Search This Blog

Sunday, July 5, 2009

Kooxaha Islaamiyiinta Hubaysan ee Soomaaliya waa iimaan Laaweyaal!

Beryahan dambe dalka Soomaaliya waxa ka taabbo galay kooxo u nasab sheegta diinta Islaamka oo wada hubaysan. Al-Shabaab, Ahlu Sunna, Xisbul Islaam, Al-Islaax, Al-Salafiyah iyo Dowladda Islaamiga ah ayaa ka mid ah kooxaha dalka isku haysta. Dhamaantood waxay sheegayaan in ay Islaamka wax ku xukumayaan, laakiin kulligood waxa u taliya dad aan Islaamka shuqul ku lahayn.قُل لَّمْ تُؤْمِنُواْ وَلَـكِن قُولُواْ أَسْلَمْنَا وَلَمَّا يَدْخُلِ الايمَـنُ فِى قُلُوبِكُمْ

Ururradan Islaamiyiinta ahi waxay ka siman yihiin magacyo af Carabi ah iyo xarafka “al”. Waxay baddaleen magacyadii ay lahaayeen jabhadihii qabaa’ilka ee ka dillaacay Soomaaliya sannadkii 1991 oo dhammaantood ay astaantooda ka mid ahayd “S”. Ururradaasi waxay gaareen in ay tiradoodii faraha ka badato oo ay qaarkood isku kabana labo ama ka badan oo magac sida SPM/SNA iyo USC/SSA. Haatan waxaad maqlaysaa Xisbul Islaam Garabka Sheekh hebel iyo Ururka Dib u Xoreynta Garabka Asmara!

Sababta ay isku midka u noqdeen kooxahan Islaamiyiinta ah iyo Jabhadihii Qabaa’ilku ayaa ah in ay isku ujeeddo yihiin. Urur walba oo diimeed waxa uu raadinayaa in uu hanto wixii ay ku hungoobeen jabhadihii qabiilka ku dhisnaa waxayna aaminsan yihiin wixii ay aaminsanaayeen. Cunsurka kaliya ee is baddalay ayaa ah cidda ka lagu raalli gelinayo dagaallada Soomaaliya. Xilligii jabhadaha, magacyadoodu waxay ahaayeen af English maadaama la raalli gelinayay reer galbeedka. Jabhad walba waxay ka hadli jirtay “Focus On Africa”, “Day Break Africa” iyo “Vioce of America”. Iminka Reer Galbeedka waxa ka go’an xal loo helo dhibaatada Soomaaliya oo waxa kululeeyay qaxootiga Soomaalida iyo Burcad badeedda oo sicirkii kicisay. Waxaa dagaallada Soomaaliya hadda ka socda lagu qancinayaa dunida Carabta ayadoo afhayeenada kooxaha Islaamiyiinta oo magacyo Carabi ah iyo darajada Sheikh ku qalabaysan ay si joogta ah ula hadlaan “Al-Jasiirah”, “AlCarabiyah”, iyo “Sharqul Awsat”.

Dowladda Shariifka:

Dowladda Sheekh Shariif waxay la hayste u tahay midowga Africa, waxa waardiyeeya Amison (Uganda iyo Burundi), waxa sheedda ka ilaashata Ethiopia, waxa lacagaha u kaydisa Jabuuti, waxaa hubeeya Maraykan, waxaana xiriiriye u ah Ahmedou Ould Abdalla. Yay dilayaan? Dadkoodii. Maxay duminayaan? Dalkoodii!

