Search This Blog

Monday, September 7, 2009

Xafadaha Moqdisho Qaar oo an Caawa laga tukan Taraawix


Waxa goor dhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho dagaal aad u culus kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa ka bilowday Wadada Makka Almukarama ilaa nawaaxiga KM-4 waxana la wada is ticmaalayay hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo dadku magaaladu aay ku afurayaan Dhawaaqa rasaasta Iyo madaafiic is daba socota.

Dagaalka ayaa la sheegay inu bilowday kadib markii kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay weerar ku soo qadeen Saldhigyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay ku leeyihiin Xafada Hodan iyo jidka dheer ee aada Dabka,, qadar kadibna wuxuu isu badalay mid aad u culus oo wata Madaaficda Altaleeriga.

Dagaalkii galabta biloowday ayaa soo gaaray ilaa iyo cawa xiligii Salaada Cishaha, wkhtigaaso ay dadka saa'iminta ah aadi jireen Saalada Taraawixda, dhamaan xaafadihii ka agdhawaa goobahii la isku fara saaray ayaysan caawa u suuroobin in dadweyne badni ka cibaado tagaan, ayagoona ka baqanayay in jidka dagaalo ku qabsadan amabse ay xabad wiifta ahi leefto, maadama ay kooxhi is hardiyaya galabatay isu muuqdeen oo ay dhufeyesyo isgu jireen, tasoo suurta gal ka dhigi karta in marlabaad la isu qalab qaato, halka xaafadaha qaarna ayba dadkii xayireen Madaaficda loo yaqaan Altaleeriga oo si ba'an ugusoo dhacayay goobaha dadka rayidka ah dagan yihiin, waxyan ku beertay dadweynihii cabsi xoog leh. kadib marki qoys gurigooda ku sugnaa u madfac haleelay kuna geeriyooden goobti.

tairda saxda ah ee ku waxyeeloowday Dagaalak galabtay ilaa iyo caawa socday lama hayo, balse goobaha caafimadka ayaa lagasoo sheegayaa in la geeyay tiro dad ah oo u soo gaaray dhawaacyo kala duwan, kuwasoo lagu sheegay ilaa iyo 19-ruux, halka dhimashada rayidkana lagu sheegay 7-qofood, dhinacyada is haya lama hayo khasaarahooda sida caadada ah.

Banaadir Post