Search This Blog

Wednesday, March 24, 2010

WASIIRO MISE MUQALASIIN By:-Cali Muxiyaddiin Cali

Ma ahan wax lala yaabo oo shacabka Soomaaliyeed ay maqlaan, masuq maasuq lagu sameeyo hanti dadweyne ama mid Dowladeed oo ay diba mariyeen Mas’ uuliyiin ka tirsan Dowlad ama Ganacsato ku xeran maamuladii dalka soo maray, hase ahaatee Masuq maasuqyadii ka jiray dalka inta badan wey ka qarsoonaayeen Hey’addaha caalamiga iyo dalalka deeqaha laga helo.


Fadeexadii ugu weyneyd ee todobaadkii la soo dhaafay ka soo baxday xafiiska la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa waxay dhalisay sumcad xumo iyo fadeexad hor leh oo ku lug leh Wasiiro miisaan culus ku leh Dowladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay iibsadaan Fiisooyin dal ku galka ah ee laga helo dalalka Yurub, Ameeriko iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xeran Dowladda oo si xun u maamulay cunada hey’adda WFP ugu talagashay dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay kala bar raashinkaasi lunsadaan.

In badan oo shacabka ka mid ah waxay ogsiin yihiin in Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG oo horay loo hadal hayey kuna caan baxay isdaba marinta aanan liiskaasi fadeexada noqday lagu soo derin ama aan lagu arkin, waxaase dadku is weydiinayaan sababta loogu soo deri waayay wasiirada fadeexada ku dhacday, waxaan filayaa in wasiiradaasi aan xusay iiga baahneyn tilmaam.

Waxaa uur ku taalo ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed oo laga sugayey in ay samatabixiyaan shacabka diifta iyo darxumada ka muuqata in ay ceeji ku sii qabtaan shacab dhiig baxaya, taasi waxaa ka sii daran in wasiiradaasi qaarkood ay caruurtooda ka fogeeyeen Madaafiicda iyo dagaalada boqolaalka qof ku dhimanaya bil walba, iyagoo Talafishinada caalamka ka daawanaya dhibaatada ay aabayaashood horseedayaan, kuwii madaafiicda ka harayna ay doonayaan in ay si xun u dilaan

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah in Prof. Cabdiraxmaan Ibbi oo ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga uu lugaha la galo waxyaabo sumcadiisa iyo karaamadiisa wax u dhimeysa.

Nin Oday ah oo ka mid ahaan jiray Wasiiraddii Dowladda C/qaasim ayaa habeen inagoo wada daawaneyno TV-ga waxaa laga soo daayey Prof. Ibbi oo barnaamij ciyaaraha ah ka qeybgalay oo hadalo uusan mansab ahaan laheyn ka jeedinayo kuna habooneyn in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ama Wasiir kale oo aan aheyn kan Isboorti uu jeediyo.

Daqiiqado kadib ayaa hadana barnaamij kale oo Gobolka Banaadir ah misane ka qeybgalay Prof. Ibbi, waxaan isweydiinay ninkii odayga ahaa ee aan wada daawaneynay sababta uu Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka arrimahaasi ugu hadlayo, ninkii odayga wuxuu ku gaabsaday in tan iyo markii uu Ibbi ku soo biiray arrimaha Siyaasadda oo aheyd Dowladdii Carta markii la dhisay ilaa iyo iminka uusan kala garaneyn howsha uu leeyahay iyo tan uusan laheyn, hase ahaatee aniga ayaa fakir ka duwan siiyay oo waxaan u sheegay in Prof. Ibbi ka aheyn karti iyo dadaal ee ay ka tahay Saxaafad Jaceyl iyo in meel walbo laga arko muuqaalkiisa iyo warkiisa taasoo keentay in uu daf daf badnaado.

Kaliya fadeexada Qaramada Midoobay kuma dhicin Prof. Ibbi, ee waxaa jira Wasiiro kale oo magac xumo u soo hoyatay, kadib markii sida maqalasiinta u iibsaday Fiisooyin loogu talagalay mas’uuliyiinta Dowladda KMG in ay ku tagaan Qaaradaha calaamka, waxaana ka mid ah Wasiiradaasi Madoobe Nuunow oo a Wasiirka Dastuurka, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Safiirka Dowladda KMG oo isna lagu sheegay in uu yahay xubinta ugu firfircoon ee fiisooyinka kala iibiya.

Ma jirto sumcad xumo tani ka weyn in Mas’uul dhan oo shacabka Soomaaliyeed wax badan ka sugayey in uu ku kaco iibsashada fiisooyinka loogu talagalay Dowladda ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa damiir xumo iyo Wadaniyad la’aan mas’uulkaasi heysata.


Safaaradda Nairobi ee Dowladda KMG oo uu fadhiya Maxamed Cali Ameeriko oo horay eedeymahan u heysatay ayaa waxaa xaqiiqo ay noqotay markii Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay soo saartay Liiska Fadeexadeed, inkastoo warbixinta lagu caddeyn xiriirka Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo heshiis ku ah raadinta fiisooyinka dalalka Yurub iyo dalalka kale ee dadka xiiseeyaan ee nolosha laga helo.


Ugu danbeyntii Fadeexadda Dowladda KMG ku dhacday, saameyn intee la eg bey ku yeelan kartaa caalamka? Jawaabtii Dowladda ay ka bixisay eedeymahan ayaa noqday kuwo la iska fogeeyay, hase ahaatee Wasiir Ibbi wuxuu guuxiisa u muuqday in uu ka xun yahay, kuna cambaareeyay hadalkiisa qoraha warbixinta Qaramada Midoobay, laakiin hadalka Ibbi waxaa iiga soo baxay in ay jiraan xubno ka dhoofay Muqdisho oo u kicitimay dalka Jarmalka kuwaasi oo ku dhex goostay Jarmalka, dadkase waxay isweydiinayaan Wasiirada la eedeeyay ma Muqalasiin baa mise Mas’uuliyiin.?















Cali Muxiyaddiin Cali

muxiyaddiin@hotmail.com