Search This Blog

Sunday, July 13, 2008

““Waxa karka iga keenay markii Aabahay dhintay wixii dawladu balan-qaaday oo aan fulin”

"Iskuul habluhu wax ku bartaan oo aanu doonaynay in Cigaal loo bixiyo ayaa dhulkiisii lanagaga daba yimi” Cali Maxamed Ibraahim Cigaal

“Waxaan ahay Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Intii Aabahayo dhintay, dawlada waanu ka xishoonaynay, wax nooga tagay oo dhibaato ahina ma jiraan. Dawlada masuuliyiinteeda ugu sareeya, ayaa intay isa soo hor-fadhiisteen balamo badan noo qaaday, kuwaasoo aanay ka soo bixin. Cidna umanaan sheegin, cidna kumanaan cambaarayn, iyagana calool-xumo uguma qabo, waayo siday ka noqotay Ilaahbaa og. Laakiin, anagu had iyo jeer waxaanu danaynay jiritaanka iyo dimuqraadiyada Somaliland oo ah dhaxalka Aabahayo nooga tagay sidaan horeba u sheegay. Waayo, Aabahay aniga Shaadh iigama tegin, Gurina iima dhisin, Hargeysa markaan imaadana waxaan ku degaa Hoteel.” Sidaa Waxa yidhi Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo xalay nagala soo xidhiidhay magaalada Dubai ee wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugan yahay.

Cali waxa uu sheegay isaga oo faahfaahin ka bixinaya sababta oo noola soo xidhiidhay.

“Aniga waxa karka iga keenay maanta waxa weeye, markii Aabahayo dhintay waxyaabo badan baa dawladu balan-qaaday oo ay ka mid tahay in Berbera laga dhiso xarun lagu qabto shirarka oo loogu magac-darayo Marxuum Cigaal Alle ha u naxariistee. Waxyaabo kale oo badan oo aanan rabin in aan halkan ka sheegana way balan qaadeen masuuliyiin badani. Waxaas oo dhan ka kaalay, waxaanu doonaynay annagu qoys ahaan in aanu Berbera ka dhisno Akademi wax lagu barbaro hablaha oo loo bixiyo Egal Academic, meeshii warqadaheeda naloo dhamaystiray ee la yidhi ka dhisa ayaa nalagaga daba yimi, oo la yidhi dad kalaa leh.
Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxaana uu sheegay oo kale in marka ay Iskuulkaas dhismihiisa dhamaystiraan ay doonayeen inay in Magaalooyinka waawayn ee Somaliland oo dhan doonayeen inay ka hir-geliyaan Iskuulo waqaf ah oo habluhu wax ka bartaan. Balse ay fajac iyo layaab ku noqotay in kii ugu horeeyay ee meesha laga dhisayo waraaqahoodii la siiyay lagaga daba yimaado.

“Annagu wax na siiya ma lihin dawlada, dhismaha wax ku darana ma lihin. Laakiin, dhulkii waraaqihiisa nala siiyay in laga daba yimaado maaha. Midda kale Maxamed Ibraahim Cigaal dedaalkii uu u galay Somaliland dhismaheeda in lagu ixtiraamo miyaanu mudnayn? Dawlada maanta jirtaa miyaanay ku taagnayn tacabkii uu soo galay. Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in dunida xisbi kastaa halyaygiisa ixtiraamo. Balse aanay taa ka helin Xisbiga UDUB. “Waxaan ku idhi Xisbiga UDUB, aan idinla shaqeeyo, waxaad doonaysaan aan idinla qabto, waanu kuu yeedhaynaa bay yidhaahdeen, noomanay yeedhin, markaa aniga waxa ii cadaatay in aanay UDUB ka jirin wax ixtiraam ah oo laysu hayo, ee ay tahay qofku markuu dhinto kabihiisaa dhaama.

“Balanqaadyada aan la fulin iyo inaan xisbi galo toona ma doonayo anigu maanta, Maalinta aan soo diyaar-garoobana aniga ayaa odhanaya intaan imaado waxaan doonayaa in lay doorto. Waxaanse ka hadlayaa goobtii aan doonayay in aan anigu kharashkeeda bixiyo oo Aabahay lagu magacaabo hablahaa yar yar ee masaakiinta ah bilaash wax lagu baro, dhulkii la yidhi waa laydin siiyay in laga daba yimaado ayaan ka maroora-dilaacsanahay.”

Dhinaca kale, Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu dhaliilay siyaasiyiinta Somaliland, gaar ahaan hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi oo uu ku tilmaamay kuwo meel kaga dhacay nidaamkii dimuqraadiyada.

“In had iyo goor dawlada iyo mucaaradku is-hirdiyaan maaha, iminka waa tii lagu heshiiyay in doorashada dib loo dhigo ilaa sanadka soo socda bisha March, waa in xisbi walbaa barnaamij-siyaasadeedkiisa u soo bandhigo si dadku uga qaataan fikir saddexda xisbi Qaran ee heshiiyay. Laakiin, mid uun baan doonayaa in aan ku daro. Waxa nasiib-darro ah in Saddexdii nin ee la soo doortay Shan Sano hortood ay maantana Somaliland isa soo hor-taagayaan. Anigu waxaan odhan lahaa waa in masaladaa dib loogu fiirsadaa. Dimuqraadiyadu maaha in saddex qof uun sanad kasta isu soo taagaan tartan. Waa in isbedel la helaa, dadkuna ay ku kala doortaan qorshe.” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Ibraahim Cigaal

Maraykanku aqoonsan maayo Somaliland, sababtoo ah..”“In Tanzania aqoonsato Somaliland waxay dhiirigelin u noqon doontaa dalalka Afrika”“Taariikhda Afrika kuma cusub, waxaana hore u burburay midowgii Jamhuuriyadda Midowga Carabta ee Masar iyo Suuriya 1958. Midowgii dalalka Mali iyo Senegal 1960 iyo Dawladdii Senegambia oo ay ku midoobeen dalalka Senegal iyo Gambia…

Ogaal Online Xigasho
Koshin yare.