Search This Blog

Tuesday, July 15, 2008

Mucaaradka Somaliya oo sheegtay dilalka iyo Ugaarsiga samafalayaasha.



Afhayeen u hadlay Xarakadda Al-Shabaab garabka Jabhad Islaamiya oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Timo Jilic ayaa si buuxda u qirtay inay ka dambeeyaan dilalka iyo ugaarsiga shaqaalaha Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa gudaha Somaliya.


Mukhtaar Maxamed Timo Jilic oo la hadlay Idaacadda Codka Nabadda ee Muqdisho wuxuu xusay inay bartilmaameedkoodu yahay Hay’adaha UN-ka (UNDP) oo ay hore u dileen madaxii Muqdisho iyo Hay’ado kale oo u badan Local NGO sida COGWA iyo INXA.


Afhayeen Mukhtaar timo jilic wuxuu xusay in Hay’adaha samafalka sheegta gacan siiyaan Dowlada Federalka iyo Itoobiyaanka,wuxuuna sidoo kale ku eedeyay inay gacan weyn ku lahaayeen falalkii lagu fashiliyay golahii Maxaakiimta.


“Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay qayb ka ahaayeen dagaalkii lagu jabiyay Midowga Maxkamadaha, waxayna hubka, lacagta iyo shidaalka siiyaan ciidamadii la dagalamayay mujaahidiinta" ayuu si caro leh u yiri Timo Jilic.
"Mujahidiinta waxaan ugu baaqayaa inay beegsigooda koowaad ka dhigtaan hay'adaha gargaarka, waayo waxay gacan siinayaan cadowga, howlahasna way bilowdeen waxaase dhiman dhameystir" ayuu si kooban ugu gaabsaday.


Mar la weydiiyay hay'adaha maxaliga ah ee ay begsanayaan ayuu ku sheegay inay ka mid tahay, hay'ad ay ku bahobeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo COGWO, taasoo uu sheegay inay tahay mid lagu jahawareerinayo Somalida, ayna beegsan doonaan illaa ay ka toowbad keenaan talaabooyinkooda.


Xubno ka tirsan Hay'adaha gargarka oo ay ka mid yihiin Madaxii INXA C/naasir Axmed, Madaxii Peace Line Shirwac iyo mas'uul ka tirsan COGWO oo lagu magacabo Cayni Abukar Gacal iyo kuwo kale oo badan ayaa ka cararay Muqdisho, iyagoo gaaray Somaliland iyo meelo kale sida Nairobi iyo Adis, si ay uga nabadgalan ugarsiga lagu hayo samofalayasha.


Mukhtaar Timo Jilic oo magaciisa ku koobay Sheekh Maxamed horena aan u sheegnay inuu fuliyay dilkii lagu qaarijiyay Madaxii UNDP Muqdisho Marxuum Maxamed Cismaan allaha u naxariistee.


Ninkan ayaa la yiri wuxuu ahaan jirey nin ganacsi weyn ku leh suuqa Bakaaraha meesha hub lagu iibin jirey (CIRTOOGTE), ka dibna mudo dheer ayuu xiriir la lahaan jirey ninka Xasan Turki oo Koonfurta Kismaanyo Xarun Tababar ku leh, dagaalkii marakaynaka ka dib wuxuu u wareegay dhinaca gobolada dhexe tuulo la yiraahdo Ceel Garas oo ka tirsan Ceelbuur halkaasna waxaywada joogeen ninkii la diley Ceyrow, dilkii Ceyrow ka dibna wuxuu ku sugnaa Matabaan, geerdii Asparo ka dib wuxuu gaarey Moqdisho, xasuuq ayuuna ka wadaa magaalada Moqdisho.


Wixii cusub la soco.

Banaadir Post.

Xildhiban Maxamed Nuuraan Bakar : "Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka...




Xildhiban Maxamed Nuuraan Bakar : "Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka iyadoo aysan rali ka ahayn Dadka Gobolka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolkaasi……..


""Waxaan maqalnay in UN-ku doonayo inuu mamul u sameeyo Gobolka Sh/Hoose, mana dhici karto intasi ay ku dhaqaaqaan iyadoo aysan raali ka ahayn dadka Gobolkaasi ka soo jeeda"


ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Nuuraan Bakar oo sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose oo tiradooda dhamayd 26-xildhibaan ay ka shireen xaalada Gobolkasi.


Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkooda uu ku aadana sidi wax looga qaban lahaa arrimaha Gobolkaasi ka oo cusboonaday maalmahaan dambe ee la xiriira Nabdgelayada iyo afduubka lala eegto mar walba shaqaalaha Hey'adaha samafalka ee ka howlgala Gbolkaasi.


"Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka iyadoo aysan rali ka ahayn Dadka Gobolka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolkaasi" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo sheegay in loo baahan yahay in la raaco mar walba sharciga, islamarkaana dadka iyo siyasiyiinta meelaha laga samaynaayo maamulada waa in lagala tashado dadkaasi.


Xildhibaan Nuurani waxa uu sheegay in iyagoo lala tashan aysan jirin cid wax ka samayn karta gobbolkaasi, wuxuuna shaaca inay taasi xadgudub noqonayso hadii lagu dhaqaaqo, wuxuuna cadeeyay in loo baahan yahay in la raaco sharciga iyo Destuurka Dowladda KMG ah.


Ugu yaraan 26-Xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa maalmahaan dambe shirar uga socday magaalada Baydhabo, waxeyna shirarkooda ugu jeex jeexayeen xaalada maalmahaan dambe ka soo korartay Gobolka Sh/hoose eek u aadan arrimaha Nabadgelyada iyo afduubyada loo geysanaayo shaqaalaha Samafalka.

Monday, July 14, 2008

Kooxda Banaadir Telcom Oo ka Qeyb galka Tartanka Kooxaha B/B/Afrika Qaab Jufooyin Ah U Qeybsaday









Kooxda ayaa tartankaasi u waday tiradii ugu badneyd oo wafdi ah kaasoo lagu kala xulay qaab heyb ah iyagoo inta badan qaab aad u hoose ah lagu kala siisay ticket safarkaan.

Sida sharciga ah waxaa tartankasi looga talagalay iney ka qeyb galaan 25-xubnood oo ay ku jiraan xubin xiriirk ah iyo garsoore laakiin maamulka kooxd oo isku xulay si heyb hoose ah ayaa tartankaan u kaxeyay in ka badan 30 qofood.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo masuuliyiinta kooxdaasi xitaa waxey ka tageen dhowr ciyaartoyd oo markii hore u soo xuleyn iney tartankaasi ka qeyb galiyaan laakiin marki danbe u sheegay iney ehelada aan laga tagi Karin oo ay iska samraan.
Maadaama ay aad u liidato tayada dadka loo waday tartankaasi ayaa waxey dadka la socda kooxdaasi oo diiday in la xigto ay sheegayaan in ceeb iyo waji gabax ay kala soo laaban doonaan tartanka ay ka qeyb galayaan.

Ma han markii ugu horeysay oo qabiilku noqdo mid wax yeeleeya Sportiga Somaliga , hada ka hor ayay ahayd, markii xulka qaranka laga soo xuley Moqdisho oo kaliya, lagana soo xuley, qabiilada la isku yiraahdo HIRAAB, oo kala yihiin Cali Mahdi iyo Caydiid, kuwaas oo la sooo kulma guuldaradii abid Soomali la kulanto.

Waa nasiib daro in waxwalba qabiilku furi noqdo, waxaana la galiyaa meelo aan loogu talagalin amaba uusan ku fiicnayn qabiilku.

Somaliyeey Kala saara Qabiilka iyo waxa dadka ka dhaxeeya.
Banaadir Post....
Mogadisho
Somalia.




"Waxaan dooneynaa in aan la shaqeyno dawladda Soomaaliya ,waxa ayna Africa dooneysaah nabad ka dhalata Soomaaliya" Wakiilka Golaha Amaanka ee Africa u



Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo labo maalin ka hortagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoo Saxaafada la hadlay


Horey looma ogeyn in Masuulkan uu joogo Magaalada Muqdisho ,wuxuuna intii uu joogey la kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & kusimaha raysalwasaaraha Soomaaliya.


Masuulkan wuxuu kala hadlay Madaxda dawladda Soomaaliya arimaha Soomaaliya ,gaar ahaana amaanka & Dibu heshiisiinta ,isagoo sheegay in uu wax weyn ka faa'iiday kulamadii uu la qaatey Madaxweyne Yuusuf.


