Search This Blog

Tuesday, March 24, 2009

Al-Shabaab oo sheegtay in falalkii Xisbul Islaam ay ku jajabiyeen qabriga Sheekh Usweysul Qaadiriya ay tahay mid ay ku soo xadgudubtay gobollo ay iyad

Waxaa xiisad aad u kacsan ay ka dhalatay fal maalinimadii shalay ururka Xisbul Islaam kula kacay qabriga hoggaamiyihii dariiqada suufiyada sheekh Uweysul Al-Qaadiri ee Soomaaliya, waxaana arrintaasi xalay warbaahinta uga hadlay Sarkaal u hadlay ururka Al-Shabaab oo falkaasi ku tilmaamay mid xadgudub ku ah iyaga.

Afhayeenka u hadlay ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Xasan ayaa sheegay in ururka Xisbul Islaam uu ku soo xadgudbay degaanada uu ka taliyo ee ku yaala gobolka Bakool degaanka Biyooley, wuxuuna sheegay arrintaasi sheegay inuu kala kulmayo madaxda sare ee Xisbul Islaam inay ka bixiyaan war ay qanci karaan tacadiyada ay u geysteen culumadii ku sugneyd degaanka Biyooley oo ciidamada Xisbul Islaam ay u geysteen falal kala duwan.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in ururka Xisbul Islaam falalkaasi wixii cawaaqib ah ee ka yimaada mas’uuliyadeeda uu iska leeyahay, waxaana Guddoomiyaha Al-Shabaab uga wakiilka gobolada Bay iyo Bakool uu sheegay inaan marnaba loo baahneyn wax iska hor keeni kara bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan gobolka bacdamaa ay haatan heystaan xaalado kala duwan oo dhibaatooyin ah.

Waa markii ugu horeysay oo ururka Al-Shabaab ka hor yimaado in degaanada ay maamulaan laga sameeyo howlgal ay iyaguba markii hore taageerayeen kuna saabsan burburinta qabuuraha Mashaa’iqda, hase yeeshee Al-Shabaabka uu hoggaamiyo Sheekh Muqtaar ayaa maalmahan u muuqda kuwo ka bedelan dhaqamadii hore looga bartay ee xag-jirnimada fogaatay ahayd.
Mohamed Bupal
e,s,p.
bristol.