Search This Blog

Wednesday, January 27, 2010

Ururka Alshabaab oo Maanta Maamul cusub u sameeyay Degmada Galhareeri

Galhareeri :-Walaayada Xarakada Alshabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta Maamul cusub u magacaabay Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.




Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud dhanka Xarakada Alshabaab Sheekh Yuusuf Kaba Kutakade ayaa u magacaabay Waaliga Xarakada Alshabaab ee Degmada Galhareeri ninka lagu magacaabo Liibaan Cabdi Aadan.
Sidoo kale waxaa loo dhiibay Madaxa Dacwada Degmadaasi Warsame Maxamed,sidoo kale Taliyaha Ciidamada ayaa isna loo magacaabay Macalin Bashiir Macalin Cali.

Sheekh Kaba ku tukade oo waaliga Walaayada Gobolka Galgaduud ee Xarakada Alshabaab ayaa magacaabista kadib waxaa kula dardaarmay mas'uuliyiintii la magacaabay inay Mas'uuliyada loo dhiibay ay si fiican u gutaan,sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka ku dhaqan Degmada Galhareeri inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Degmadaasi loo magacaabay

Munaasabadii Lagu magacaabayay Maamulkaasi cusub waxaa goob joog ka ahaa oo ka soo qeybgalay Madaxa Siyaasada iyo xiriirka Gobolada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow

Si kastaba Maamul sameyntaan ayaa daba socota Maamul Guud oo Gobolkaasi Galgaduud yeesho oo dhawaan Madaxda sar sare ee Xarakada ay kaga dhawaaqeen Gobolkaasi xili intiisa badan Gobolka Galgaduud ay maamulaan Culumada Ahlu suna.



Galhareeri-Galgaduud