Search This Blog

Monday, June 22, 2009

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Sh. Muxamed Idris Axmad Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka;

dalyaqaan@yahoo.com


بسم الله الرحمن الرحيم


Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Maanta oo Taariikhdu tahay 27kii Jumaad Thaani 1430, kuna began 20 June 2009 ayaa waxaa soo gabagaboobey Falkii Ismiidaaminta Siyaasadeed ahaa ee ay galeen Koox wadaada ah ama loo yaqaanno (Islaamiyiin) oo uu horkacayo Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyihii hore ee Maxaakimtii Islaamka Muqdisho (2006), kadibna ku bahoobey Isbahaysigii la magac baxay Asmara, Waxaana falkaas daaha loogu rogay Markii ay Wadaadadaasu kusoo gabagabeeyeen Noloshoodii Siyaasadda ee gaabnayd iyo Socdaalkoodii Nairobi iyo Asmara kasoo Bilawday, Jabuuti & Sanca soo maray, New York, Brussels iyo Addis Ababa Transitya kala duwan kusoo nastay, iney maanta si rasmiya u codsadeen (Amxaaradu iney Dalka Soomaaliya Qabsato Mar kale) Weliba Amxaarada Keliya maahine, ay ka codsadeen (Yurub, Maraykan, Kenya, Igad, Afrika oo dhan, cid kasta oo dooneysa dal bannaan) iney kasoo qayb galaan qabsashada iyo kala qaybsiga dalka Soomaaliya iyagoo ugu yeeray waxa ay ku tilmaameen (In la Badbaadiyo DKMG). Wadaadadi warkaa ma sheegin, waxaase ugu hadlay Aadan Madoobe iyo Afhayeenka Wasaaradda, iyana ma beenin ilaa hadda.

Falka Isqarxinta ama (Intixaarka Siyaasiga) noocan ah ee lagu waayo Diinta, Sharafta, Wadaninimada, Geesinimada iyo Raganimada, iyo qiima kasta oo qofku adduun iyo aakhiraba ku yeelan karo, (Waa Inuu Amxaaro ugu Yeero Iney Qabsato Soomaaliya Isna dabqaad u noqdo) waxaa horay isugu miidaamiyey Soomaali badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Cabdillaahi Yusuf, Dr. Cali Maxamed Geedi, Gen. Cumar Masalle, laba alifle Maxamed Dheere, Col. Barre Hiiraale, iyo kuwa kaloo badan, waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahaynna kama dhaxlin. Waa arrin laga xumaado in rag wadaada ahaa, oo diinta ku abtirsada ay maanta dalka ku casuumaan Amxaaro, arrinkanna ku khatimaan nolol siyaasadeed oo aad u gaaban.
Gaaja kasta baqti looma cuno, oo sharafta shey kasta looma daadiyo, oo wajiga wax walba laysagama diiro, oo magaca wax kasta oon macna lahayn laysagama dilo.

Soomaalidu wexey tiraahdaa Nabar la filayey Naxdin ma leh, laakiin waxaa la filayey iyagana u sharaf badnaan lahayd, kolley Amxaaro, iyadaanba casuumad iyo fasax cidna ka rabine, iney iskaga tagaan meesha, hadday iska cabin kari waayeen xoogagga kasoo horjeeda, u yeeridda xabashidana aan iyaga taariikhdu ku qorin.

Shariifka iyo Wadaadada la socdey waxaa soo martay fursad fiican oo wax lagu badbaadin karey, tasoo ahayd, sida wax badan lagula taliyey, iney la heshiiyaan saaxiibadii shalay ee kasoo horjeeda, soo dhoweyaan, isku dhabar jebiyaan, laakiin kama faaiidaysan. Shariifka iyo raggiisu ma garwaaqsan ciilka iyo carada saaxiibadoodi shalay, markay kooxda shariifku u malayeen iney keligood cuni karaan lana carari karaan, dherigii bisaylka dhowaa ee lawada dhawrayey, dabadeedna ay ku kaaftoomaan, trainka ama soo raaca ama guryihiina jooga, siduu Shariifku mar ku khudbeeyey!
Shariifka iyo kooxdiisu maalintey nabad iyo dibuheshiisiin ku dhawaaqeen dad badan oo Soomaaliya ayey kasbadeen. Waxaana dad badan soo gashay yididiilo in wax degaan, ummuurtuna xasisho, cidnana kuma qancin karaan, wadahadal waa nala ka diidey, oo haddii wadahadal lagaa diidey, waxna aad iska dhicin kari weydey, ma Xabashi ayaad u yeeraneysaa? Maad iska tagtid.

Nimanka maanta sida qayaxan u dalbaday (Amxaaro ) iney dalka qabsato, oo ciidamadeedu dib ugu soo noqdaan, kuwa kalena meela kale ka yimaadaan, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mar kale Gumaysi galaan, meel xun oo taariikhda u gashay ayey is dhigeen, ninkastoo wadadaas qaadaana dulli ayuu ku dambeeyaa, umadda Soomaaliyeedna weligiis taageero iyo magac kama filan karo.

Kuwa ku riixey meesha xun, ee sabab u noqonaya iney nimankaanu gaalada usii shalwadaan, oo ku cararaan, ummad badanina halaagsanto, boqollaal kunoo cusubina qaxaan, iyana saan filayo, amaan badan Shacabka Soomaaliyeed kama sugayaan, hawlaha ay maalmahaan dambe faraha kula jireen dartood, iyo sida dadban oo ay waxa dhacaya qayb uga noqdeen.

Waxa maanta taagan wixii Culimada iyo Wax garadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in badan ka digayeen, oo ah, in Itoobiya Sallaxaneyso sidey si sharciyaysan Soomaaliya ugu xalaalaysan lahayd, waana tan maanta dalbaneysa in Adduunku u xalaaleeyo Soomaaliya, Kharashkana laga bixiyo, Mar dambana aan la weydiin goortey ka bexeyso. Waa wixii ay Culimada iyo Wax garadku u lahaayeen, war walaalayaalow khatar idinka weyn ayaa soo muuqata eek u baraaruga oo fursadda yar aan Soomaali ahaan dib isugu dhisno, laakiin dhegaha laga cufaystay, sidaas ayeynaan maanta u Maqlayn war culimo, iyo war Odayaal toona, waayo markii la maqli waayey, ayey in badani hawshaba faraha ugala bexeen.

Hal Baaq oo iigu dambeeya waxa weeye: Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey, haddeey weli waxuun dhawranayaan:
Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan:

Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan, ugana tageen Kooxihii kasoo horjeedey, Dalkana aaney marna ku casuumayn Amxaaro, (oo weliba leh gumaysiga Soomaaliya lacag hala iigu daro, Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun). War Duf kubaxa e meesha isaga taga inta goori goor tahay, Aaadan Madoobe iyo Wixii Amxaara u yeeranaya, uga taga meesha haddaad weli wax isku falaysaan.War Maanta uun wax naga Maqla.

Ilaahay waxaa ka baryeynaa Imtixaanada cusub ee la galay inuu naga bad baadiyo, Muslimkana Ilaahay u Naxariisto.

WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad

dalyaqaan@yahoo.com