Search This Blog

Saturday, February 13, 2010

Xasan Daahir oo muuqiisa u egyahay nin lugta sii furaya

Xasan Daahir ayaa la ogyahay in aad u yar tahay awoodiisa ciidan, Xasan ayaa ah nin  inta badan haystey ciidan Beelood kuwaas oo inta badan lugta furey, qaarkoodna lugta ka furey Somalia una baxey  Yaman ama Liibiya ka dib cabsi badan uga timid Alshabaab, qarkii kalena ku biirey AHLU SUNNA WAJAMEECA hab qabiil ah.

Xasan Daahir ayaa sheegta inow yahay nin gacan saar la leeyahay Alshbaab, kuwaas aan iyagu waligood sheegan, maalin hore ayay ahayd markii wadaadku ka eed sheegtey Alshabaabka balana uga baxeen, taas oo afhayeenka Alshabaabku yiri "Balanka ayaa la galay oo uga baxey".

Xasan waa nin la degan dadka qaxa ku degan Ceelasha biyaha, kuwaas oo meel ku gaar ku jooga dhulkaas aysan iyagu milki u lahayn, halkee wadaadku ku danbeyn doonaa?.