Dowladda Shariifka waxa madax ka ah intii u liidatay uguna damiir xumayd Soomaalida. Mashruucii ugu horreeyay ee laga saxiixay wuxuu ahaa in ay badda Soomaaliyeed muran geliyaan si loo hir geliyo barnaamij ay shirko ku yihiin Kenya, dal reer Yurub ah iyo Ahmed Walad Abdalla oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Si aysan labo xarig isugu guntin, waxa laga dhaadhiciyay in ay hir geliyaan Dowlad Islaami Qunyar Socod ah! Adduunka meel ay ka jirto dowlad Islaami Qunyar socod ahi ma jirto. La isma weydiin yaan ku dayannaa? Ma leenahay Culimo Soomaalidoo dhan wax ka maqasho oo Fatwooyin diineed si kalsooni leh u soo saari kara? Waa tijaabo waqtiga looga luminayo qolyahan caado qaateyaasha ah ee dowladda sheeganaya.

Shariif iyo kooxdiisu waxay ka siman yihiin khaa’in nimo. Shariif wuxuu khiyaanay Soomaalida markii uu asagoo maxkamadaha madax u ah weerar ku qaaday xaruntii dowladda Soomaaliya ee Baydhabo. Wuxuu mar labaad khiyaanay Islaamiyiintii ay duurka iskula jireen oo uu ka dhuuntay isuna dhiibay cadowgoodii. Mar kale wuxuu khiyaanay Is bahaysigii Asmara. Sumcad xumadii ugu weyneyd waxay ku habsatay markuu Kenya ka iibsaday badweyntii Soomaaliyeed oo uu siistay in loo canshuuro qaadka.

Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq, Nuuri Al-Maaliki, ayaa ku dhawaaqay in 30ka bisha Juun ay tahay maalinta xorriyadda qaranka ee Ciraaq. Waa maxay sababtu? Waxa maanlikaas magaalooyinka Ciraaq dhamaantood laga daad gureeyey ciidamadii Maraykanka ahaa ee waardiyeyn jiray dowladda uu madaxda u yahay Al-Maaliki. Waa nin waddani ah oo ku farxaya bixitaanka ciidamadii asaga waardiyaynayay!


Xisbul Islaam:

Xisbul-Islaam waxa taageero siisa dowladda Eritrea oo aan ku dhaqmin sharci Islaam. Eritrea waa dalka Afrikaanka ah ee Yuhuudda la leh xariirka ugu wanaagsan! Yuhuudduna waa dalka adduunka ugu dhow Maraykanka. Sheekh Aways nagama dhaadhicin karo in uu la dagaalsan yahay gaalo sababtoo ah Afawarqi oo uu sannado marti u ahaa walina u yahay ma ahan Muslim mana wado dan Soomaaliyeed iyo mid Islaam toona.

Sheekh Aways wuxuu ku xiran yahay koox qabyaaladiisteyaal ah. Xaqiiqiyan, kooxda Xisbul Islaam waxay baddashay ururkii SNA ee uu hogaamin jiray Jeneraal Caydiid. Sheekh Aways wuxuu baddalay Caydiid, Xassan Turkina baddalay Axmed Cumar Jees halka af-hayeenkoodu uu baddalay Qanyare. Kurtumihii, Xasharaadkii iyo Canaasiirtii dadka bara kicin jirtay oo shaar diineed loo geliyayna way wataan.

Kooxdaan Xisbul Iblays ujeedadoodu waa dowlad diidnimo. Waa koox ka soo hor jeedda in ay wax dhismaan. Waxay kaliya oo yaqaanaan sida wax loo dilo, loo dumiyo, loo bara kiciyo loona dhibaateeyo.


Al-Shabaab:

Al-Shabaab waxa madax u ah afar jaajuus. Madaxooda ugu sarreeya waa Abdalla Fazul oo u dhashay jasiiradda Comoros oo haatan ku sugan dalka Tanzania. Fazul wuxuu si toos ah ula shaqeeyaa sirdoonka reer galbeedka. Xasuuso, waxa beri dhoweyd lagu daweeyay Magaalada Mombasa, Kenya asagoo kelli ka xanuunsan. Booliska Kenya ayaa qabtay ilaa saddex jeer, mar dhowr bilood laga joogana wuxuu u geeyay kombiyuutar (laptop) uu ku aruuriyay warbixinta Al-Shabaab.

