Search This Blog

Tuesday, March 24, 2009

Wasiirka Dalxiiska DFS oo gaari looga dhacay Degmada Shangaani

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa saaka aroorti gaari ka dagsaday Wasiirka Dalxiiska DFS max’ed Xuseen “Gariig “ xili uu marayey gudaha Degmada Shangaani ee Magaalada Mudisho.

Kooxaha gaariga ka dhacay Wasiirka ayaa ula cararay dhanka S/Bakaaraha , waxaana uu gaarigu ahaa nuuca loo yaqaan Land Cruiser.

Wasiirka oo xiligii gaariga lagala dagayey aanay la socon wax ilaalo ah ayaa waxaa goobta looga dhacay ka dhawaa ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga qeybta DFS taagera, kuwaas oo aan wax gacan siin, hada dadka qaar ayaa leh raali ayay ka ahayeen in la dhaco Wasiirka, waxaa maalamahaan ku soo badanayey dhaca Gawaarida rayidka iyo kuwa Mas;uuliyiinta Dawlada, afduubka dadka laga rabo lacago madax furashon laga rabo, kufsi, boob, kuwaas oo moqdisho aan ka dhicin Laba Sano oo ciidamo ka howl gali jreen Moqdish....

Koshin Yare
Moqdisho