Ra'iisul Wasaaraha KMG ah ee Dowladda Federaalka ayaa barqanimadii maanta ka soo degay Garoonka diyaaraddaha Muqdisho, waxaana ku soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde xubno ka tirsan Dowladda KMG iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo maalmahan uu ku sugnaa, wuxuu sidoo kale uu horay u soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo dalka Suudaan oo uu shir ugu qeybgalay, wuxuuna mudooyinkan uu Nairobi kula shirayey xubnaha beesha caalamka.
Nuur Cadde ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili maalintii labaad ay dagaalo iyo madaafiic la isdhaafsanayo ay ka socdaan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, xili ciidamada Itoobiya lagu waday iney dib ugu laabtaan dalkooda, taasoo hakad gelisay bixitaankooda maadaama wadooyinka iyo xerooyinkii ay ka baxayeen lagu weeraray.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in Suxufiyiinta uu u qabto shir jaraa'id uu kaga sheekeynayo waxyaabihii u soo qabsoomay iyo wixii uu kala soo kulmay safaradii uu ku tegay dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Nuur Cade ayaa Somaliya ka maqan mudo dheer mana muuqdaan wax la taaban karo oo qabtey bixidii Cabdulahi Yuusuf ka dib.
Banaadir Post.
Search This Blog
Monday, January 12, 2009
Thursday, January 8, 2009

“ Gumeysigu Hashuu naga dhacay een gurayay raadkeeda
gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay.
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey”
Gabaygii Maandeeq, Cabdullahi Suldaan Timacade
Geeska Afrika oo ummadahu nabad u yaaliin, baa waxaa duulaan hameyn ah waxaa ku soo qaaday raxamo Abeesooyin ah. Micidii hore shacuubta ay ku dhacay waxaa ka mid ahaa Soomaalida. Dad wixii haray waxay ku daaleen raad-goobkii raadkii Abeeso ee ka tilowday dul quruurax, dhagaxyo waaweyn safanyihiin.
Markii la dhoobtay, waxgaradkii waxay ku heshiiyeen in laga raad gooyo caduunka ee duleedka dusha.
Waxaa lagu soo baxay raadkii qoraalkii Kooxda afka qalaad loo yaqaan International Crisis Group.
African Report No147. qoraalkaas ugu danbeeya ee kooxdaani ka soo saartay ( Somalia: To move beyond the failed state) ayaan ka soo xiganay “Since 1991 Somalia has been the archetypal failed state. Several attempts to create a transitional set-up have failed, and the current one is on the brink of collapse”. Haddii aan akhrino qoraalka kooxdaas dantooda gadaanka heysta, waydiino waxgaradka Soomaaliyeed: - Ma 27/01/1991 baa Soomaaliya ku sifoowday dawlad jabtay, mise:
* 21/02/1543 markii ciidamadii reer yurub, gaar ahaan kuwii Burtiqiiska oo uu hoggaaminayay wiil uu dhalay burcad badeedkii caanka ahaa VASCO De Jama iyo Taliyihii Itoobiyaanka oo wata qalab dagaal oo casri ah, ayna dileen Imaam Ax`ed Ibrahim ( Axed Guray), dawladii soomaalida Awdal ku burburiyeen?,
* 1884-1885 shirweynihii reer yurub ku qeybsadeen Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?.
* 21/12/1920 markii ciidamadii reer galbeedku, gaar ahaa kuwii Cirka ee Ingiriiska, Talyaaniga Iyo Itoobiyaanku ku jabiyeen halgankii daraawiishta, ee uu hoggaaminayay halgamaagii, abwaankii Sayid Max`ed Cabdille Xassan?,
* 21/11/1949 markii golaha guud ee qaramada midoobay soo saaray go`aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah toban sano, UN ku ilaaliyaan ilaa xoriyaddii 01/07/1960. Go`aankaas waxaa la qaatay ka dib markii 1948 dawladihii afarta ahaa ee ku guuleystay dagaalkii labaad ay guudi (Four Power Commission) u soo direen Soomaaliya. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo raadis iyo inuu u kuur-galo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed . Rabitaankii shacabka Soomaaliyeed waxuu ahaa“ in la mideeyo gayiga Soomaliyeed, afarta quwadoodna ay wadajir u maamulaan”. In la meel mariyo rabitaankii Soomaalida waxaa ka horyimid afartii dawladood oo danahooda ilaalshanaya. Fransiiska oo xeebaha Jabuuti heystay ma rabin inuu laga qaabo, sidaas darted wuxuu ku taliyeen in Talyaaniga loo dhiibo koonfurta dalka.
