Search This Blog

Sunday, April 26, 2009

LAX DHUKANI ABAAR MOOG

Walaalayaal Soomaaliyeed waa idin salaamay; ayaamahan war ayaa igu jiray aan ka meermeeraysanaayay runtiina aan garan la’aay saan u abbaro.Had iyo jeer waxaan jeclahay in qormooyinkayga ay noqdaan kuwo wax dhisa oo aysan noqon kuwa dad dhiba oo nafta dadka kallifa, ma jecli in ayNoqdaan kuwo ku salaysan qabiil maxaayeelay in soomaalinmo wax iigaHorreeya oona ig dambeeya in aysan jirin ayaa laygu soo barbaariyay waaNa Ilaah mahaddiis.

Ishii wax xun aragtooy waxna aan ka qaban iska dhac ayaa la yiri, sidoo kale dhegtii wax xun maqashooy iska dhac. Waxaan Akhristayaashayda qaali ah u sheegayaa in qormadaydani aanna duullaan cidna ku ahayn waliba waxaan ku han waynahay in Ummadda badanaa igu Ayidi doonto.

Haddaba waxaan ka xanaaqay oo aan u arkay dulmi la dulmiNayo Haweenka qurbajoogta ah oo laga fidinaayo had iyo jeer dacaayado raQiis ah misana wixii war inta soo dhaafay suugaan la gelinayo oo lagu heesaYo caydooda iyo in laga sheego wax aan bannaanayn.

Ummadda Ilaahay waa badan tahay dadka kulligiisna ma wada fiicna oo duudka lama wada saran karo laakin anigoo u hadlaaya Ilaahay dartiis waxaan idin ogeysiinaYaa in dumarka soomaaliyeed ay yihiin dajireyaal; ha joogaan gudaha iyoDibedda ha halyeeyayaal u maqan dalkooda iyo dadkooda.

Haddii aan ka hadlo kuwa gudaha Dalka jooga waxay u heellan yihiin in ay daryeelaan Ubadkii oo u raadiyaan quud maalmeedkii, waxay kallahaan subaxdii miWalbana waxaay soo hoyataa ayadoo soo dhicisay nolol maalmeedkii Qoyskeeda.

Waa la ogyahay raggii waxay noqdeen badankooda kuwa Mihnad lahayn oo xitaa haddii wax ay qaban lahayeen aan haysan wax uQalma ay qabtaan ama waaba ka xishoonayaan shaqooyinka qaarkood.

Raggii waxay ku hawlan yihiin dagaal waa kuwa uu dalkaka dagi waayay Oo qasbay kumanaan qoys in aay qaxooti door bidaan oo la soo cararayCaruurtii..

Maanta ayaan webkka ka dhegeysanaayay gabdho soomaaliyeed oo u tagay kuna barortay raggii isku sheegayay islamiyiinta oo dagaal isku hor fadhya oo ay baryaayaan ayagoo illinta ka dureerta, waxaan maqlaayay" Walaalayaaloow dagaalka naga daaya, walaalayaaloow ha na dilina, walayaaloow ha is dilina walaalayaaloow isu naha isu naxariista, nin doorka ha iska dilina!" iyo wax la mid ah.

Caloosha ayaa I gaddoontay asaan anigooGurigeyga jooga la ooyay.

Gabhaha waxay Ilaah ka soke magan san yihiin Ragga waxaana waajib ah in la dhawro la sharfo la dilin la qaxin waa weHel waa warshadda aadmiga waa naxariis Ilaahay ragga ugu deeqay; waxaaWaajib ku ah raggaasi dagaallamaaya oo is diiddan oo burburiyay dalkii Maalin kastana geedkoodi ku xiran waa in ay maqlaan gabdhaha walaalahood ah oo ku barooranaya korkoodana layku dilaayay sanooyin fara badan.

Gabadha maanta soomaaliya joogta waxay mudan tahay inLa maqlo laga qaato nabadda ay sidaan waa in loo oggolaadaa in ay guriGeeda nabad ku hesho, waa in ay ilmaheeda ugu adeegan karto nabad; waxaa dilay naxdin qalbiga waa madow yahay ee inta Ilaah laga cabsadoRagoow nabadda qaado.

Haddaan u soo daadago nuxurka maqaalkayga oo ah " LAX DHUKANI ABAAR MOOG", waxa ay ku saabsan tahay dacaayadda raqiiska ah oo Kuwo ( al xamdulillaah aan badnayn ) faafinayaan oo ku saabsan HaweenKa qurbajoogta ah.

Waxaana iiga sii daran nin hees ku baxshay iyo koo Ku heesayay. Wuxuu yiri " ILMAHAAD DHASHAY AABBAHOOD AHEE ASKAR HA IIGU WICIN.!, ma ku sii soconnayo intaas ayaabaDhegtii maqasho ay dhib ku qabtaa. Warka waa iska cad yahay waa gabarJoogta qurbaha oo ninkeedii ugu wacday askar.

Nin iyo haweentiisa waa Labo qof oo is qaba oo is doortay oggolaaday in ay nolol wadaagaan ayatiinNa wada dhistaan.

Waa dhacdaa in naag ay u yeerto askar markii la gaaroQaabo quuseeyni oo fandhaal iyo xeero kala dhacaan.

