Search This Blog

Sunday, July 13, 2008

Col Bariise “Odayaasha isku sheega Dhaqanka Hawiye,ma ahan dhex dhexaad,waana dowlad diidayaal”.



Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay Odayaasha qaran diidka ee uu hogaamiyo Maxamed xasan Xaad in aanay dhex dhexad ka ahayn xaalka maanta ka taagan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku tilmaamay dowlad diidayaal, ama fidno wadayaal ku nool dadka rayidka dhexdooda.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay Odayaasha qaran diidka ee uu hogaamiyo Maxamed xasan Xaad in aanay dhex dhexad ka ahayn xaalka maanta ka taagan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku tilmaamay dowlad diidayaal.“Odayaasha isku sheega Dhaqanka Hawiye,ma ahan dhex dhexaad,waana dowlad diidayaal”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col cabdulaahi Xasan bariise.“Odayaashani kama hadli karin dhibaatooyinka argagixisadu ku hayaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed,aqoonyahanada iyo waliba shaqaalaha gargaarka,laakin waxaa ay caado ka dhigteen in ay qeylo dhaamiyaan mar kasta oo ay ciidanku qaadaan howlgallo ay ku cirib tirayaan kuwa afka duubta ee dadka laaya”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Bariise.

Afhayeenka ayaa sheegay in Odayaasha qudhoodu ayan u hadli karin sidii ay doonaan sheegina karin waaqiciga magaalada ka jira,sababtoo ahbuu yidhi waxaa ay ka baqanayaan in ay dhibaato kala kulmaan kuwa dadka laaya,sidaa daraadeedna waxaa ay shaqo ka dhigteen in ay xag xagtaan ciidamada qaranka ee howsha u haya shacabka Soomaaliyeed”.

Hadalka taliyah ayaa jawaab u ahaa war shalay kasoo yeedhay Odayaasha qarandiidka oo ay ku sheegeen in ciidanku dad rayid ah jimcihii ku laayeen Dayniile,xili la wada ogsoon yahay in 7 nin oo halkaa lagu dilay ay ka mid ahaayeen maliishiyooyinka argagaxa ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Odayaasha qaarkood ayaa qayliyay markii dagaal Maxakamaduhu ku qaadeen Gobolada dhexe, markaas qaylo ayaa ka soo yeertay, marka Moqdisho dagaal ka jirana ma eedeeyaan fidno wadayaasha.
Banaadir Post
Xamar.