Search This Blog

Wednesday, October 1, 2008

101,716.05$ Oo Uu Lunsaday Darbo Weyne Yaa Loo Raacanayaa .


Xubno 10 ka kooban oo gudiga fulinta ka tirsanaa ayaa shir ay ku qabteen 22 feb 2007 waxey ku cadeeyeen in lacagtii ugu horeysay ee FIFA ay ugu tala gshay xiriirka k/cagta markii lagu soo doortay Baydhabo uu lunsaday dhamaan lacagtaasi Muxuyadiin Hasan Ali Darba wreyne.


Bayaanka xiligaasi la qabtay waxaa lagu sheegay in Guddoomiyihii xiligaasi ee xiriirka k/cagta Muxiyadiin Xasan Cali xilkii laga qaaday markii uu Is hortaagay ku dhaqanka Dastuurka xiriirka sidoo kale waxaa lagu sheegay inuu Ku tagri falay isla markaana uu lunsaday hadtida xiriirka k/cagta.

Guddiga fulinta xiriirku waxey cadeyeen in Guddoomiyahoodii uu Lunsaday kuna tagri falay hantida xiriirka ay taasoo ay ugu deeqday FIFA ,wuxuuna kula baxay lacagahaasi document qiyaano ah .
gudiga fulinta oo markaa isku dayay iney arintaan si sharci ah ku xaliyaana ayaa gudoomiyahoodii wuxuu ku adkeystay iney lacagtaani tahay tii doorashada kaga baxaday isla markaana uu soo ceshanayo uuna xaq u leeyahay.
Lacagta uu muxuyadiin Darbo weyn uu qaatay ee uu lunsaday waxeey gaareysay $101,716.05 Dollar (boqol iyo kow kun todobo boqol toban iyo lix kun iyo shan senti oo dollar) waxaana lacagta uu jeebka ku shubtay Darbo weyne ay aheyd mushaarkaadka shaqaalaha garoomada Banaadir iyo muqdishu , shirkada isgaarsiinta Telecom Somalia iyo horumarinta kooxaha iyo maamulka xiriirka.
Shaqaalaha Garoomada Muqdishu iyo Banaadir ayaa 3 sano oo Mushaar ah ku lahaa lacagtaasi markii ay si tabarucaad ah u soo shaqeeyeen,waxeyna mushaarkooda uu ahaa $ 51,840.00 laakiin waxaa afka marsaday Darbo weyne.
Shirkada isgaarsiin ee Telecom Somalia oo telefonadeeda ay xiriirku isticmaalayeen ayaa waxeey lacagtaasi ku laheyd 3 sano oo bil ah waxeyna laheyd $ 12,076.05 laakiin waxaa gacanta ku qaatay darbo weyne. qeybta 3-aad ee lacagahaasi ee soo hartay ayaa waxaa looga talagalay Horumarinta kooxaha, iyo shaqaalaha xiriirka waxeyna xaqooda uu ahaa $ 37,800.00 marka la isku darana dhamaan lacagahaasi ay FIFA u soo dhiibtay Xiriirka K/cagta waxey aheyd Total ahaan $101,716.05markii ay sidaasi dhacaday ayaa gudiga fulinta iyo kooxihiisa waxeey xilka ka xayuubiyeen gudoomiyahoodii Muxiyadiin Hasan Ali Darba weyne isla markaan documnets xilka looga qaaday FIFA u diray sidaana ay ku aqbashay in Said Mugaanbe ay gudoomiye u aqoonsato halka ay wax kama jiraan ka soo qaaday Darba weyne.
hadaba yaa loo raacanayaa $101,716.05 oo ku maqan Muxuyadiin Darba weyne taasoo la sheegay inuu boosas iyo kooxo uu ku gatay ,goorma ayaase dhici doontaa in hantidaasi laga soo celiyo.
la yaab ma laha in Darba weyne lacagtii looga talagalay horamarinta k/cagta somalia uu jeebka ku shubto isla markaana lagula xisaabtami waayo faraha zendiko oo xiligii ugu dheeraa soo maamulayay sports somalia ayaa sumcadisii ku waayay markii lacagihii sports somalia loogu talagaya uu qasnadiisa ku shubtay isagoo hotelo waaweyn ku gatay markii danbna saaxada sports caalamka ka saartay.
kuwa haatan hogaanka u haya maamulada Gos iyo k/cagta ayaa sidaasi iyo si ka sii daran jeebka ugu shubta lacagaha loo soo dhiibo horamarinta sports somalia iyagoo is leh kuwii idin kaga horeeyay maamulkaan cidna kulama xisaabtamin hantidii ay lunsadeen ee adinka caloosha ku shubta lacagahaan.
Gudoomiye Said Mugaanbe iyo kooxdiisa ayaa haatan waxaa gacata ay si fiican ugu dhigeen qeybtii 1-aad ee lacagta FIFA markii ay sheegeyn in ay dhisayaan garoonka Duqobay ee Banadir Stadium kaasoo 400.000 $ lagu siiyay laakiin ilaa iyo hada wax ka soo naasa cadaaday ma jiraan.
waxaa jira oo kale in garoonka la isku heysto dhismahiisa markii qeybta danbe uu nin sheegatay inuu leeyahay markii uu Documents la yimid u cadeynaya milkiyada dhulkaasi sidaan uu hakada ku galay dhismihii garoonkaasi iyadoo lacagtaasi ay jeebka Mugaabe iyo xoghayihiisa ay ku jirto.
Sir Sunni Said Salah
Senior Somali Sports Journalist