Search This Blog

Saturday, February 13, 2010

XIISAD KA TAAGAN MAGAALADA DHUUSAMAREEB IYO DADKA DEEGAANKA DHUUSAMAREEB OO KA SOO HORJEESTAY BANDAW SAARAN MAALINTII SADDEXAAD

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay Magaaladaas kadib markii Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ay ka soo horjeesteen Bandaw Maalintii Saddexaad saaran Magaaladaas oo ay saareen Maamulka ka Arrimiya Magaalada Dhuusamareeb ee Ahlusunna.



Waxgaradka Magaalada Dhuusamareb ayaa haatan Kulamo la leh Saraakiisha Ahlusunna ee Bandawga saaray Magaaladaas, Waxana sida la sheegay ay ka dalbadeen in ay Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ka qaadaan Xayiraadda ay duldhigeen Taasoo ay sheegeen in aan loo baahneyn Maadaama Magaalada uusan Dagaal ka jirin.

Xoogaga Ahlu Sunnah ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gudaha Magaalada Dhuusamareeb Iyagoo Dadka ugu cagajigleeyay Ciddii jebisa Bandawgaas in ay Xabsiga dhigi doonaan.