Search This Blog

Sunday, August 17, 2008

Beesha Majeerteen Harti ayaa gashatay shaati diineed si aay u hantaan markale degmada kismayo ee gobolka J/hoose.

Indhowaalaba waxaa socday abaabul aay wadaan guud ahaan beesha majeerteen Harti, si aay dib ugu hantaan gacan ku ahaynta magaalada kismayo ee gobolka J/hoose, oo lagala wareegay april, 2007 iyagoo xiligaas huwanaa shaar dowladeed.
Beelaha isku haya magaalada kismayo ayaa ah beelo aan u dhalan magaalada iyo gobolka intaba, balse waxaa midba midka kale ku eedeeyaa inuu isagu yahay deegaanka beesha kalena aay tahay mid duulaan ku timi, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog in badana aan ooga hadalnay webka anagoo soo xiganayna taariikh rasmi ah iyo sida aay ku yimaadeen beelahan ku hardamaya deegaan aaysan u dhalan ab iyo isirna aaysan u sheegan karin.
Magaalada Kismayo waxaa in muda ah ku amar taagleynaye laba hogaamiye kooxeed oo kasoo kala jeeda labaan beelood, waa Morgan shaarba weyne iyo Aw bari hiiraale oo xiradii miletariga qasri weyn ka dhistay waliba dhabihii lagu gaardin jiray.
Labadaan hogaamiye kooxeed ayaa loo heystaa denbiyo dagaal oo aay ka galeen beelaha deegaanka u dashe laga bilaabo 1991 ilaa 2007 waqtigaasoo aay geeysteen xasuuq ba,an oo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo kuwa kaloo badan.
Shaqsiyaadkii danbiyadaas ka galay shacabka gobolada Jubooyinka, ayaa haatan doonaya ama damac kaleh ineey wali sii fuliyaan kuwa kaloo cusub, iyagoo kala huwan mid beeleed, mid dowladeed iyo mid diineed intuba, balse waxey iloobeen in shacabka gobolka asal ahaan kasoo jeeda aay ahaayeen kuwii diinta laga soo gaaray guud ahaan koonfurta soomaaliya aayna diin u tilmaami karin cid kasoo jeeda gobolada dhexe iyo dhabihii jahliga.
Isku soo duuboo maxaa kala haysta beelaha Puntland iyo Gedo sideeyna ku kala bixi doonaan, iyadoo beelaha deegaankuna aay ka yihiin daawadayaal fadhiya garoonka.
Waxaa intaa dheer oo layaab noqotay in beelaha Majeerteen oo dagaal kula jiray kuwa gobolada Dhexe ee uu hogaamiye Mudane Aweys ineey haatan kala boobaan cimaamadii, iyagoo u arka ineey cimaamadu tahay dhabaha kaliya oo aay u mari karaan hanashada magaalada Kismayo iyo guud ahaan gobolka, taasoo loo aaneen karo in aay arkeen ineey jiraan rag fara badan oo diin lagu qalday kuwaasoo u badan Absame, Gaaljecel, Shiiqaal, iyo qaar ka mid kuwa kasoo jeedo gobolo kale balse looga ifiyey in jiihaadku yaalo Jubooyinka.
Waxaa laga yaabaa saacada soo socda in kooxda hiiraale aay dabada jeedin doonaan iyadoo la filayo beelaha majeerteen oo shaarka diineed huwana aay la wareegi doonaan magaalada kismayo kadibna laga war dhowri doono ineey cimaamada sii wadan doonaan iyo inkale.
Lasoco wararkeena danbe iyo wixii kasoo kordho gobolada jubooyinka.
Jamaame, Kismayo Xafiiska Warqabadka ahmed93@hotmail.com