Search This Blog

Wednesday, January 27, 2010

Ururka Xarakada Alshabaab oo Maanta shaaca ka qaaday inay Qabteen Hub Dowlada KMG Soomaaliya u dirtay Degmada Ceeldheer.


Afhayeenka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh.Cali dheere) ayaa Maanta saxafiyiinta u sheegay inay ciidamadoodu qabteen hub saarnaa Dooman oo ay Dowlada KMG Soomaaliya u dirtay Gobolada Dhexe gaar ahaan Degamda Ceel dheer.



Waxaa uu intaasi ku daray Sheekh Cali Dheere in qorshaha hubkaasi lagu soo saaray Doomanka ay soo abaabushay Dowlada KMG Soomaaliya islamarkaana loo soo dhiibay calooshood u shaqeystayaal kuwaasoo sida uu sheegay la dilay.


"Mujaahidiinta waxaa u suurtagashay inay laayaan calooshood u shaqeystayaashii loo soo dhiibay hubkaasi,waana la soconaa waxay u wadeen degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduu" ayuu yiri Sheekh Cali dheere

Degmada ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira Maamul taageersan Urur Diimeedka Ahlu suna oo gacan saar la leh ahlus una Wal jameecah.


Dhanka kale ma jiro dhanka Dowlada wax mas'uul ah oo aritaani ka jawaabay,oo ama beeninaya ama qiranaya arka shabaabka ka soo baxay inkastoo saacadaha soo socda laga yaabo inay ka hadlaan saraakiisha Dowlada KMG Soomaaliya warkaani ka soo baxaya Xarakada Al-Shabaab.



allburtinle.com


Xafiiska Warara Muqdisho



C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)