Search This Blog

Wednesday, October 1, 2008

Ismaaciil Cumar Geele “ Qof masajid kasoo baxybaa madaxa rasaas lagala dhacayaa, Ilaahbaan idinku dhaarshaye diintee weeye taasi?”


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si weyn usoo hadal qaaday arrinta dalka Soomaaliya intii ay socotay khudbad dheer uu ka jeediyay munaasabadii salaada ciidul fidriga.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si weyn usoo hadal qaaday arrinta dalka Soomaaliya intii ay socotay khudbad dheer uu ka jeediyay munaasabadii salaada ciidul fidriga.Madaxweyne Geele waxaa uu dhaliil u jeediyay kooxaha rabshadaha ka wada dalka Soomaaliya ee magaca diinta ku qaraabta,waxaana uu ku baaqay in guud ahaan shacbaka Soomaaliyeed ay taageeraan hanaanka nabadda ee haatan soconaya.
“ Qof Masajid kasoo baxybaa madaxa rasaas lagala dhacayaa, Ilaahbaan idinku dhaarshaye diintee weeye taasi?”ayuu yidhi madaxweynaha dalka Jabuuti Geele oo sheegay in rajo weyn laga qabo wada hadalada nabada ee haatan dalkka Jabuuti ka soconaya.
Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in diinta islaamku aanay ogleyn in la laayo dadka aan waxba galabsan iyadoo ay wax lalasii yaabo tahay in magaca diinta iyadoo la sheeganayo sidaa la sameeyo.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay dowladda Eritra o uu ku eedeeyay in ay isku dayday in badan in ay car qaladeyso hanaanka nabadda ee ka soconaya Jabuuti,waxaana uu beesha caalamka ka codsaday in ay Eritrea culeys ku saarto in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya isla markaana ay joojiso falalka ay wax ugu dhibeyso xasiloonida gobalka geeska Afrika.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com