Search This Blog

Friday, June 27, 2008

G/dhexe Bariise oo ku eedeeyay Al-shabaab in ey qowraceen 10-askari




Afhayeenka Ciiddanka Boliska DFKMGS, ahna Taliyaha Qeybta Boliska ee Weliyow Cadde, G/dhexe C/llaahi Xasan Bariise, ayaa ku eedeeyey Dhaqhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab inay ka dambeeyeen falkii gawraca ahaa ee shalay loo geytay ku dawaad toban askari oo ku sugnaa Saldhigga Boliska ee Degmadda Dayniile.


Afhayeenka oo xalay u waramayey Barnaamijka Sahanka Wararka 24-saacadood ee Sahanmedia, ayaa sheegay inay Kooxda Al-shabaab ee ka soo horjeeda Siyaasadda DFKMGS ka dambeeyeen gawracaasi, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay xasuuq ka dhan Aadminimadda.


G/dhexe Bariise, waxa uu carrabka ku dhuftay inay Kooxda Al-shabaab carqalladaynayso Hesiiska Nabadda ee ay DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia \"ARS\" bishan 9-dii ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti, waa sida uu hadalka u dhigay Sarkaalkaasi, oo isagu dhowr jeer ka badbaaday qaraxyo miino oo lala beegsaday.


Mar wax laga weydiiyey Tallaabadda xigta ee Ciiddanka u qorsheysan sugidda Amamaanka Deegaanka Dayniile, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamo dheeraad ah ku xoojin doonaan Ciiddanka ka hawlgala Saldhigga Boliska ee Deegaanka Dayniile, si looga hortago Kooxaha qaska wada, waa sida uu hadalka u dhigay."Ciiddamo dheeraad ah ayaan ku xoojinaynaa Saldhigga Dayniile, si kooxaha qaska wada looga difaaco dadka rayidka ee ku soo barakacay Deegaankaasi\" ayuu yiri Sarkaalkaasi u hadlay Ciiddanka Boliska DFKMGS.


Afhayeenka Ciiddanka Boliska ee DFKMGS, waxa uu ku edeeyey Dagaalyahannadda Al-shabaab inay boob u geysteen guriga Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka ag dhawaa Saldhigga Boliska ee Dayniile, waa sida uu hadalka u dhigay.Si kastaba ha ahaatee, weerarkii shalay galab lagu qaaday Saldhigga Boliska ee Deegaanka Dayniile waxaa lagu dilay 9-Askari iyo haween rayid ah oo ku sugnayd Xayndaabka Saldhiggaasi.
Koshin Yare
Banaadir Post.
Xamar cade.