Wakiilku wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arimo badan ,uuna Madaxweyne Yuusuf soo dhaweeyey wada hadal walba oo lalagalo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya uuna doonayo in Soomaaliya lugu soo celiyo nabadgalyo.


Sarkaalkan wuxuu sheegay in uu sidoo kale la kulmay Taliyaasha ciidamada dawladda Soomaaliya & Kuwa Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya oo uu kala hadlay sugida amaanka ee Magaalada Muqdisho.


" Saraakiisha Africa & Kuwa DFKMGS waxa ay ii sheegeen in loo baahan yahay ciidamo fara badan ,kuwasoo qeyb ka qaata nabad ku soo celinta Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna iga codsadeen in Golaha amaanka ee Africa hordhigo arimahan waana hor geynayaa markii aan laabto"

Ayuu yiri Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.


Booqashadan Sarkaalkan ee Magaalada Muqdisho mahan tii ugu horeysay balse waxaa la xasuustaa booqashooyin fara badan oo ku tagey Magaalada Muqdisho ,markii ay halkaasi ka dagayeen Ciidamada Midowga Africa & dagaalo xoog leh oo halkaasi ka socdey.

Banaadir Post
Somalia.

Muqaawinada oo meel walba laga diidey, isna aamini waayay


Maleeshiyooyin ku hubeysan gaadiid dagaal iyo gantaalaha garabka laga tuuro ee Baasuukaha,laawga iyo jebsheyaasha ayaa buux dhaafiyay gobolada dhexe ee Soomaaliya sida ay sheegeen ganacsato iyo xoola dhaqato ku nool,Galgaduud,Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.


Intooda badani waxey ka soo carareen Magaalada Moqdisho ka dib markii ugaarsi aaad u badan lagu hayo,waxaana laga nacey dhulkii laga jeclaan jirey,.


Waxaa jab iyo kala haad ku dhacey dagaaladii Matabaan iyo Guriceel, kii ka dhacey Wanlaweyn, Yaaq bari weyni,waxaa kaloo ka dhumey hogaankii isku hayay,sida Ceyrow iyo Asparo,

waxaa kaloo taageeradii kala noqdey Ganacsatadii sida ba,an u taageeri jirey.


“ Maleeshiyooyin hubeysan ayaa ku soo qulqulayo gobolada,qaarkood lug ayey ku socdaan,qaarkoodna gaadiid dagaal ayey wataan,guutadii ugu balaarneed waxay u gudubtay dhinaca Ceelbuur,sidoo kalana Guri ceel,Matabaan iyo Beledweyne waa wado walbo iyo baasuuke,lamana oga Al-Shabaab iyo garabka Isbaheysiga cida ay yihiin”ayuu yiri ganacsade ku sugan Guri ceel.


Inkastoo la rumeysan yahay in degaanada Ceelbuur,Ceelgaras iyo Dhuuso mareeb ay tahay talisyada ugu waaweyn ee Xoogaga Al-Shabaab hadana warar hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyooyinkaan ay tababar soo dhameysteen,qaarkoodna ay ku wajahan yihiin degaanada Puntland oo ay dhalasho ahaan u dhasheen.


Degaanka Matabaan waxaa dhawaan lagu diley hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan Maxaakiimta lagana xusi karo,Asparo,Macalin Farxaan,Sheekh Xujaale iyo rag kale oo badan.


Meel laga jecelyahay oo maanta lagu qariyaa ma jirto ALSHABAAB, cabsidii laga qabi jireyna waa yaraatey, laakin weli handadaad way hayaan.


Banaadir Post.

Somalia.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Hay'ada WFP oo Caawa lagu dilay degmada Bu'aale.



Maleeshiyo bistoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay Caawa Bu'aale ku qaarjiyeen Sarkaal sare oo cunaqeybinta u qaabilsanaa Hay'ada WFP G/Jubooyinka.

Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay sida aan wararka ku heleyno meel maqaayad ah oo markaasi ka casheynayey , waxaana isla Caawa Magaalada gudaheeda dhaqdhaqaq ka bilaabay Maleeshiyo ay isku hayb yihin marxuumkaasi la dilay .

Mas'uulka la dilay ayaa noqonaya kii 5-aad oo samafal ka shaqeya oo la dilo asbuucaan , waxaana Bu'aale ay ka mid tahay meelaha ay ku xooganyihin Maleeshiyada Al-shabab.
Banaadir Post.