Search This Blog

Tuesday, July 8, 2008

Suuqii Weynaa ee Ansalooti oo xirnaa in ka badan 8-sanno oo maamulka Gobolka Banaadir uu dib u furay maanta .




18 Sanno ayaa waxaa maanta mar kale si rasmi ah loo furay oo albaabadda loogu balaqay Kawaankii weynaa ee hilibka iyo suuqiisii balan baladda Ansalooti ee degmadda Xamar Jab Jab ee Magaalada Muqdisho.


Kawaankaan oo ahaa kawaankii ugu horeeyay ee magaaladda Muqdisho laga furo tan iyo intii ay xoryadii ay qaadatay Soomaaliya iyo ka horba, waxaa uu ku fadhiyaa dhaul aad iyo aad u baaxad weyn waana suuqii ugu horeyay ee Soomaaliya oo loo yaqaanay Ansalooti, kadib markii uu soo gaaray burbur aad u weyn oo ka dhigay dhaqan gab ayaa waxaa mar kale u istaagay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, waxaana ay marar badan uguna baaqeen Hay’adaha samafalka , taas oo ugu dambeeyntii keentay in mar kale la dayactiyo dib u habeeyna lagu sameeyo si ay dadweeynaha Soomaaliyeed ugu ganacsadaan suuqaasi.


Xaflad Balaaran oo loo sameyyay furitaankiisa maata ayaa waxaa ka qeyb galay xubno uu hogaaminayay godoomiye ku xigeenka arimaha Bulshadda ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) , oo uu wehliyo Godoomiyaha Degmadda X/Jab jab Axmed Sh. Maxamed (Qoorleex) iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo uu ka mid yahay taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar G/Sare Cali Osoboow.


Kawaanka Hilibka iyo suuqa balan baladda ee Ansalooti ayaa waxaa mar kale dib u dayactiray NGO-ga lagu magacaabo Saacid oo la kaashatay Hay’adaha kala ah UN Habitat, UNHCR iyo ee European Compression oo iyagu xiriir wanaagsan la leh hay’adda Saacid , waxaana uu ka kooban yahay suuqaasi 96 Miis,halka Balanbaladana ay tahay tahay 96 Miis. iyo qeybo kale oo ganacsiga muhiim u ah.


Hadalo kooban oo ay furitaankiisii ka jeediyeen Ku xegeenka Duqa magaaladda Muqdisho Xagga Arimaha Bulshadda Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) iyo Godoomiyaha Degmadda X/Jab Jab Axmed Sh. Maxamuud (Qoorleex) ayaa waxay ugu horeyntii amaan iyo mahad celin u jeediyeen hay’adaihii fuliyay hawshaasi waxayna sheegeen in ay tahay talaabo haboon oo horay loo qaaday waxayna ka codsadeen dadweeynaha in ay xanaaneeystaan kuna dadaalaan nadaafadiisa iyo Bilicdiisa sidii ay u dhawri lahaayeen , sidoo kalena waxay ka ka cdsadeen hay’adaha ka hawlgalla dalka gaar ahaan magaaladda Mugdisho in ay ku daydaan hay’adahaan oo ay shacbiga Soomaaliyeed oo ay madaxiisa dhaqaale ku soo qaataan ay wax ugu qabtaan haba yaraadeenee ee aysan ku jiifan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo sheegay in shacbiga Soomaalaiayeed ay la xisaabtami doonaan cidii wax u qabatay iyo cidii aanan wax u qaban labadaba.


Maamulka gobolka Banaadir ayaa beryahaan dambe ku hawlanaa sidii uu u dayactirilahaa goobaha muhiimka ah ee magaaladda Muqdsho si ay u hawl galaan oo ay shacbigana uga adeegtaan.


Banaadir Post.

Xamar.

Somalia