Search This Blog

Sunday, April 26, 2009

Wasarada cadaalada ee DF Somalia oo sheegtay inaaney aqbali doonin maxkamad beeleedyo islaami ah oo dib looga furo magalada Muqdisho


Wasiirka cadaalada iyo dastuurka ee xukuumada federaalka Somalia Sheekh C/raxmaan Maxuud Faarax Jinaqow ayaa sheegay inaaney aqbali doonin in degmooyinka magaalada Muqdisho dib looga furo maxkamado islaami ah oo hoos taga beelaha Soomaalida gaar ahaan kuwa dega magaalada.
“Xukuumada gaar ahaan wasaarada cadaalada waxay qorsheyenysaa iyadoo la kaashaneysa heyadda culimada Somaliyed iney guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ay ka furo maxkamado islaami ah oo ku dhisan qaab dowladeed iyo nidaam Islaami ah oo cadaalad kui dhisan, mana aqbali doonto haddi beelo hoos taga oo hadda ka dib la abuuro” ayuu yiri Jinaqow oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka cadaalada ee DF Somalia ayaa ku soo beegmay xili maalintii shalay ay xildhibaaani iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Saleebaan oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ay shaaciyeen iney xusul duub ugu jiraan dib u howlgelinta maxkamadii Islaamiga aheyd ee Shiirkole iyagoo uygu baaqay DF iney aritaasi gacan ku siiso, waxaana maxkamadaasi ay ka mid aheyd kuwii beelaha ee sanado ka hor ka jiray magaalada Muqdisho.