Search This Blog

Monday, September 29, 2008

Sheekh Xassan Turki ´´ Sheikh Shariif iyo Xasan Daahir ku tilmaamay kuwa ka ridoobay Diinta isagoona sheegay in ay ka baxeen mar hore Midoowgii Maxkam

Sheekh Xasan Cabdalla Xersi (Tukri) oo ah taliyaha Mujaahidiinta la baxay Raaskambooni, kana mid ahaa saraakiisha sare sare ee golihii midowga maxaakiimta ayaa khudbad muxaadaro aheyd oo uu u jeedinayey qaar ka tirsan qurba joogta Soomaaliyeed ee taageersan halganka dib u xorreynta dalka ayaa khudbadiisa wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalada lagula jira ciidamada gumeysiga, kala qeybsanaanta soo wajahday madaxda Isbaheysiga dib u xorreynta & sida uu arko mowqif ahaa qolooyinka Jabuuti & Asmara ku kala sugan qolada xaqa ku dhow.
Sheekh Xassan Turki ayaaayaa Sheikh Shariif iyo Xasan Daahir ku tilmaamay kuwa ka ridoobay Diinta isagoona sheegay in ay ka baxeen mar hore Midoowgii Maxkamadaha




Sheikh Xasan Turki oo ahaa ragii ugu horeyey ee aasasay xoogaga Mujaahidiinta ayaa xiligaan u muuqda hogaamiyaha kaliya ee hogaamiyo dhamaan hogaamiyaasha Mujaahidiinta

Sheikh Xasan Turki oo qadka taleefanka ku bixinaayey muxaadaro ayaa ku guubaabiyey ragoow la hadlaayey uu ku guubaayey in dagaalka la sii wado


Muxaadarada kadib oo la weydiiyey dhowr Suaal ayuu ku sheegay in golahii maxaakimta ay isaga baxeen mar hore oo ay la baxeen walaalaha Mujaahidiinta isagoona sheegay in uusan ka mid ahen golahii maxaakiimta ,hadalkaan shekh Xasan Turki ayaa burinaayo Shir jaraaid uu qabay uuna ku sheegay in wali ay ka tirsanyihiin golahii maxaakiimta waana laba hadal oo sida muqata iska hor imanaayo.

Mar walweydiiyey labada qole ee Isbaheysiga Dib u xureynta ayuu ku sheegay labadaasi bil kuliya ay yihiin kuwa ridoobay oo diinta ka baxay ilaa ay ka tooba keenaana aysan waxba ku darsaneynin.

Mar wax wax laga weydiiyey Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayuu si toos ah ugu tilmaamay in uu gaal yahay uu diinta ka baxay madaama uu gaala raac noqday

Qolooyinka Isbaheysiga dhib xoogan bay nagu soow adaan oo lacaga doolar ah baa loo soo dhiibay si ay qabiilada hub ugu iibiyaan si noogula dagaalamo taa oo horey uga dhacday ayuu yiri Sheikh Xasan Turki Ciraaq iyo Afganistaan

Mar la weydiiyey hadal ka soo yeeray Indhacade ee ahaa in ay hubka soo wareejiyaan ayuu ku jawaabay in iyaga hub ay siiyeen xoogaga ka dagalamaayo Muqdisho ciidama
badana u soo tababaraan marka waxan leenahay ha ka tooba keeno warkaasi indhacade



Banaadir Post
Xamar Cade.