Search This Blog

Sunday, April 26, 2009

Salaad Cali Jeelle "Xasan Dahir waxaa leenahay ha joojiyo kicinta shacabka iyo aayadaha dagaalka ka hadlaya"


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaha ugu weyn ee Mucaaradka Islaamiyiinta Sheekh Xasan Dahir inuu joojiyo kicinta shacabka iyo waxa uu ugu yeeray aayadaha dagaalka ka hadlaya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in khudbadii Sheekh Xasan Dahir uu ka jeediyay fagaaraha Wardhiigley ay tahay mid lid ku ah jiritaanka Dowladda, isagoona dhan kale ugu baaqay wadaadka inuu Nabada ka shaqeeyo.
"Xasan Dahir waxaa leenahay ha joojiyo kicinta shacabka iyo aayadaha dagaalka ka hadlaya, ha qaato aayadaha nabada ka hadleysa"ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo mar ahaan jiray Wasiir Kuxigeenkii Gaashaandhiga ee Xukuumadihii Geeddi iyo Nuur Cadde.
Xildhibaanada Baarlamaanka qaar ayaa si taxadar leh uga hadlaya dib u soo laabashada Sheekh Xasan Dahir ee dalka Soomaaliya, iyadoona dad badan ay aaminsan yihiin in Xasan Dahir uu wax kula soo noqday dalka, maadaama uu hada yahay Mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeda Dowladda Sheekh Shariif.
Labo maalin kadib markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana qudbad uu jimcihii taageerayaashiisa u jeediyay ayaa wadaadka ku baaqay inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM, waxaana dagaalo lagu soo beegay hadalkiisa ay shalay gil gileen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Salaad Jeele ayaa ka dige dagaal qabiil in laga shaqeeyo ama dib loo abaabulo,waana arin maanta loo baahnayn dib loo celiyo ama loogu noqdowixii la soo marey.
Banaadir Post