Search This Blog

Sunday, August 17, 2008

Sheekh ABBA ayaa geeriyooday kuma geeriyooday Sanca dalka Yemen


ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Sanca ee dalka Yemen ku geeriyooday maanta Sheekh Max’ed Sheekh Axmed Sheekh ABBA oo ka mid ahaa culumaa’udiinka Soomaliyeed ee caanka ah sida ay xaqiijiyeen xubno ka tursan eheladiisa oo ku sugan degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Abba oo ahaa nin ay si weyn u garanayaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca, waxaana guriga Sheekh oo ku yaala degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho soo buuxiyey dad aad u fara badan oo ka mid ah ehelafiisa iyo dad kale oo doonaya iney u tacsiyadeeyaan, waxaana wararku ay sheegayaan in geerida marxuumka ay ka dambeysay ka dib markii mudooyinka uu soo wajaheen xanuuno kala duwan.


Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa hawada u marinaya ehelada marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed tacsi, iyagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid Sheekh Abba.Inaa lilaahi lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun

Banaadir Post

banaadirpost@gmail.com