Search This Blog

Friday, June 27, 2008

Xaaladda Gobolka SH/hoose waa ceenkee?

Shir jaraaid uu qabtey guddoomiyaha gobolka sh/hoose mudane Cabdulqaadir Sheekh Maxamed nuur , kuna qabtey magaalada Moqdisho ayaa waxuu ku tilmaamey xaaladda nabad gelyada gobolka mid ka soo dartey , taagan fara ka bax, ka dib markii ay kusoo badatey af duubyada loo geysanaayo xabnaha hay'adaha gargaarka ee gobolka ku sugan.

Guddoomiyaha ayaa ahssegey in amaan darrida ay ka dhalatey ciidamada amaanka gobolka oo aan mushaahar qaadan muddo sannad gaareysa, isla markaanaay muddadaasi ku shaqeynayeen iskaa wax qabso, taasi oo dhalisey ayuu yiri inay halkaasi ka timaado debecsanaa xagga amaanka, islamarkaana dowladda federaalka dhankeeda aysan ka helin taageero , xag maaliyad iyo xag wax qabadba.

Mudane C/qaadir ayaa ku tilmaamey amaan darrida gobolka inay tahay mid kasii dareysa maalinba maalinta ka dambeyso,ayada oo ay kusoo badanayaan burcadda iyo kooxo uu ku tilmaamey kooxaha afduuba hay'adaha.

Waxuuna dowladda federaalka ka codsadey inay gacan ku siiyaan sidii loo sugi lahaa amaanka gobolka oo ahaan jirey mid amaankiisa ay sugantahay 99%, waxuuna halkaasi ka sheegey in khilaafkii u dhaxeeyey maamulkiisa iyo kan Banaadir la dhameeyey.

Xubnaha maamulka ayaa caadeystey inay hadba u hadlaan sida ay xaaladda tahay, taasi oo in badan laga maley ayaga oo caddeynaayo inaysan dowladda aqoonsaneen, mararka qaarna sheegaaya inuu gobolka amaan yahay dowladda aan looga baahneyn inay soo fara gelyaan.
Ayada oo la ogyahay guddomiyaha inuu horey u sheegey inaysan gobolka ka jirin amaandarro, kuna dhawaqey inaysan joogjn xubna salka ku haayo al-qaacida, ayada oo dadka gobolka sheegayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda deegaannada qaar, ayaa guddoomiyaha ku sheegey inaysan waxba ka jirin.


Dilal fara bdan oo ay geysteen xubno ka tirsan mooryaantii gobolka gacanta ku haaystey ayuu awood u yeelan waayey inuu tillaabo ka qaado, taasi oo lagu tilmaamey inuu laf ahaantiisa uu lug ku leeyahay mooryaan, amase uu naftiisa ku badbaadsanaayey.

Taasi oo ka dhigan weli inuu u afduubanyahay sida qaari horey u sheegeen, mooryaanta gobolka gacanta ku haaysa, hase yeeshee siyaasadda maanta isu beddeshey inuu codkooda ku hadlo oo ah dhaqaalihii ay ka heli jireen gobolka oo is dhiey awgeed.

Taasi oo ka dhalatey, mooryaantii oo kala jabey, oo Guddomiyaha , iyo taliyaha ciidanka booliska , aysan awood u leheen, mooryaantii , taasi oo mooryaanta dhaliilsanyihiin, guddi dhaqameedyadii uu guddoomiyaha soo abaabuley inay gobolka banaadir la raaciyo gobolka, ataa keentey inay ka gooystaan, taasi oo awooddii guddoomiyaha iyo taliyaha booliska ay wiiqdo xooggooda. Hase yeeshee guddoomiye C/qaadir waxuu noqdey qorigii laba dhinac ka gubtey, waayo ma awoodo inuu raalli geliyo dhinacyada ay u kala jabeen mooryaantii maamulkii hore, isla markaana ma awoodo inuu dadweynaha gobolka uu dhinac ka raaco.

Taasi oo horey au dhacdey in xubno ka tirsan dowladda una dhashey gobolka uu kasoo hor jeystey asaga oo garab siinaayey mooryaantii maamulkii asaga ka horreeyey.

Oogu dambeentii mudane Cabdulqaadir , waa nin u dhashey gobolka ayna saarantahay nabadgelyadiisa.

Xaayle Eemaan Suufow

Xaayle278@hotmail.com