Waxaa la joogaa waddan sharci ka jira haddii askar la wacana ayadoo laga roon yahay askarta Waa sharci maadaama meeshaasi joogin ehel ama waalid ama odayaalLabada qof maslaxeeya.

Waxaan maalin kasto jaraa’idka dadis qaba oo naftaIs ka jaray, Runtii arrimahan heesta laga bixiyay waa wax aad ugu yar bulShadeenna waxaana ka xumahay in hesta ah askar ha iigu wicin ay noqotay Mid loo nisbeeyo guud ahaan haweenka qurbo joogta ah.

Waxaan hore idinkaga warramay kaalinka gabadha soomaaliyeed ee DalkaGudihiisa ku nool haddaba aan wax idinkaga sheego gabadha Soomaaliyeed Ee ku nool Yurub, Canada, America iyo Australia.

Waa muddo cagacageynayso labaatameeyo sano ku dhowaad markii dawladdii dhexe burburtay dalkiina uu noqday mid nolol iyo naxariis laga waayay oo dagaalSokeeye megan u noqday.

Arrinkaasi waxay kallifeen in kumanaan qoys ay Qaxooti ku yihiin dalalka aan soo sheegay.

Waxaa lagala kulmay dalakanNolol adag, cimilo adag iyo dadkii oo ay ku adkaatay in ay la qabsadaan.

Gabadha Soomaaliyeed oo caruur wadatay ama inta ku dhashay waxay u guntatay in ay nolol raadiso oo u shaqayso caruurteeda, subaxdii hore aroorTii toosto caruurta diyaariso skoolkii geyso, aaddo meeshii ay ka heli lahaydMasaariifta ilmaheeda, haddana galabnimadii skuulka ka keento dabbartoReerka, ku cadaadiso in ay ka shaqeeyaan hawshii loo soo diray ee skuulkaMisana wakhtiyada fasaxa geyso dugsiyada kuraanka laga barto.

QurbahaWaxaa la maqlay wax shab la yiraahdo ama ceyr siday qof walibo u yaqaan Waxaa loo haystaa in Dawladda loo marti yahay ay lacag kugu dhoobayso. Saas maaha! Dawladda hal sano ayeey ku masruufaysaa inta aad Dalka laQabsanayso Skuul ayeey lacag la’aan kuugu yaboohaysaa in aan luqadda Dalkasii ka barato kaddibna waa ska celi magaalada.

Waxaa xusid mudan dalkan aan joogto ragga wax mihnad ah oo ay hayaan ma jirto kii looyar ahaa, kii dhakhtar ahaa , injineer macallin waaxay ka badin waayeen in ayNoqdaan taxileey oo shahaado aan Canada laga qaadan waa qashin oo kale.

Haddaba nolosha qoyska waxaa badanaa ay ku dhisan tahay haweenka oo garab cara raggooda si ay ugu helaan nolol ilmahooda waxaase run ahaantii nolosha, barbaarinta iyo dhaqaalaynta qoyska kaalin mug ah ka qaadata hooyada. Marwada iyo saygeeda waa ul iyo diirkeed isku ujeeddo iyo isku mabda’a ah walibo aabbaha inta badan waa ka maqan yahay guriga sidaas ayeey hooyada uga digtoon tahay in wiilkeeda iyo gabadheeda ka ilaaliso dhaqanxumada jirta .

Gabadha Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah waa daljire run ah oo halgan ugu jirto in berrito haddii waddankii loo noqdo ay ula noqoto kaalin la og yahay maxaayeelay waxay ula noqonaysaa dhalin wax baratay oo dhinac walbo aqoon ka xaqab tiri karto Dalkii hooyo misana lagu soo barbaarshay ayaqoo joogo arli gaalo caqiidada Diinteenna Sharafta Badan, misana waxaa u dheer in ayna hilmaamin dadkeedii ku haraydalkii waalid iyo ehel waana marag ma doonto gabadha qurbojoogtada ahi in ay kaligeey rootiga ay cunin oo qayb ugu dirto dadkii joogay dalkii oo wax haysan.

Haddaba ninka baxshay ASKAR HA IIGU WICI, HA I BURININ !Waa dulmiloow ka been sheegay Haweenka. Waa Kan halganka nolosha aan Qaybtiisa ka qaadanayn, kaan shaqaysanay , kan jaad toban beri jid ku soo jiray boqol oollar in uu soo gato rabo oo u dagaallamaamayo waaye Kan askariga loo wacayo oo leh " ASKAR HA IIGU WICIN".

Nin wanaagSan oo Ilaahay kuu calfay oo baarri ah oo danta kula sidee askari loogu wici wuxuu mudan yahay duco iyo ammaan.

Dalkii dhib ayaa ka jira ,Xaaladda meel xun ayeey maraysaa ma garayo in uu is waydiiyo maxaad Qabataa maxaa tartaa, dib u noqo ee dalkii walbo wax ka tar waaba " LAXDHUKAN ABAAR MOOG" cindigiisa ma dhaafsiisna afartaas erey.

Mar labaad cid ay toos u khusayso ma leh qormadan waa qaddiyad guud oo naga wada dhaxayso Ummaddana ugu sheegayo xaqiiqada SuugaanleydanaUgu digayo in ereyo xun oo dhega dhibaayo soo bandhigin.

WA BILLAAHI TOW

Waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde( Qoorwayne)..

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com