Fazul ku xigeenkiisu waa Saalax Nabhaan oo u dhashay dalka Kenya. Nabhaan wuxuu saddex xaas ku leeyahay magaalada Malindi ee dalka Kenya, sannad walbana way u dhalaan halka carruurtii Soomaaliyeed uu ka dhigay mid uu qalay iyo mid uu qadiyay. Darajada Saddexaad ee Al-Shabaab waxa haya nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Abu Mansur Al-Amriiki. Waa jaajuus u shaqeeya hay’adda sirdoonka.

Ninka intaas ka hooseeya waa Axmed Godane, 30 jir reer Hargeysa ah oo ka soo cararay gurigiisii si aanay dowladda Somaliland ugu gacan gelin dowlado kale. Qolyahan kale ee Soomaalida ah ee ka tirsan Al-Shabaab wax micne ah kuma fadhiyaan “inconsequential”. Waa iska dameeri dhaan raacday. Al-Shabaab ujeedadoodu waa dagaal aan yool lahayn illaa ay ka dhammaadaan ama adduunyada inteeda kale ka dhammeeyaan. Waa dhallinyaro habowsan oo aan adduun war ka hayn. Waxay si dadban ugu adeegaan cadowga ay leeyihiin waan iska celinaynaa.

Ahlu Sunnah:

Kooxdaan waxa lagu yaqaanay waliimaysi iyo in ay qabuuraha ka dul xadreeyaan. Waxay la yaabi jireen wadaad surwaal qaba, wadaad qori sita, iyo wadaad siyaasi ah illaa laga hanuuniyay haweenkoodii iyo carruurtoodii. Way diiri waayeen. Masaajidyadii dalkoo dhan baa lagala wareegay. Mowlacyay u wareegeen. Markii si kale loo kicin waayay, inta qabuurihii loogu dhacay, oo awliyadii lafohoodii la soo qufay ayaa hortooda lagu gubay si loo xaniinyo taabto. In ay Itoobiya magan u noqdaan bay ka dhul bilaabeen illeen dad ma haystaane. Dagaalka dadka loogala wareegay wuxuu bilowday 30 sano ka hor, intaas oo dhanna way hurdeen. Yaa dadkii kala wareegay? Al-Ittaxaad, Al-takfiir, Al-Islaax, iyo Al-Shabaab ayaa kala wareegay shacabkii.

Macno ma lahan in ay xabbad qaataan hadda xilli ay xeero iyo fandhaal kala dheceen. Dadkii iyo dalkii waa la seejiyay, haddana waxay cagta saareen waddadii ay ku Aakhiro seegi lahaayeen.

Gabogabo:

Kooxahan dhammaantood waxay ka siman yihiin ka been sheegidda Diinta Islaamka. Waxay isku dayayaan in ay diinta u adeegsadaan sidii Hanti Wadaaggii ay ku caano maashay xukuumaddii Kacaanku. Si aan wax su’aal ah loogala hor imaan, dowladdii Kacaanku waxay qaadatay mabaadii’da Howl iyo Hanti Wadaagga oo aanay Soomaalidu horay u aqoon. Taas waxay keentay in ay madaxdii Kacaanku noqdaan hormuudka ummadda.

Nimankan diinta ku gabbanayaa sidii oo kale ayay damceen laakiin ayagii baa toban nooc diinta u turjuntay mana jirto cid kulmisa oo ay wax ka wada maqlaan. Ayagii way isla hareen, shacabkiina way la hareen. Guusha kaliya ee ay ku naalloon karaan kooxahaan dhammaantood waa in ay kumanaan Soomaali ah dileen, bara kiciyeen, tacliin la’aan dhigeen, hantidoodii dheceen ama noloshoodii burburiyeen ayagoo dhamaantood sheeganaya in ay Islaamka u hiillinayaan.

