Search This Blog

Tuesday, July 8, 2008

Dowladda Ciraaq oo sheegtay in xubnaha ugu cad cad Al-Qaacida ay u baxsadeen Soomaaliya





Mojar General Hussain Ali Kamal oo ah Taliyaha barista iyo warbixinada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga ururka Al-Qaacida ee ku sugnaa gudaha dalka Ciraaq ay u baxsadeen dalalka Soomaaliya iyo Suudaan si ay halkaasi ugu noolaadaan kana sii wadaan dagaalada iyo argagixisanimada.


General Hussain Ali Kamal ayaa sidoo kale shaagay in xoogaga Al-Qaacida kuwooda firfircoon ay u baxsadeen dalal Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo markii hore cagta sii mariyay dalka dariska la ah Ciraaq ee Siiriya halkaasi oo ay ugu sii gudbeen dalalka Afrika, sidaasina lagu ogaaday warbixinada sirdoonka dalkaasi uu helayo.


"Warbixinadeena dhinaca sirdoonka ayaa sheegaya in Al-Qaacida ay ka baxsadeen Ciraaq, markii duqeymo xaga cirka ah loo geystay, waxayna u baxsadeen inta badan wadamada Suuriya iyo Iiraan si ay u beegsadaan meelaha xaaladaha qalafsan ka jiraan sida dalalka Suudaan iyo Soomaaliya, iyagoo maray xuduudaha Iiraan iyo Suuriya” ayuu General Hussain Ali Kamal.


Wasaaradda amniga dalka Ciraaq warbixin ay soo saartay ayaa lagu sheegay in qoraalo la helay xiligii ay socdeen howlgalada ciidamada oo ay ka sameeyeen deegaanada Suniyiinta ee magaalada Baqdaad oo ay maamuli jireen Al-Qaacida ayaa sheegeysa in xubnaha ugu cad cad Al-Qaacida ay abaareen dalalka Suudaan iyo Somalia.


Warkan oo uu daabacay Wargeyska Gulf News shabakadda uu Internetka ku leeyahay ayaa feejinaan gelineysa ciidamada dalka Itoobiya iyo kooxaha la dagaalanka argagixsada ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya oo dagaal xoogan kula jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in gudaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin xubno sare oo ka tirsan Al-Qaacida.


Banaadir Post.

Xamar Cade.