Search This Blog

Sunday, August 17, 2008

Xubin ka mid ahaa Isbaheysigii Ladagaalanka Argagixisada oo lugu dilay Magaalada Muqdisho.


Ciise Cismaan Ciise oo ka mid ahaa Xubnihii asaasaay Urur kulmiyey Hogaamiyaashii dagaalka ee Magaalada Muqdisho ,ururkaasi oo la dhihi jirey La dagaalanka Argagixisada ayaa lasheegay in lugu dilay Magaalada Muqdisho.
Niman hubeysan ayaa toogtay Sarkaalkaasi ,waxaa lasheegay in lugu dilay deegaanka Siinaay ee Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna sidoo kale sheegayaan wararku in uu baxsaday ninkii falkaasi geystay.
Ciise Cismaan Ciise waxaa la geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladiisii ,waxa ayna dad ku dhow dhow sheegeen in uusan Marxuumka sannadihii ugu dambeeyey faraha kala baxay howlaha Siyaasada ee dalka Soomaaliya.
lama garanayo cid ilaa hada geystay dilkaasi ,mana jiraan cid sheegatay ,waxaana ay sheegtay Haweeney lasheegay in uu qabey in ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada dawladda Soomaaliya qeybtooda baaritaanada dilalka noocaan oo kale ah qaabilsan.
Dilka Sarkaalkan ayaa walaac ku beeray dad badan oo ka mid ahaa Ururkii Ladagaalanka Argagixisada ,waxa ayna Saraakiisha amaanka ee dawladda Soomalaiya xaqiijiyeen in ay soo qaban doonaan Kooxihii falkaasi ka dambeeye..........
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com