Sidoo kale Talyaaniga waxaa taageerayay Ruushkii oo saadaalinaayay in xisbigii shuuciga ahaa ku guuleysto xukunka dalkaas. Ingiriisku wuxuu daneynayay in Soomaalida la mideeyo, maadaama uu dhulka Soomaaliya qabsaday, xeebta jabuuti ma ahee, ka dib markuu Talyaaniga ku jabiyay dagaalkii geeska Afrika 1941. Mareykanku waxay daneynayeen fadhiisimo ciidan ee xeebaha Eretareeya iyo deegaamada dhulka Soomaaliya ah ee lagu sheegay shidaal. Waxay u doodayeen in Itoobiya ay falarkeeda hesho dhulka Soomaalida.
La soco qeybta 2.
Shakib_dhowre@hotmail.com.
Puntland oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen cusub yeelatay

Madaxwaynaha Cusub ee Puntland ayaa loo doortay C/raxmaan Faroole oo isugu ka mid ahaa Musharaxiintii u tar tamaysay doorashada Puntland, isagoo fara cidiyo leh kaga guulestay Musharax General C/llaahi Ilka-Jiir .
C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa helay 49 ka mid ah codadka 66 xildhibaan ee Baarlamanka Puntland halka musharax Ilka jiir uu helay 17 Cod ah wareegii labaad ee doorashada ka dhacday magaalada Garowe.
Sidoo kale Musharaxiinta wareeggii labaad ku soo baxday waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha Xafiiska wareejinaya ee Cadde Muuse isagoo helay 8 Cod oo ka mid ah codadka xildhibaanada Barlamanka Puntland.
Kumaan ka mid ah Taageerayaasha Madaxwaynaha cusub ayaa isugu soo baxay faras magaalayasha Magaalooyinka kala duwan ee Puntland, waxaana ay wateen boorar iyo caleemo ay ku taageerayaan madaxwaynaha cusub ee la doortay.
Waxaa intaas kadib bilaabatay doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaana ku guuleystay C/samad Cali Shire oo ka guuleystay Saleebaan Toosiye, waxaana sidaas ku soo gebagebowday doorashadii madaxweynenimada Puntland.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, doorashada Maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland ayaa la oran karaa waxay ahayd mi qaab dimoqraadi ah u dhacday, iyadoo aaney jirin wax dhibaato ah oo dhacay intii ay doorashada socotay.
Wixii iga waad naga helidoontaan.
Banaadir Post.
Sunday, December 21, 2008
Dr. Xuseen Xaaji Bood oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

ALLAH ha u raxmadee waxaa xalay ku dhintay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Dr.
Xuseen Xaaji Bood oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.
Dr. Bood ayaa ku jiray Isbitaal ku yaalla Nairobi kaasi oo loo geeyay in looga daweeyo xanuun la soo dersay.
Marxuumka ayaa ku sugnaa dalka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna hadda xubin buuxda ka ahaa urur u dhaqdhaqaaqa nabada Gobolka Banaadir.
Sida ay sheegeen ehellada marxuumka, waxaa lagu wadaa in Maydkiisa loo soo qaado Muqdisho si loogu aaso, iyadoo qabanqaabada soo qaaditaanka la filayo inay dhawaan dhacdo.
Taariikhda marxuumka oo kooban
Marxuumka Bood ayaa ku dhashay Degmada Mareeg ee Gobolka Galguduud, isagoo waxbarashadiisii Dugsiga quraanka ku qaatay degmada Ceeldheere ee isla gobolkaas.
