Search This Blog

Monday, September 29, 2008

Maxay tahay danaha Nuur Cade kaleeyahay Fashilinta heshiiskii Jabuuti?

Hadanu Faaleeyno amaba falanqeeyno khilaafkii Dastuuriga ee u dhaxeeyay Madaxda sare ee Dawlada hadase lasheegay ineey ka heshiyeen iyo halka uu salka ku hayo.

waxaanu lawada soconaa amba kadharagsanayahay in iscasilidii Ra'iisul wasaarihii hore ee Dowlada Fadaraalka Geedi ay banaantay kursiga u hada kufadhiyo Nuur Cadde,taasina ay keentay in tartan ay ugalaan rag badan oo doonayey in ay qabtaan jagadaas.

Raga la saadaalinayey ayaa waxaa ka mid ahaa Gacmadheere oo ay u arkeen dad badan oo siyaasada indha indheeya in aan cidina uga habooneeyn jagadaasi. Waxaa feer socday xusul duub weeyn oo ay wadeen beesha Ra'iisul wasaarihii hore, kuwaaso la yimid Nuur Cade si uu ubuuxiyo jagadaasi.

Cabdulaahi waxaa uu jeclaa in jagadaas uu qabto Gacmadheere. Laakiin cadaadis ay saareen Maxamed Dheere, Cali mahdi iyo odayaal ka soo jeeda beeshii Cali Geedi oo u kamid yahay Imaamka Beesha ayaa kaliftay in Cabdulahi talada udaayo,Maadaama ay beeshu si hagar laaan ah u taageertay dawlada ayaa waxaa uu cabdulaahi ku khasbanaadey in uu liqo oo uu magacaabo nin uusan aqoon u laheyn siyaasadiisa iyo dhinac u ujanjeero.

Markii la magacaabey Nuur Cade ayuu waxaa uu bilaabey markiiba in uusan la tashan madaxda kale ee dawlada. Waxaa uu iskiis u soo magacaabey rag lagula taliyay in uu magacaabo si ay garab iyo talo u siiyaan isaga, Waxaana ka mid ah abdisalaan hornafriik iyo wasiirka arimaha gudaha, Waxaa durbadiiba lagula taliyay in uu qaado tilaabooyin ka careysiiya Cabdulaahi isgoo sameeyey waxyaalo farabadan oo cabdulaahi ka xanaajiyay, Sababtoo ah waxaa laga dhaadhiciyey in Cabdulaahi xiligaan khilaaf dhexdiina ah usan diyaar u aheeyn,maadama isaga iyo geedi isqabteen geedina isga taagay meesha khasab beey ku tahay in u kaa lex leexdo hadii kalena waxaa aduunku u arkayaa in uu odeygu khaldanyahay.


lasoco Qeeybta 2

Cabdulaahi waxaa uu ku dadaaley aamusnaanta, Nuurna waxaa uu arkey odeygii oo aan hadleyn markaasuu yiri waxaa la sheegayey waa run sharcigana adiigaa ugu sareeya oo kaba weeyn.

Waxaa uu hilmaamey halganka ragga qaarkii u soo galeen kursiga uu ku fadhiyo,Isagoo shaley la keeney ayuu kuwii naftooda u huray iskaga dhaweeyey.

Madaama odeygii laga waayey hadal ayaa waxaa la dhisay qorshe kale oo cad macnaheeduna ahaa in dawlada baalasha laga rifo si muqaawamada ay jaanis u hesho,Waxaa lagula taliyey in Ra'iisul wasaaruhu meesha kasaaro oo uu ceyriyo raga garbaha u ah dawlada sida maxamed dheere,cabdi qeybdiid,darwiish.

Waxaa sidoo kale lagula taliyey in uu reerka iska horkeeno si halkaas janis looga helo, taasna waxaa u daliil ah mareeyihii dekeda ayuu xilkii ka qaadey,Maxamed dheere ayuu xilkii ka qaadey labaduba waa isku jifo,taas waxaa sii dheer oo dadka ka yaabisay markii la arkey nin loo magacaabey sii haye oo loo mudaharaadayo oo la leeyahay waan taagersanahay, taasoo uu ka danbeeyey Nuur Cadde si reerka la iskugu diro loona abuuro jawi colaadeed.

