Search This Blog

Friday, October 3, 2008

Shiikh Daahir Aweys oo ku baaqay in dib loo eego go’aankii lagu xiray Garoonka Diyaaradaha , ma runbaa iney istaageen lacagihii baada ahaa ..


Jimco, October 03, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara ayaa wuxuu ka hadlay xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.


Shiikh Xasan ayaa sheegay in xirnaashaha garoonka uu saameyn ku yeeshay shacab badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, “waxaan ku baaqeynaa in dib loo eego go’aankii lagu xiray garoonka Diyaaradaha Muqdisho bacdamaa ay faa’iido badan ku qabeen Shacab badan oo Soomaaliyeed”ayuuna yiri Shiikh Xasan Daahir.


Go’aankii lagu xiray garoonka wuxuu ahaa mid ahaa aan la isku waafaqsaneyn, waxaana gaaray dad gaar ah oo aan wax wada tashi ah ka sameynin”ayuu hadalkiisa ku soo daray Shiikh Daahir Aweys.


Been ma ahan garoonka waxaa ku daneysta ciidamada cadawga iyo qolyaha keensaday, laakin waxaa ka badan danta ay shacabka ku qabaan”


ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ku cel celiyay in ay ku talinayaan in go’aanka lagu xiray garoonka dib loo eego”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.


Horay waxaa baaqyo midkan la mid ah u jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo aan ka xusi karno Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Shiikh Cumar Iimaan Abuu Bakar, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow, waxayna dhamaantood ku baaqeen in garoonka dib loo furo.


16-kii bishii hore ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu soo saaray Bayaan uu ku sheegayo in uu ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo Bayaankaasna Shirkadaha Diyaaradaha rayidka ah loogu sheegay in aysan garoonka ka soo degin. Laakin ilaa iyo haatan waxaa xayiran duulimaadyadii rayidka ahaa, waxaana garoonka yimaado diyaarado u socda Ciidamada Amisom iyo kuwo ay ku duulaan madaxda Dowladda Federaalka.


Ugu dambeyntiina, tan iyo markii uu dhaqangalay bayaanka uu dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa dad badan oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan waxay danta ku kaliftay in ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Gaalkacyo, kadibna ay halkaas diyaarad ka raacaan, halka kuwo kalena ay dhinaca dhulka ka galaan Dalka Kenya, si ay meelo kale uga sii aadaan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis).

Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu,

Somalia