Search This Blog

Friday, June 27, 2008

Kismaayo: Aabaha caruur xalay lagu weeraray gurigooda xili hooyadood ay casho siineysay oo ka hadlay geerida caruurtiisa iyo dhaawaca hooyadood

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday guri uu dagan yahay nin ganacsade ah xili uu ninkaasi ka maqnaa guriga balse weerarkaasi uu sababay dhimashada Labo caruur ah oo uu dhalay iyo dhaawaca Xaaskiisa ee ilmahaasi hooyadood.

Aabaha dhalay caruurtan oo lagu magacaabo Cabaas Maxamed Xaaji ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay weerarka caruurtiisa lagu dilay isagoo intaa raaciyay inuusan garaneyn ujeedada rasmiga ah balse uu sheegay in danta ugu weyn ee weerarkaasi laga lahaa ay aheyd sidii isaga loo dili lahaa.

"Daqiiqado kadib ayaa Taleefan leygugu soo sheegay Salaadii cishaha kadib wixii gurigeyga ka dhacay" ayuu yiri Cabaas Maxamed Xaaji oo sheegay in xiligaasi uu ku maqnaa Salaada cishaha.

Si rasmi ah looma oga falkan bahalnimada ah ee lagu laayey qoys qura, iyadoo aabaha caruurta geeriyootay uu ka mid yahay ganacsatada biraha ka ganacsada isla markaana ka tirsan culumada degmada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa xaaladeeda amaan ah mid aan cidna gacanta ku heyn iyadoo maliishiyo beeleed halkaasi ku badan ay dadka sidii ay doonaan ka yeela, mana jirto maamul la dhihi karo magaaladaasi waa ka jiraa.

Alshaabab ayaa ku eedeeyeen dadka reer Kismaayo arinkaas foosha xun, kal hore ayay ahayd markii ay gowraceen gabar yar oo aabaheed ka tirsan yahay Ciidanka Qalabka sida ee dowlada Federaalka, taaso aad looga naxey, "waa dhaqan xun oo lagu yaqaan Alshabaab,, ayuu yiri nin Reer Kismaayo ah.