Search This Blog

Friday, June 19, 2009

Bayaan uu soo saaray Xildhibaan Saciid Cali Shire


Magacaygu waa Saciid Cali Shire, waxaan ahay qoraa, aqoon yahan iyo waxgarad Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale ahay xildhibaan ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Maanta, oo taariikhdu tahay 18/06/2009-ka, waxaan halkaan ku cabirayaa dareenkayga ku aaddan guud ahaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii isdaba joogga ahaa ee maalmihii la soo dhaafay hareeyey Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

1-Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii xusuuqa naxariis darrada ah loogu geystey guryohooda, shalay oo taariikhdu ahayd 17 June 2009-ka. Waxaan tacsi middaas la mid ah u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadka tacaddiyaadka loogu geystey Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Tacaddiyadaas ha geysteen cadaw ajnabi ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u naxayn ama doqon, cada-qaate ah, damiir xume ah, wax iskuma fale ah oo magic Soomaali nala sheeganaya.

2-Waxaan cambaaraynayaa dadkii geystey xusuuqii 17 Jun 2009 ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horeeyey dhammaan. Waxaan leeyahay waxaad gasheen jariimo Eebe agtiisa ku weyn, caalamka agtiisa ku weyn, shacabka Soomaaliyeedna agtooda ku weyn. Jariimadaas iyo kuwa la midka ah ee aad gasheena noqon mayaan kuwo shacabka Soomaaliyeed ee biri-ma-geydada ahi hilmaamo.

3-Waxaan eedayn iyo cambaarayn u soo jeedianayaa Weled Cabdala, ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay. Walad Cabdlalla, waa waayeel aan qalbigiisu naxariis aqoon, waa waayeel aan damiir Islaanimo lahayn, waa waayeel aan wax xurmo ah u hayn shuruucda iyo cahdiyada u qoran hay’ada uu wakiilka uga yahay Soomaaliya. Haddaanan khaldanayn, laga soo bilaabo Diseember 2006, waa yartahay, ama maba jiraanba, in Weled Cabdala uu wax dareen ah ka muujiyey tacadiyaadka isugu jira dilka, kufsiga, bara kicinta iyo bur-burinta ciidammada cadawgu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta bannaanka la soo dhigay in Weled Cabdalla uusan marna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya. Waxa maanta qof kasta oo Soomaaliyeed ogyahay dunuubta Weled Cabdalla ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale qof kasta sii oddorosi karaa dhagaraha Weled Cabdalla iyo caddawga insaaniyadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Weled waxaan leeyahay, dhiigga daahirka ah ee ku daadanaya dhulka daahirka ah, ilmada ka qubanaysa waayeelka iyo caruurta Soomaaliyeed, bur-burka iyo bara kicinta aad maryaha xariirta ah kor kaga hadoodilaysid, waqtigoodii waa dhammaaday, shacabkii iyo waxgaradkii Soomaalidu waa tooseen runtiina way arkeen. Maanta ma jirto, haba yaraatee,wax xushmad iyo wanaag ah oo shacabka Soomaaliyeed kuu hayo. Weled, waxaan leeyahay waxaad tahay caddawga insaaniyada, haddii waqtigu nagu simana waxaan ku horkeeni doonaa maxkamad.

4-Waxaan dhaliil u soo jeedianayaa dadka masuuliyadaha sare ka haya dawlada ku meel-gaarka ah ee aan ka damqanayn dilka, kufsiga, baro-kicinta iyo dhibaatooyinka kale ee sida joogtada ah loogu geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxaan dadkaas, oo intooda badani aysanba fahansanayn mas’uuliyada ay xanbaarsan yihhin, u sheegayaa, in ay Eebe ka cabsadaan, damiir iyo dadnimo muujiyaan, shacabkooda u naxaan, dalkooda u naxaan. Waxaan u sheegayaa in ay imaan doonto dharaar lala xisaabtami doono. Waxaan ku boorrinayaa in ay ummadda waxgaradkeeda isla raadiyaan, waxaan ku boorrinayaa in ay talooyinka loo soo jeedinayo maqlaab,waxaan ku boorrinayaa in ay xal u raadinta dhibta Soomaaliya daacad ka noqdaan. Waxaan leeyahay war toosa oo hal mar indhaha kala fura; war arka adduunku meeshuu marayo; war dareema meesha adduunku u socdo; war fiiriya xaalka dadkeena iyo dalkeenu ku sugan yahay; war dadnimo, karti, garasho iyo dadaal muujiya.