Taariikhda marxuumka oo kooban
Marxuumka Bood ayaa ku dhashay Degmada Mareeg ee Gobolka Galguduud, isagoo waxbarashadiisii Dugsiga quraanka ku qaatay degmada Ceeldheere ee isla gobolkaas.
Waxbarashadiisii Iskuulka Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, isagoo waxbarashadiisa heerka sarena ku qaatay dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga.
Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii USC, isagoo markii dambena u ololeynayay dhameynta iyo hakinta dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii la riday xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.
Marxuumku ifka kagama tagin wax caruur ah, sida ay sheegeen dad ehelladiisa ah, wuxuuna lahaa xaas kaliya.
Banaadir Post
Saturday, December 20, 2008
Madaxweyne Yuusuf oo u amba baxay Dalka Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu madaxweyne Yuusuf u amba baxay dalka Kenya.
Madaxweynaha oo ay diyaarad khaas ah ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka Kenya kulamo kula qaadanayo diblumaasiyiin ka socday Beesha Caalamka, kuwaasi oo daneynaya in wax laga qabto qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Socdaalka uu Madaweynaha ku tegay Dalka Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Kenya ay shaaca ka qaaday in ay xayiraad dhinaca safarka iyo dhaqaalaha ah ay ku soo rogtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ay ku eedeysay in uu nabadeynta Soomaaliya ka soo horjeedo.
Madaxweynaha ayaa dhawaan wuxuu Baydhabo ka sheegay in uu xilkii Ra’iisal Wasaarenimada ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isagoo maalin kadibna magacaabay Ra’iisal Wasaare kale oo uu u doortay Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu waqtiga
madaxweynenimadiisa ku qaatay khilaafaadyo soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisal Wasaareyayaal uu soo magacaabay iyo weliba Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtiga dowladda federaalka oo shan sano ahaa ay haatan dhowr bilood ka harsan tahay.
Banaadir Post.
Tuesday, December 9, 2008
Xuska Cabdilaahi Qarshe
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Qormadii 5aad:Xuska Cabdilaahi Qarshe
Waa xilladdii Cabdille Raage, isaga oo Qarshe ka hadlayana wuxu yidhi:
“Cabdillaahi wuxu ahaa waddani aan is-tus-tus is-yeel-yeel ahayn oo lagu tilmaami karo Timacadde oo kale, gabyaa ayaanu ahayne, labadiiba Alla ha u naxariisto e’. Waxa la yidhaahdaa: ‘Nin rooni ma raago’, waxaanu leenahay Jannadii Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo.Ummaddii uu halganka la soo galay ama uu u soo galayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo. Meeshiisii oo kaleeto qof cusubi ummadda wuu ku jiraaye Alla ha naga siiyo ayaan leeyahay walaalkay. Lama soo koobi karo jacaylka uu fannaaniinta u qabay. Markii aanu Nayjeeriya aadnay oo dadku nooga soo baabi’I jiray, markii la yidhi igaarkaagii (inankaagii) ayaa dhintay, wuxu yidhi Cabdille Raage ma nool yahay. Markaa meel gooniya oo aniga iga go’day ayaa jirta, waxaan se ku samrayaa in naf waliba mowdka dhan-dhamin doonto. Waa wax anigana igu soo socda, taas ayaanan ku samrayaa gooni ahaan ayaanan u agoontoobay.”
7. Maxamuud Cabdillaahi (Singub):
Singub oo ku caan-baxay curinta heesaha iyo riwaayadaha kana tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi ayaa is-na BBC-da wareysi ka siiyay siduu u yaqaannay Cabdillaahi Qarshe isaga oo ka soo hadlayay Toronto, waxaanu yidhi:
“Geerida Cabdillaahi Qarshe dhibaato badan ayay ku soo kordhisay ummadda. Cabdillaahi Qarshe mooyaane ma fan kalaa jiray? Waa wax uu isagu ababiyay, aasaasay ama waddada u jeexay. Nin kastaaba ha hadlee Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa rukun adag oo aad qaali u ah. Wuxu ahaa nin qabyaalad yar oo Soomaalinnimada jecel. Cabdillaahi Qarshe haddaan sii wado waan ku qiiroonayaa. Waxaan se aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa sharafta uu ku dhintay Ilaahay ha u naxariisto e’. Waayo qof baa wuxu ku dhintaa sharaf-darro iyo taariikh-xumo.