Taas waxaa uu ku sii darsadey isga oo inkiraya baarlamaankii ansixiyaay inuu jagadaas qabto si aqlabiyad lehna u ogolaaday,oo u iska diiday inuu horyimaado lalana xisaabtamo.
Waxaa taa kadaran isaga oo aruursadey lacgtii dawlada oo dhan ilaa iyo hadana aan la ogeyn halka ay martey. Taasso uu ka faaideystay aamusnaanta cabdullahi uu farah kalabtay ogaansha dakhliga doowlada asogoo diidanaa in loo arko faragalin.

markii danbena Waxuuba lataliye kadhigtay axmed cabdisalaan oo had iyo jeer taleefoon kula hadlaya aabihii cabdi qaasin iyo adeerkiis xasan aweys.

Waxaa marmarsiyo laga dhigtay waxaan gobolada u sameyneynaa maamulo,Waxaa ay ka bilaabeen magaalada beledweyne iyagoo casiley dabageed waxaana taas ka danbeeyey wasiirka arimaha gudaha iyo axmed cabdisaal.
Taasi waxaa ay keentay in magaaladii nabada aheyd ay gacanta u gasho muqaawamo. Oo laga dhamaan waayo taasoo keentay in dadkii shacabka ahaa lagu duldiriro. Aakhirkiina waxuu uu u soo dhacey maxamed dheere isaga oo damacsanaa in xamarna uu ka dhigo sida baledweyne.

Odeygiii baa hurdadii ka kacey markii loogu yimid xamar, kolkaasu Nuur Cadde bilaabey qar iska xoor, taasoo kuu cadeyneysaa markii ay iscasileen 3 meelood labo in maalintii ku xigtey uu magacaabo wasiiro isagoo aan la hadlin kuwii iscasiley latashina kala sameeyn Madaxweynihii soo magacaabay, taasi waxaa ay ku tusineysaa sida Nur loogu hayo remoodka.
Hadii aan dib ugu noqdo Cailaadii uu la damacsanaa Maxamed dheere iyadoo aan loo geyn wax warqad shaqo ka joojin ah ayaa waxaa laga sheegey radiyaha hornafriik maalmo ka hor, taasi oo ku tusineysa in odeyga nuur cade ah qar iska xoor nimo u wado.

Mar uu la hadley idaacadana waxaa uu ka sheegey in sababta la isku casiley ay tahey in la carqaladeeyo shirka. Waxaaba uu hilmaamey waxa dirirey in ay ahaayeen muqaawamo iyo raga dawlada geeyey xamar oo isagu suubis ku yahaey, kiwii dirar sanaa ee larabay in la heshisiiyo u asagu hortaagan yahay.
Hadaba nuur waxaa uu sii fogeeyey nabadii iyo dib uheshisiintii lasugayay mudaad dheer, isagoo u adeegaya Wadamo shisheeye oo somliya dano kaleh kuwaaso qaarkood kadhigtay Somalia difaaca buluu nile si aysan Ethoipia u faragalin wabigaas.

Hadaan yara ifiyo markeey labada oday isugu tageen Ethiopia oo lagu howlanaa dhex dhaxaadin tooda ayaa..... hayaay......waxaa markaliya soo baxay oo mudh soo yiri gacantii qarsooneeyd ee dhabarka Nuur Cadde taagneeyd waakuma gacantaasi waa kuwii madalayaasha ahaa ee 18-ka-sano sidii macawistii nagu marnaa, waa Masar iyo Talyaaniga, safaradihii ay ku lahaayen Ethiopia ayaa markilya bilaabay dhaq dhaqaaq siyasadeed iyo fir fircooni aan horey loogu aqoon, waxeeyna kulamo iyo talefoonba ku badayeen Nuur Cadde, halka u Cabdulaahi iska diiday la kulankooda.

Waxaay cagta ku badayeen Nuur Cadde aygoo ka dadaalaya in aysan isfahmin labada Oday,hayeeshe wakhtiga iyo duruufaha ayaa nur usaamixi wayaay fulinta codsiga Dowladahaas, waxuuna maanka ku hayaay oo had iyo goor idaacadah kasoo yeerayaay mindiyo afeeysadka kasoo yeeraya Baarlamaankii u ka meer meeray, oo raba in ay gees biciid kuleeylka ku gooyaan.
gaba gabadii waxaa tuusaale inoogu filin Maxamed Dheere markuu lahaa waxaa shidada ku lug leh oo sii shidaya Dad ajaanib ah, marabana inaan hada sheeg sheego,balse hadeeysan nadeeyniin waan sheegaya waxeey igu yirahdeen, taaso u oola jeeday codsi ay usoo gudbiyeen kol hore aygoo faray inuu fududeeyo cinqilaab lamaleegay qaatana lacag farabadan, hasa yeeshe maxmed Dheere wuu iska diiday taladaas.

Lasoco Qeeybta 3