Search This Blog

Tuesday, July 8, 2008

Alshabaab oo sheegatey dhibkii xalay Baydhabo ka dhacey




Afhayeenka Dagaal yahannada hubeysan ee Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo khadka taleefoonka shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta ayaa qirtay in xoogagooda ay ka dambeeyeen duqeyntii iyo weerarkii xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taaso gaystey dhib aad u badan iyo belaayo halkaas ka dhacdey. qax, geeri iyo dhaawac dad rayid ah.


Sheekh Muqtaar Roobow wuxuu sheegay in xoogagga Al-shabaab ay xalay la wareegeen gacan ku haynta qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo oo ay ka cayriyeen ciidamada cadowga iyo kuwa daba dhilifka u ah ee halkaasi ku sugnaa, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaa ku daray, wuxuuna intaa ku daray in ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen wax uu ku tilmaamay cadowga Ilaahay, qaxii ay gaysteen ma ahan mid horey uga dhacey Baydhabo.


Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Abuu Mansuur wuxuu sheegay in aanay dhankooda wax heshiis xabbad joojin ah la geli doonin ciidamada Itoobiya iyo dawladda federalka toona tan iyo inta ay ciidamada cadowga ku sugan yihiin ciidda Soomaaliya, madaxda hogaaminaysana dawladdana ay dawladnimo sheeganayaan, wuxuuna intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah cadowga Ilaahay iyo Murtadiina ay sii wadi doonaan ilaa ay dalka Soomaaliya ka xoreeyaan.


“Magaalada Baydhabo waa magaalada aad ku sheegayseen inay ammaan idiin tahay oo aad gacanta ku haysaan, waana Ilaahay Mahaddiis mar haddii Mujaahidiinta ay qeyb ka mid ah magaaladaasi gacanta ku hayaan” ayuu yiri Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo dhinaca kale sheegay in xabaddoodu ay ku wajahan tahay oo kaliya Cadowga Ilaahay iyo kuwa Martiinta ee iyaga daba orda.


Wuxuu ku faanay inow Magaalo nabad ah belo iyo halaag ka abuuray, wuxuu ku faanay in meel kasta oo nabadi ka jirto belo ka abuuri doono.


Diintee qabta in la fidneeyo ummad ah?Banaadir Post.
Moqdisho
Somalia