Search This Blog

Friday, June 27, 2008

C/raxiin Muudey “Sh Shariif iyo Sh Xasan Daahirba xilalkii maxkamadaha waa laga qaaday,kadib markii uu khilaafkoodu batay”.



SHekh Cabdi Raxiin Cali Muudey oo horay u ahaa afhayeenkii madkamadaha beelaha midoobay ayaa sheegay in ay xilalkii ka xayuubiyeen labada garab ee is haya ee ku kala sugan Asmara iyo Jabuuti ee Sh Shariif iyo Sh Xasan Daahir ay kala hogaamiyaan.


“Sh Shariif iyo Sh Xasan Daahirba xilalkii maxkamadaha waa laga qaaday,kadib markii uu khilaafkoodu batay,waxaana go’aankaa lagu gaadhay kulan ay yeesheen xubno ka madax banaan dhinacyada is haya”ayuu yiri Sheekh Muudey..


C/axiim Muudey ayaa waxa uu si weyn uga hadlay in Maxaakimtu ay dhawaan soo bandhigi doonaan hogaan cusub oo aan ahayn labada masuul ee siyaasada ku kala fogaaday.


Ma jiraan wali wax warar ah oo kasoo baxay labada masuul ee uu Sh Muudey sheegay in xilalkii laga xayuubiyay,hase ahaatee la arki doonee waxa ay ka yidhaahdaan hadalka culus ee kasoo yeedhay Sh Muudey afhayeenkii hore ee maxkamadaha.
Yaasin Xaaji
Banaadir Post.