5-Waxaan dhaliil iyo cambaarayn sidoo kale u soo jeedinayaa mucaaradka hubaysan ee Soomaaliyeed. Mucaaradka waxaan leeyahay: haddii dadkii qaar dhintaan, qaarna darxumo xeryo qaxooti ugu indho xun yihiin; haddii dhulkii qaarna cadow qaato, qaarna qashin lagu aaso, bal joogeey, yaad xukumaysaan. Miyaydaan dammiir lahayn, xikmaddii iyo caqligii ma idinka suulay. Waxaan leeyahay, dhibta Soomaaliya qayb ayaad ka tihiin, xalka Soomaaliyana qayb ayaad ka tuihiin. Ilaa hadda waxaa muuqata in aad doorateen in aad dhibka qayb ka ahataan oo kaliya. Waxaan leeyahay caqliga iyo dammiirka hal mar gujo ugu laabta oo dhanka xalka soo fiiriya. Mucaaradka waxaan leeyahay dalku waa dalkiinu, dadku waa dadkiinii, hoggaamintiisana xaq baad u leedihiin ee u soo mara waddada saxda ah. Mucaaradka waxaan xusuusinayaa hadalladii Abwaan Gaariye markuu lahaa “Maalin baa iman doonta, haddaan Eebahay, caymin afku uu hadal daayo; maalin baa iman doonta, iyadoo is wada wayday, oodda loo rogi doono”.

6-Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaan ku boorrinayaa in ay u noqdaan Allaah, denbi dhaaf waydiistaan; in ay naftooda ku noqdaan oo dunuubta iyo macaasida ay ku fogaadeen ka toobad keenaan; in ay is cafiyaan oo wixii xuquuq ah oo ay kala haystaan isu celiyaan. Waxaan leeyahay, Eebe maahee cid kale idiinma maqna, ee Eebe xaggiisa u jeesta, isku damqada, isku naxariista, isu gargaara, oo is gacan qabta.

7-Waxgaradka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, Eebe ka gadaal, ummad waxa badbadiya wax garadkeeda, ummad waxa u fekera wax garadkeeda, ummad waxa horumariya wax garadkeeda, ummad waxa u naxa wax garadkeeda. War idin mee! Weli ma qolbaad oohin iyo tiiraanyo kula xiran tihiin. Waxaan idin leeyahay, qolka ka soo baxa, ummadda u fekera, ummada dhanka xalku ka jiro u dhaqaajiya. Waxaan idin leeyahay dareema mas’uuliyada idin saaran. War ma cid baad martiqaad ka sugaysaan. Waddanku miyuusan waddankiinii ahayn, dadku miyuusan dadkiinii ahayn, miyaydaan ka tiiraanyaysnayn meesha xaalkiisu maanta marayo iyo cawaaqib xumida u danabysa. Wax garadka waxaan leeyahay aan qaadano taladii Maxamed Daahir Afrax oo aan isu taagno in aan abuurno dhaq-dhaqaaq maskax furan oo dadka danta u haga; dhaq-dhaqaaq waddani ah oo wacyi qaranimo abuura; dhaq-dhaqaaq ujeeddadiisu tahay iftiimin iyo abaabul; dhaq-dhaqaaq aan kooxayste ahayn ee kulmiye ah.

8-Culimada Soomaaliyeed, Eebe ha xifdiyo, inta la hayo taariikhda Soomaaliya: culimadu waxay ahaayeen kuwo har iyo habeen heegan u ah, oo u soo jeeda, door facaal ahna ka qaatay duruuf kasta oo adag oo soo wajahday Soomaaliya. Gumaysi iyo gaalnimo wax ka dhiidhiya culimadaa ugu horaysay; xornimo wax u dagaalamay culimadaa u horaysay; caqiido xun, bidco iyo daaquud wax ka horyimaada culimadaa ugu horaysay; wax kii tabaalaysan u naxa, iskoolo fura, cisbitaalo fura, har iyo habeen ummada adduunkeeda iyo aakhiradeeda ka ka welwela culimadaa ka jirta. Culimoy, ha ku eeganina dalka, dadka iyo diinta dhibta iyo xumaanta. Culimoy maanta hiil baa dalka, dadka iyo diintu idiinka baahan yihiin. Culimoy calanka qaata, dhiirrada, isu taaga sidaad inta yar ee hartay u caymin lahaydeen. Shacabku dhankiinuu soo fiirinayaa, adduunku dhankiinuu soo fiirinayaa, Eebe dhankiinuu soo fiirinayaa. Eebe naxariistiisa ka gadaalna, tallaabada aad manta qaadaan ayaa ummaddaan badbaado u noqon doonta, taas baana taariikhda idiin geli doonta.
Waxaan ku soo khatimayaa qoraalka tuducyo ka mid ah gabaygii Xaaji Aadab Afqalooc, Eebe ha u naxariistee, ka tiriyey dilkii Sh. Bashiir, Eebe ha u naxariistee. Xaajigu wuxuu yiri:

Ummadaan xorriyad doonan oo daafac noqon wayda
Dadku inuu addoonsado horaa loogu daabacaye
Dabka naara fulahaa wax gala ugu dambaab weyne
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone
Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad ugu danbaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu sow iskama daayo
Dib maxaa idiin celianayoo horay idiin diiday
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya

Eebe waxaan waydiisanayaa in uu xaqa nagu sugo, Islaanimo nagu dilo, nagana mid dhigo ehelka jannada.
Wasalamu calaykum

Saciid Cali Shire
email: saidshire@hotmail.com