY.#
Banaadir Post