Search This Blog

Monday, September 29, 2008

Muxuu yahay xiriirka u dhexeeya Cabdiqaasin iyo Nuur Cadde?


Somalia - waxaa in mudo ah ka soo yeerayey goloha baarlamaanka wax qabad xumada dawlada Cadde taasoo dad badan qabeen in marka hore la siiyo jaanis, hadaba waxaa jiray siro qarsoon oo ka dhaxeeyey Nuur Cadde iyo rag badan oo isugu jiray aqoonyahano iyo diasbro kaasoo looga arinsanjiray marar badan sidii dawladan loo wiiqi lahaa ragaas oo ay ka kala tirsanaa midowgii maxkamadaha iyo alshabaab iyo odey beeleedyo.


Waxaana ragaas ugu cadcadaa Cabdi qaasin oo si xirfadeysan ula talin jiray Nuur Cadde. Waxaa u socday qorshe dahsoon oo ah in cabdulaahi yusuf meesha laga saaro iyadoo loo adeegsanayo qaab walba.


Iyagoo ku balamay in muqaawamadu dhinaceeda ka dagaalanto qolyaha shirka wadana ay dhinacooda ka shaqeystan.


Dib u heshiisiintu waxaa ay aheyd mid uu si aad ah uga shaqqeynayey walid cabdale balse nuur cade uu afka oo kaliya ka dhuhi jirey anaga qofwalba waan la heshiisiineynaa. Oo wax qabad laheyn macnaheeduna ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban.
Waxaa soo degdegay burburkii maxkamadaha taasoo ka careysiisey ragbadan oo uu ugu horeyey Cabdi qaasin iyo rag kale oo badan.


Waxaa tan iyo intii ay burbureen laga shirayey sidii dawladana loogu kala qaybinlahaa laba dhinac.


Maadaama ururkii Maxkamadaha qabiilada midoobey ay noqdeen laba garab.
Shirar farabadan ka dib iyo tale confrence farabadan ayaa waxaa lagu heshiiyey in uu Nuur Cadde cayriyo dhowr nin oo lafdhabar u ah dawlada, si taasi looga dhaxlo in uu halkaas ka bilowdo khilaaf xoogan.


Kaasi oo dib u dhigi kara waa sida ay iska dhaadhiciyeene go aanka qaramada midoobey ay somaliya ciidamo ugu soo direyso, iyo in heshiiskii jabuuti burburo si labadii garab dib loogu mideeyo oo ay halkoodi ka si amba qaadaan mabaadiidoodi.

Banaadir Post

Koshin Yare