Soomaalidu waa Muslimiin 100% mana jiro qof Eebbe wakiil uga ah ku kale. Nimankan ku ordaya in ay gacmaha iyo lugaha gooyaan ayagoo aan aqoonin lixda Shardi ee qofka laga doonayo si uu u muslimo waa cadowga Islaamka. Inta xabbadda u sidata in ay baabi’iyaan dowladdu waa cadowga Islaamka. Inta hubja u sidata in ay dowladda difaacaanna waa cadowga Islaamka. Dhammaantood waxay fulinayaan qorsheyaal qalaad waxayna “proxy” u yihiin dad aan dan ka lahayn Soomaalida.

Waxaa xusid mudan, dhowaan mar dowladda Shariifku ay codsatay in Kenya iyo Itoobiya ciidamo soo diraan, jawaabo mucjiso ah ayay labada dalba bixiyeen. Kenya waxa u hadlay wasiirka Amniga Qaranka Prof. George Saitoti oo sheegay in kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya aanay kansho ay Kenya ku damaaciyaan haynin, Kenyana ay ku dadaalayso in ay saad siiso qayb ka mid ah kooxaha dagaallamaya! Itoobiya sidaas oo kale, waxay sheegtay in dagaalkii ay geli lahayd loo galay, sida kaliya ee ay askari ugu diri karto Soomaaliyana ay tahay in askarigaas mushaarkiisa beesha caalamku u ballan qaaddo.

Waxaan nahay dal yar oo faqiir ah oo aan la dagaallami Karin cidna. Islaam in aan wax u dhinno ma ahane waxba ma tari karno. Gaalo in aan wax tarno ma ahane waxba uma dhimi karno. Tusaale waafi ah waxa noogu filan qoriga deegta u wada suran Islaamiyiinta iyo xabbadda ku jirtaba waxa sameeyay gaal oo lacag adag looga soo gaday, nafta lagu jarayo maalin iyo habaynna waa naf Muslimad ah! Nabi Muxammad (SCW) iyo asxaabtiisu markay jihaadi jireen ayagaa warmahooda iyo seeftooda tuman jiray. Jihaad juma waajibo, waana ka xaaraam nin gaal jeebka lacag uga buuxiya si uu Muslim feeraha xabbad ugala dhaco!

Nabi Muxammed (SCW) ayaa wuxuu ka sheekeeyay nin musaafir ah oo basaasan oo gacmaha circa u taagaya asagoo Eebbe baryaya laakiin aan waxba laga aqbalayn maadaama cuntadiisa, sharaabkiisa, labbiskiisa iyo gaadiidkiisa intuba ay xaaraam yihiin. Nimankaan mujaahidiinta ah ee xattaa shanlada ay ku shanlaystaan gaalada lacagta uga soo gatay jihaadkoodu waa xaaraam, wax aan dhibaato ahaynna uma soo kordhinayaan ummadda Islaamka ah.

Diinta Islaamka waxa loo soo dejiyay in ay dhowrto shan waxyaabood (Daruuriyaat al-Khamsah) oo kala ah 1. Nafta, 2. Diinta, 3. Maalka 4. Caqliga iyo 5. Nasabka. Qolyahan xabbadda isu sita Soomaaliya dhammaan waxyaabahan way ku tunteen. Shantii shay midna ma dhowrsana. Naftii waa la jaray, diintii waa lagu been abuurtay, caqligii waa la laalay, maalkii gaalaa jeebka loogu shubay si muslim loo dilo, nasabnimadii qofka Muslimka ahna meel baa looga dhacay. War ma ninka miino isku xiray ee saddex carruur ah iyo haweeney iyo naftiisii dilay miyaa nasab ah?

Aan daneheena u jeesanno oo aan ka gudubno xamaasad diineedkan beenta ah. Haddii kale qof walboow qofkii kaa fakir duwan qudha ka jar illaa aad kaligaa dhulka ku soo hartid.

“”Walow Shaa’a Laahu Lahaddaakum Ajmaciin””


Abdullahi Ali-jiir