Cabdillaahi Qarshe wuxu ku dhintay taariikh wanaagsan. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo carruurtiisana Soomaali oo dhan baa xil ka saran yahay. Wuxu ahaa ninkii Heesaha waddaniga ah ku heesi jiray ee odhan jiray: ‘Wiiloy waalidkaa ku waaninayee’, iyo ‘Xiddig yahay caddi waad na ciidamisee.’ Waad I ogaan-weydiinaysaane waad og tihiin wuxu Cabdillaahi Qarshe yahay ama qabtayba.”
8. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye):
Gaarriye oo aad wada garanaysaan oo maansayahan Soomaaliyeed ihi, markii Cabdillaahi Qarshe laga wareysanayay wuxu ku bilaabay:
“Maansadan la yidhaahdo ‘Af-kala-qaad’ saddex qof baan ku hal-qabsaday oo kala ah: Cabdi-sinimoo, Qadiija Balwo iyo Ciise Warsame, maansadan oo aan ugu talo-galay geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdillaahi Qarshe, waxaanay ku bilaabmaysaa:
Alleylehe qod baa dhacay,
Alleylehe qar baa dumay,
Qiiq baa ka kacay Bari,
Qab-qablaa u baxay Bogox,
Maantana qasaaraha,
Cabdi iyo Qadiijaa,
Qaban waayay luxudkii,
Qoodhay iyo xeraday,
Qaflad baa inagu timid,
Waxa dhacay Af-kala-qaad,
Qaran baa goblamay shalay,”
Hadduu sidaa maansadan baroor-diiqda ah ku ballaysimay Gaarriye, wuxu ku soo af-jaray:
“Qacda yeedhay waa nabar,
Geed baa ku qolof dhacay,
Damal baa qarqoorsamay,
Jirrid ay ku qoran tahay,
Ma qallalo Gu’ iyo Deyr,
Ma qalloocdo abidkay,
Weligay ma Qaran-jabo,
Waayaha I qiimaa,
Qudha igama gooyaan,
Markay laani qaadhaba,
Mid kalaan qotomiyaa,
Nin quustaana ima geyo,”
Intaa waxa ku dhan wareysiyadii BBC-da ee maalintii Cabdillaahi Qarshe la aasayay oo ahayd 3/11/1997kii oo maalin Isniineed ahayd. Marka hore aniga oo afkiinna ku hadlaya aan mahad aan duugoobin u celiyo Cabdisalaan Hereri oo si dareen iyo kalgacalba cokan barnaamajkaa u daaddahaynayay. Hadduu maalintaa joogay oo codkiisa dareenka leh ka soo dawinayay BBC dadka u dhexeysay, maanta Atlaantigga docdiisa kale ayuu joogaa bal in uu mar kale inagu habo codkiisii dooca iyo dareenkaba lahaa. Min BBC ilaa VOA. Mar labaadka aan mahad kale u naqo Abiib Iimaan oo cajaladdan ku faro-adaygay.
Ayaan-darradu se waxay tahay in aan ilaa maanta keydka Qaranka lagu hayn cajaladdii rasmiga ahayd ee laga duubay aaskaa Cabdillaahi Qarshe oo ka mid ahaa gelbisyadii taariikhiga ahaa ee dalkan iyo dadkanba soo maray kuwii ugu mudnaa. Berigaa ma jirin SLNTV oo beryo danbe ayaa la sameeyay, laakiin ciddii duubistaa u xil-saarnayd waxa laga sugayaa in ay cajaladdaa u soo xereeyaan Qaranka oo weliba si dhakhso ah tallaabadaa u qaadaan.
(La soco…………………)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.
Koshin Yare
banaadirpost@gmail.com

Subscribe to:
Posts (Atom)