Search This Blog

Saturday, February 13, 2010

Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu ka baxay Maamula shariifka

"Sababta koowaad ee aan uga baxay dowladda waxay tahay inaan helo goob laga fulinayo sharciga Islaamka, waanan imid" ayuu yiri Saalax Badbaado oo sheegay in uu ku badbaadi waayay guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Alow ummada ka QABO kuwan naxariista daran.

"Ciidamada dowladda dadku way ka nabadgeli waayeen, waayo waxay kala dagaan gaadiidka dhac ayayna u geystaan, waana waxyaabaha aan u adkeysan waayay oo igu kalifay inaan kasoo baxo dowladda" ayuu yiri Saalax Badbaado.
Saalax Badbaado ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii koowaad ee ka baxa dowladda Sooamaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid lagu la'aa Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu gabi ahaan siyaasadda Somalia uu ka fariisanayo.

"ninka isku sheegaya Afhayeenka AMISOM ayaan cambaareynayaa oo caado ka dhigtay inuu shacabka ku garaaco madaafiic ka dibna inkiro, taana waxay ka mid tahay waxyaabaha aan u adkeysan waayay ee aan uga baxay dowladda" ayuu mar kale yiri Saalax Badbaado oo aan cadeynin inuu isku dhiibay ama ka mid noqday Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu soo doontay meel looga dhaqmo shareecada ee wax kale aanu u iman goobaha mucaaradka.

Wuxuu kaloo wax laga xumaado ku tilmaanay qosolka kanjanka ah oo caado ka dhigtey ninka  afhayeenka u ah AMISOM oo magaciiso la yiraahdo Bahiru Butana, kaaso u sheegay in gacan Somaliyeed ku bixi doono Inshalaah.