Search This Blog

Thursday, June 18, 2009

Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo oo qarax is-miidaamin ah ku geeriyo

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa geeriyooday kaddib markii iyagoo ka soo baxayay Hotel ay magaalada Beledweyne ka deganaayeen uu qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay, iyadoo halkaasna ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiintaas, howl-wadeenno la shaqeynayay iyo weliba ciidamadii ilaalada u ahaa.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay mararka qaarkood ridayaan Ciidamadii Wasiirka la socday iyo weliba kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan.

Labadan mas’uul ee qaraxa ku geeriyooday iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne, waxayna wadeen qorshayaal lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi ayaa markii uu dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne isagoo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dib u ceshato gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo, wuxuuna sheegay in ay dilka mas’uuliyiintaas iyo mas’uuliyiin kale oo la geeriyoodayba ay ka dambeeyeen sida uu u yiri cadawga Umadda Soomaaliyeed.

banaadir Post
banaadirpost@gmail.com